Arsene Wenger Oo Difaacay Go'aankii Ay Kooxdiisa Diyaarada Qaaska Ah Ugu Safartay Kulanka Norwich City

0
Saturday November 28, 2015 - 11:12:20 in Sports News by
  • Visits: 949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsene Wenger Oo Difaacay Go'aankii Ay Kooxdiisa Diyaarada Qaaska Ah Ugu Safartay Kulanka Norwich City

    Macalinka kooxda Arsenal ayaa difaacay go'aanka ay kooxdiisa diyaarada qaaska ah ugu safartay kulanka Norwich iyadoo safarkaas uu ahaa mid ku koobnaa 14-daqiiqo oo kali ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalinka kooxda Arsenal ayaa difaacay go'aanka ay kooxdiisa diyaarada qaaska ah ugu safartay kulanka Norwich iyadoo safarkaas uu ahaa mid ku koobnaa 14-daqiiqo oo kali ah.

Waxey dhaleeceyn kala kulmeen kooxaha deegaanka October 2012 markii ay diyaarad qaas ah ugu safreen Carrow Road oo qiyaastii 100 Mile u jirta magaalada London mar kale ayey hadana arintaan timid.

Gudiga arintaan u ololeynaya ayaa go’aankaan ku tilmaamay inuu yahay mid qosol leh isla markaana qalafsan, kuwaas oo sidoo kale cadeeyay in kubada cagta ay ku nooshahay marxalad hirar ah iyadoo loo sababeynayo xaladahaan xad dhaafka ah.

Arsenal Squad Travel to Zagreb
Tababare Arsene Wenger ayaa shirkiisa jaraa’id ku xaqiijiyay iney u safrayaan Norwich sababo jira aawadood.

"Waan u duuli doonaa Norwich Sabtida marka aan casho ku yeelano xarunta tababarka” Ayuu yiri Wenger.

"Marka aan go’aankaan qaadaneynay waxaa jiray qorsheyaal shaqo oo wadooyinka ah, mararka qaar inaad aado Norwich waa wax dhib badan, sidaas darteed ayaan u go’aansanay, mar walba ma safarno”

Dhanka kale Wenger ayaa xaqiijiyay in Aaron Ramsey uu diyaar buuxa u yahay kulanka Norwich sidoo kalana uu qeyb ka mid ah ciyaaray kulankii Dinamo Zagreb.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip