WASIIRRADA GALMUDUG OO ANSIXIYAY MIISAANIYADDA AY KU SHAQEYNAYAAN LIX BILOOD EE SOO SOCOTA
Sidoo kale, Wasiirka Maaliyada Galmudug ayaa sheegay in Miisaaniyaddan lagu saleeyay habraacyo lagu soo bandhigay Qoondeynta Miisaaniyada wasaaradaha oo ay ka mid yihiin; Mushaaraadka shaqalaha rayidka, midka ciidanka iyo sidoo kale Qarashaadka dheeriga ah ee Safarrada iyo isticmaalka xafiisyada Wasaaradaha.
Golaha Wasiirrada Maamulka Galmudug oo eegaya Muhiimada ay leedahay Fududeynta Qabashe-hawleedka u yaalla Maamuka ayaa soo dhaweeyay Qaabka uu u soo diyaariyay miisaaniyadda wasiirka Maaliyadda Galmudug, Cali saciid Cumar.
Ugu
dambeyn, Shirka Golaha Wasirrada oo uu shir-guddoominayay Wasiirka
Cadaaladda iyo Garsoorka Galmudug, C/qaadir Sheekh Cali ayaa Waxaa
Goob-joog ahaa 34 Wasiir, kuwasoo si wadajir ah u ansxiiyay
Miisaaniyadda.
XIGASHO:- HIIRAAN.COM
WASIIRRADA GALMUDUG OO ANSIXIYAY MIISAANIYADDA AY KU SHAQEYNAYAAN LIX BILOOD EE SOO SOCOTA
Shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Maamulka Galmudug ayaa looga hadlay Qoondeynta Miisaaniyadda Maamul-gobolkeedkaas, iyagoo ugu dambeynna Ansixiyay Miisaaniyadda uu lixda bil ee soo socota uu ku shaqeyn doono Maamulka Galmudug.