Waa Nin Ceynkee Ah Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta? Warbixin Dhammeystiran

0
Wednesday August 09, 2017 - 23:04:41 in Maqaallo by
  • Visits: 868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Nin Ceynkee Ah Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta? Warbixin Dhammeystiran

    Madaxweyne Uhuru kenyata ayaa ah siyaasi & Ganacsade saamayn weyn ku leh dalkiisa Kenya & guud ahaan Afrika. Uhuru waxaa dhalay madaxweynihii ugu Horeeyey dalkaasi. Jomo Kenyatta. magaca "Uhuru" micne ahaan waxa uu noqonayaa "f

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Uhuru kenyata ayaa ah siyaasi & Ganacsade saamayn weyn ku leh dalkiisa Kenya & guud ahaan Afrika. Uhuru waxaa dhalay madaxweynihii ugu Horeeyey dalkaasi. Jomo Kenyatta. magaca "Uhuru" micne ahaan waxa uu noqonayaa "freedom" waxa uuna dhashay xilligii lagu jirey dagaalka gobonimo doonka dalkaasi. Uhuru sidaas ayaa magacaas milgaha leh loogu bixiyey. waxa uu ka soo jeeda qoomiyadda ugu balaadhan dalkaasi "Kikuyu".

Mr kenyata Waxa uu dhashay 1961,
waxa uuna noqday madaxwaynihii ugu da’da yaraa ee Kenya soo mara. Madaxweyne uhuru waxa uu ka baxay Amherst College, oo ku yaala Usa. Isagoo ka bartay culuumta
economics, political science and government.

 

Uhuru waa xaas & Aabe leh saddex caruur ah. murwadiisa waxaa la dhahaa Margaret. caruurtiisana Jomo, Ngina and Jaba.

Kenyatta waxa uu hore u soo noqday xidhibaan qaran. Haatanna xubin muhiim ah ka yahay xisbiga Jubilee. Ololayaashiisa doorashada waxa uu isku tilmaamay madaxwayne fahansan casriga dunida.

Sidoo kale Mr Kenyatta Waxa lagu eedeeyay in uu agaasimay weeraro & hurin colaadeed kuwaaso lagu qaaday taageerayaasha Raila Odinga ka dib doorashadii 2007 .

Balse waa uu diiday dacwadahaasi, waxa uuna sheegay in ay yihiin ” shirqool ay soo maleegeen reer galbeedka & Cadowga Afrikanka” Kenyatta intii uu madaxweynaha ahaa dacwadan waxa uu u xulufaystay madax badan oo African ah. & ururka Midowga Africa. Iyagoo markaasi si midaysan maxkamadda dambiyada dagaalka ugu eedeeyey in ay tahay "maxkamad indho u leh Afrikaanka oo qura, guumaysi qarsoon oo kale ah, ayna ka bixi doonaan ka qayb ahaanshaha maxkamadaas haddii aysan kala Laaban dacwada madaxweyne Kenyatta joogina eedaynta Afrikaanka oo qura.”! Maxkamaddii markii dambe dacwadii way kala Laabatay madaxweyne Kenyatta & Raggii kale ee la eedaysnaa. Iyadoona sheegtay in ay wayday cadaymo & markhaantiyo Ku filan.

Sida dad badan oo ka ag- dhoow Kenyatta sheegeen, waxa ay ku sifeeyeen nin degan, Saaxiib wanaagsan ah. kaftan badan, fir-fircoon, guushana jecel. taageerayaashiisa waxay u yaqaanaan ” Hogaamiye bulshaawi ah”

Uhuru Kenyatta waa mid ka mid ah dadka ugu hantida badan dalka Kenya iyo qaaradan Africa ,sida ay sheegtay jariirada Forbes magazine.

Tixraac:


-Uhuru Kenyatta Contacts- .Uhuru Kenyatta Website
-Bbcnews.
-Daily Nation.

W|D: Cabdifataax maxamuud



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip