Wargeyska Mundo Deportivo Oo Shaaciyay Waqtiga Ay Barcelona Soo Bandhigi Doonto Saxiixa Philippe Coutinho & Macluumaad Ku Saabsan heshiiskiisa

0
Sunday August 06, 2017 - 13:42:13 in Sports News by
  • Visits: 539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargeyska Mundo Deportivo Oo Shaaciyay Waqtiga Ay Barcelona Soo Bandhigi Doonto Saxiixa Philippe Coutinho & Macluumaad Ku Saabsan heshiiskiisa

    Barcelona ayaa lagu soo waramayaa iney maalinta talaadada ah soo bandhigeyso saxiixa xidiga reer Brazil Philippe Coutinho & kooxda Liverpool iyadoo kooxda ka dhisan Catalan ay kalsooni ku qabto in Reds aysan iska indho tiri doonin dalab dhan 100

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa iney maalinta talaadada ah soo bandhigeyso saxiixa xidiga reer Brazil Philippe Coutinho & kooxda Liverpool iyadoo kooxda ka dhisan Catalan ay kalsooni ku qabto in Reds aysan iska indho tiri doonin dalab dhan 100 Malyan oo Euro oo u dhiganta 90.2 Malyan oo Pound.

Barcelona waxey dar-dar galisay wadahadalada ay kusoo jiidaneyso Philippe Coutinho iyadoo kaga jawaabeysa bixitaankii Neymar Junior, Ernesto Valverde ayaana bartilmaameedka koowaad ka dhiganaya xidigii hore Inter Milan.

 

Inkastoo lasoo wariyay in dalabkii hordhaca ahaa laga soo diiday hadana wargeyska Mundo Deportivo ee kasoo baxa gobolka Catalan ayaa tilmaamaya in Barcelona ay 48-saac u jirto saxiixa Philippe Coutinho hadii wax walba ay u dhacaan sida la qorsheeyay.

Sidoo kale Philippe Coutinho ayaa noqon doona saxiixa ugu qaalisan ebid laga iibsado kooxaha Premier League madama 20 Malyan oo Euro oo dheeri ah ay heli doonto Liverpool madama ay kubad adag la ciyaartay.

Goor hore ayuu Philippe Coutinho heshiis shan sano ah u saxiixay Barcelona kaas oo ku heyn kara Camp Nou ilaa June 2022, waxaana la sugayaa inuu usoo safro magaalada Barcelona si uu caafimaadka ugu maro.

Inkastoo Jurgen Klopp uusan jecleysaneynin bixitaanka Coutinho, hadana lacagaha Liverpool loo soo bandhigay ayaa ah kuwa aan laga jeedsan karin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip