Dowladaha France, Britain iyo Germany oo ku dhawaaqay tirada Qaxootiga reer Syria ee ay qaabilayaan

0
Tuesday September 08, 2015 - 11:07:59 in Wararka by
  • Visits: 1236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladaha France, Britain iyo Germany oo ku dhawaaqay tirada Qaxootiga reer Syria ee ay qaabilayaan

    Iyadoo ay sii kordhayaan qul-qulka shacabka reer Syria ee ka baxsanaya colaada ka aloolsan dalkooda, ayaa Dowladaha France, Britain iyo Germany, waxa ay ku dhawaaqeen tirada Qaxootiga Syrian-ka ee ay qaabilayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo ay sii kordhayaan qul-qulka shacabka reer Syria ee ka baxsanaya colaada ka aloolsan dalkooda, ayaa Dowladaha France, Britain iyo Germany, waxa ay ku dhawaaqeen tirada Qaxootiga Syrian-ka ee ay qaabilayaan.

Dowladaha France, Britain iyo Germany oo ku dhawaaqay tirada Qaxootiga reer Syria ee ay qaabilayaan

Madaxweynaha dalka France Francois Hollande, ayaa ku dhawaaqay dalkiisa tirada Qaxootiga uu qaabilaayo, wuxuuna sheegay inay qaabilayaan 24,000 kun oo Qaxooti Syrian ah.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha dalka Britain, David Cameroon, ayaa shaaciyay tirada Qaxootiga Syrian-ka ee dalkiisa ay ku qaabilayaan shanta sano ee soo socota, isaga oo sheegay in dalkiisu uu qaabili doono 20,000 oo qaxooti ah.

Qaxootiga ugu badan ee Syria, ayaa waxa ay ku jiraan Xerooyin ku yaalla dalalka Turkiga iyo Jordan, waxaana Dowladahan ay sheegeen inay ahmiyad siin doonaan Caruurta iyo Haweenka oo ka mid ah dadka ugu nugul.

Dalka Jarmalka ayaa sheegay in uu aqbali doono 800,000 oo kun oo qaxooti ah oo inta badan ah kuwa ka soo cararaya dagaallada iyo saboolnimada ka jirta dalalka ay ka soo jeedaan.

Qaxooti badan oo Syrian ah ayaa ka cararaya dagaalada iyo dhibaatooyinka ka jira dalkooda, iyadoo aysan jirin damqasho ay ka helayaan dalalka Carabta.

Tallaabada ay saddexdaan Dowladood ay ugu dhawaaqeen tirada Qaxootiga Syrian-ka ay qaabilayaan ayaa ah mid muhiim ah, maadaama shacabka reer Syria ee baxsadka ah ay u baahan yihiin garab istaag buuxa


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip