Barcelona Oo Guul Ka Gaartay Real Madrid, Pique Oo Goolka Guusha Dhaliyay & El-Clasico Oo Shan Gool La Iska Dhaliyay.

0
Sunday July 30, 2017 - 10:12:16 in Sports News by
  • Visits: 583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Guul Ka Gaartay Real Madrid, Pique Oo Goolka Guusha Dhaliyay & El-Clasico Oo Shan Gool La Iska Dhaliyay.

    Shan gool oo ay kala dhaliyeen Messi, Rakitic, Kovacic, Asensio Iyo Gerard Pique ayaa kulankii ay wada yeesheen Barcelona iyo Real Madrid kusoo dhameeyay in 3-2 ay guusha ku raacdo kooxda ka dhisan gobolka Catalan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shan gool oo ay kala dhaliyeen Messi, Rakitic, Kovacic, Asensio Iyo Gerard Pique ayaa kulankii ay wada yeesheen Barcelona iyo Real Madrid kusoo dhameeyay in 3-2 ay guusha ku raacdo kooxda ka dhisan gobolka Catalan.

Labada kooxood ee waqtigaan ugu xoogan kubadda cagta sida la aaminsan yahay ayaa isaga hor yimid koobka International Championship Cup qeybtiisa waqooyiga Ameerika, wuxuuna ahaa kulan aad loo wada sugayay inkastoo Ernesto Valverde uu guushiisii sadexaad gaaray.

Barcelona si dar-dar ah ayey ku bilowdeen ciyaarta madama 7-dii daqiiqo ee ugu horeeyay ay ku heleen laba gool waxaana shabaqa soo taabsiiyay Lionel Messi & Ivan Rakitic, balse Real Madrid xidigaheeda awood ayey muujiyeen taasoo u sahashay iney isla qeybta hore daqiiqadahii 14-aad iyo 36-aad goolal ka kala helaan Kovacic iyo Asensio

Gerard Pique ayaa dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 50-aad, waxeyn aheyd guushii sadexaad oo ay gaaraan Barcelona kulamada tartankaan madama ay horay usoo garaaceen Manchester United & Juvetnus.

Neymar Junior ayaa la fahansan yahay inuu ciyaaray kulankii ugu dambeeyay ee Barceona inkastoo aan laga dareemin inuu xidigaan macsalaameeynayay jamaahiirta kooxda.

Dhanka kale Real Madrid waxey u tahay guuldaradaan midii sadexaad ee tartankaan kasoo gaarta madama ay 4-1 guuldaro ah ka heshay Man City halka ay United guuldaro rigooreyaal ah ka heshay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip