Hordhac: Leicester City vs Man United: Vardy Oo Isha Ku Haya Inuu Rikoor Dhigo & Red Devils Oo Dooneysa Iney Kali Ku Noqoto Hogaanka EPL-ka

0
Saturday November 28, 2015 - 11:19:54 in Sports News by
  • Visits: 973
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Leicester City vs Man United: Vardy Oo Isha Ku Haya Inuu Rikoor Dhigo & Red Devils Oo Dooneysa Iney Kali Ku Noqoto Hogaanka EPL-ka

    Leicester City ayaa u muuqata koox la tartami karta kooxaha waaweyn waxeyna kusoo gurigooda kusoo dhaweyn doonaan maanta Manchester United.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Leicester City ayaa u muuqata koox la tartami karta kooxaha waaweyn waxeyna kusoo gurigooda kusoo dhaweyn doonaan maanta Manchester United.

Farqiga labada kooxood u dhaxeeya ayaa ah hal dhibic iyadoo Leicester City ay tahay kooxda hogaanka u heysa horyaalka halka Red Devils ay booska labaad jiifto.

Claudio Renieri iyo kooxdiisa awood dheeri ah ayey lasoo baxeen xagaagan madama ay 13-kulan kadib noqdeen kooxda ugu sareysa horyaalka.

L vs MU
WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Leicester City vs Manchester United

Tartanka: Premier League

Garoonka: King Power Stadium

Saacadda: 8:30 Fiidnimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Louis Van Gaal ayaa ku qasban inuu isbadal ku sameeyo kooxdii barbardhaca la gashay PSV kulankii Champions League-ga, waxaana la filayaa in Juan Mata uu dib ugu soo laabto safka hore halka Lingard iyo Depay midkood uu seegi doono safka hore.

Dhanka kale Ashley Young iyo Phil Jones ayaa qudhooda filanaya iney kusoo bilowdaan kulankaan inkastoo aysan fursadaas helin kulankii UCL.

Renieri ayaa ka farxiyay Jamaahiirta Leicester City markii uu xaqiijiyay in Jamie Vardy uu kulanka Man United diyaar u yahay, xidigaan reer England jug ayaa soo gaartay ciyaartii Newcastle United.

Matty James ayaa ah xidiga kaliya ee kulankaan dhaawaca ku seegaya kana tirsan kooxda Leicester City.

MA OGTAHAY?

Xili ciyaareedkii lasoo dhaafay ayey labadaan kooxood is arkeen kulankii ka dhacay King Power Stadium wuxuu kusoo dhamaaday 3-5 oo ay si lama filaan ah guusha ugu heshay Leicester City, balse kulankii Old Trafford United ayaa 3-1 ku badisay.

Kulanki ka dhacay King Power Stadium ayaa ah kii ugu goolasha badnaa oo ay labada kooxood isla ciyaareen sideed gool ayeyna iska dhaliyeen.

Leicester City:

Schmeichel; Simpson, Morgan, Huth, Fuchs; Drinkwater, Kante, Albrighton, Mahrez; Ulloa, Vardy

Manchester United:

De Gea; Young, Smalling, Jones, Blind; Schneiderlin, Schweinsteiger; Lingard, Rooney, Mata; Martial




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip