Ciidamada Kenya oo Hoosingoow ku xiray Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda

0
Tuesday September 08, 2015 - 11:20:30 in Wararka by
  • Visits: 905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kenya oo Hoosingoow ku xiray Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda

    Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubadda hoose, ayaa la sheegay inay xireen labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada Dowladda ee ku sugan deegaankaasi. Xariga Saraakiishaan, ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Saraakiisha Ken

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubadda hoose, ayaa la sheegay inay xireen labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada Dowladda ee ku sugan deegaankaasi. Xariga Saraakiishaan, ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Saraakiisha Kenya ee Hoosingoow ku sugan iyo Saraakiisha ciidamada Somalida ay isku fahmi waayeen qaybsiga dhaqaalaha kasoo xarooda deegaanka Hoosingoow.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa ka cadhooday damaca Sarkaal Kenyan ah uu ku doonaayay in 60% inuu qaato dhaqaalaha kasoo xarooda deegaanka, balse Saraakiishii arintaasi ka carootay loogu yeeray wada hadal inay ugu tagaan Saraakiisha Amisom sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Cali Maxamuud Xoogsade oo ka mid ah Saraakiisha Hoosingoow ku sugan.

"Saraakiil ka mid ah ciidamadii Kenya lagu soo tababaray ee ku sugnaa Hosingoow waxaa xiray Nin Gaashaanle ah oo Qaybtan Masuul ka ah oo AU Hosingoow u joogo, dambi loo xiray malahan, laakiin waxaa loogu yeeray in la wada hadalsiiyo dadka deegaanka iyo ciidamada meesha jooga ayuu Afhayeen u ahaa.” Ayuu yiri Cali Maxamuud Xoogsade.

Labada Sarkaal ee la xiray ayaa si adag kaga biyo diiday dhaqaalaha uu qaadanaayo Sarkaalka Kenyan-ka ah, waxa ayna taasi keentay in loo yeero labadan Sarkaal oo la qiyaano, kadibna la xiro.

"Laba Sarkaal ayaa aad u qaylisay, Taliyaha Ciidanka Kenya ayaa u yeeray, oo ku yiri ii kaalaya waan ka wada hadleenaa arrintaas, markii ay u taggeena waala xiray shalay. Waala qiyaamay Saraakiishaas.”

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee jooga deegaanka Hoosingoow ilaa hada kama aysan hadlin xarigaan la sheegay inay u geysteen Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ee deegaankaasi.        XIGASHO:- DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip