Tababare Jose Mourinho Oo Sheegay In Hal Arin Uu Uga Murugaysan Yahay Guuldaradii Barcelona Ka Soo Gaadhay.

0
Thursday July 27, 2017 - 11:27:32 in Sports News by
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Jose Mourinho Oo Sheegay In Hal Arin Uu Uga Murugaysan Yahay Guuldaradii Barcelona Ka Soo Gaadhay.

    Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa sheegay in hal arin uu uga murugooday guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay kulankii Barcelona. Macalinka ree Portugal ayaa daawanayay kooxdiisa Manchester United oo ay guuldaradii ugu horaysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa sheegay in hal arin uu uga murugooday guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay kulankii Barcelona. Macalinka ree Portugal ayaa daawanayay kooxdiisa Manchester United oo ay guuldaradii ugu horaysay ku soo gaadhay USA kadib markii ay hore u soo wada guulaysatay dhamaan intii ay safarka ku maraysay dalka Marakaykanka laakiin gool uu Neymar Jr dhaliyay qaybtii hore ee kulankan ayaa guuldaradan United sabab ugu noqotay.

Laakiin Mourinho ayaa sheegay in waxa aanu ku farxin uu ahaa qaabkii ay kooxdiisu u difaacanaysay iyada oo Antonio Valencia uu si liidata dhulka iskaga dhacay si uu Neymar u siiyo fursadii uu goolka ku dhaliyay laakiin sidoo kale difaacyada kale ee United ayaa daawanayay Neymar oo si qurux badan kubbada ugala dhex baxaya.

Saxiixa cusub ee Victor Lindelof oo kulankii Real Madrid shaki wayn ka abuuray qaab ciyaareedkiisa ayaan markale Mourinho ku qancin sababtii uu 31 milyan ee gini ugula soo wareegay xagaagan. Eric Bailly ayaa ilaa hadda ah xidiga difaaca dhexe ee uu Mourinho u raadinayo cidii uu lamaane ugaga dhigi lahaa wadnaha difaaca ee Red Devils.

Kadib markii uu soo dhamaaday kulankii Barcelona iyo United ayuu Mourinho saxaafada la hadlay wuxuuna yidhi: "Jamaahiirta waxa uu u ahaa kulan fiican isla markaana waxaan filayaa in kulamada xili ciyaareedka ka horeeya ay muhiim tahay in kaas la ciyaaro marka aad US joogto ee aad haysato garoon 80,000 kun oo taageerayaal xamaasadaysani joogaan”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip