Mucjisoonka Kaneecada ( Miracles in The Mosquito, إعجاز الله في خلق البعوضه)

0
Saturday November 28, 2015 - 10:19:04 in Maqaallo by
  • Visits: 1544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Mucjisoonka Kaneecada ( Miracles in The Mosquito, إعجاز الله في خلق البعوضه)

    Kaneecada waxay ka mid tahay noolaha mucjisooyinka gaarka ah leh ee Eebe weyne uumay.Kaneecadu waxay leedahay saddex wadne, mid dhexe ku yaal iyo laba dhinaca baalasha xiga. Shaqada saddexda wadane waa inay soo nuugaan dhiiga ka dibna u qaybiyaan jir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaneecada waxay ka mid tahay noolaha mucjisooyinka gaarka ah leh ee Eebe weyne uumay.Kaneecadu waxay leedahay saddex wadne, mid dhexe ku yaal iyo laba dhinaca baalasha xiga. Shaqada saddexda wadane waa inay soo nuugaan dhiiga ka dibna u qaybiyaan jirka intiisa kale. Dr.Julian Hillyer waa saynisyahay muda baaritaan ku samenayay kaneecada isagoo adeegsanaya Waynaysada , waxa uu aad u soo jiitay siday wadnaha iyo unugyada dhiiga u shaqaynayaan.

Kaneecadu waxay awood u leedahay inay ruxdo garbaheeda 500 jeer. Ilkaha kaneecada waa 48 ilko. Kaneecadu waxay sidoo kale leedahay hal maskax iyo 100 indhood.

bees

Marka aad eegto qaabka adag ay u samaysantahay, Saynisyahanu waxay sheegaan in Kaneecada ay baaritaan ku samayso inta aanay qaniinin jirka qofka, haddii uu noqdo mid munaasab u ah way nuugtaa haddii kalena waxay u wareegtaa qof kale.


Waxa xusid mudan in kaneecadu leedaha qalab(sida raajada ama X-RAY) aysan lahayn raadaarada iyo diyaaradaha aadka u dheereya dunida, kaasoo u qaabilsan dareenka neefta bini-adamku siidaayo( gaar ahaan Carbon dioxideka) si ay u ogaato in goobta uu joogo noole. Kaneecadu waxay leedahay qalab suuxiya qofkay qaniinayso.

Kaneecada dheddig way ka adagtahay mida lab waxay dhiiga ka nuugtaa bini-adamka iyo xoolaha si ay ugu quudiso ukxanteeda. Mucjisooyinka Quraanka waxaa ka mid in Alle ku xusay Quraanka kaneecada Dheddig Suratu Baqara(26.) Kaneecada lab waxba ma qaniinto, waxay quudataa dhirta iyo ubaxyada.
Eeebe 1400 sano ka hor ayu inuu sheeay in kaneecada dhusheeda ay ku noolyihiin noole kale, cilmiga casiga ah ee dunida baaritaan la samayey waxa la ogaaday in uu jiro noole il-ma-aragta ah oo ku nool dhusha kaneecada.

Kaneeda lab waxay noolaan kartaa illa 10 maalmood halka mida dhedig ay noolaankarto ilaa saddex bilood qiyaas ahaan.
Kaneecada dhedig waxay sabataa cudurka halista ah ee Duumada(Malaria.) Noolahan aadka u tabarta yar ayaa sabab u noqda dhimashada Sanadkiiba Malaayiin qof.

Xanuunka ay sababto kaneecada waxa ogaaday Charles Louis Alphonse Laveran sanadkii 1880kii. Dr. Saadiq Enow mar uu ka hadlayey Malariyada waxa uu sheegay in Soomaalida ay u taqaanay xanuunkan Duumo ka hor inta aan la ogaan cudurka Malaria.
__________
Ibrahim Abdulkadir
794545@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip