Ciidan Soomaali ah oo tababar ku qaatay Emirate-ka Carabta oo la geeyay dalka Yemen

0
Tuesday September 08, 2015 - 11:12:25 in Wararka by
  • Visits: 957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidan Soomaali ah oo tababar ku qaatay Emirate-ka Carabta oo la geeyay dalka Yemen

    Warbaahinta Wadanka Yemen, ayaa qortay ciidan Soomaali ah oo tababar ku soo qaatay Emirate-ka Carabta in la keenay Gobolka Marib, si ay kaga qayb qaataan dagaalka lagula jiro Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen. Marib waxaa ku sugan ciidan lugta ah oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta Wadanka Yemen, ayaa qortay ciidan Soomaali ah oo tababar ku soo qaatay Emirate-ka Carabta in la keenay Gobolka Marib, si ay kaga qayb qaataan dagaalka lagula jiro Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen. Marib waxaa ku sugan ciidan lugta ah oo ka kala socda dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Emirate-ka, Bahrain, Qatar iyo dalal kaloo Carbeed. Askarta Soomaalida waxay Gobolkaasi ku jooggaan magaca Emirate-ka Carabta. Askartan, ayaa waxay xiran yihiin tuutaha Emirate-ka Carabta, waxayna ka qayb qaadanayan sidii tallada Yemen dib loogu soo celin lahaa gacanta Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay, Abd Rabbuh Mansur Hadi.

Tani, ayaa waxay walaac xoogan ku keentay shacabka Somaliyeed ee Yemen ku nool, gaar ahaan Soomaalida degan Magaalada Sanca Ee Xarunta Yemen, xilli Xuuthiyiinta ay ka arrimiyan Magaaladaasi.

Madaxa Guddiga Qaxootiga Sanca, Dahaba Cabdi Faarax, ayaa sheegtay in arrintan ay baqdin ku keentay bulshada Somaliyeed, iyagoo ka walwalsan in ay beegsadaan Xoogaga Xuuthiyiinta.

Dahaba oo la hadashay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegtay in Soomaalida Sanca ay isku difaacan, inaanay askartaasi ka tirsanayn Soomaalida Yemen degan, balse ay yihiin kuwo tababar ku soo qaatay Emirate-ka Carabta.

Emirate-ka waxa uu ka mid ah dalalka isbahaysiga ee Sacuudigu uu hormuudka ka yahay, kuwaa oo dhinaca cirka ka duqeynaya Maleeshiyada Shiicada Yemen Ee Xuuthiyiinta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip