Miyuu Muslim Yahay? Romelu Lukaku Oo Sababo La Xiriira Diintiisa U Seegay In La Siiyo Abaalmarinta Xidiga Garoonka Kulankii Manchester Derby

0
Wednesday July 26, 2017 - 10:54:04 in Sports News by
  • Visits: 669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miyuu Muslim Yahay? Romelu Lukaku Oo Sababo La Xiriira Diintiisa U Seegay In La Siiyo Abaalmarinta Xidiga Garoonka Kulankii Manchester Derby

    Weeraryahanka Manchester United Romelu Lukaku ayaa seegay abaalmarinta xidigga garoonka kulankii ay guusha ka gaareen Manchester City kana dhacay dalka mareykanka bartamahii bishaan sababo la xiriira diintiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka Manchester United Romelu Lukaku ayaa seegay abaalmarinta xidigga garoonka kulankii ay guusha ka gaareen Manchester City kana dhacay dalka mareykanka bartamahii bishaan sababo la xiriira diintiisa.

Red Devils ayaa lacag dhan 75 Malyan oo Pound kula soo wareegtay Romelu Lukaku, xidigaan reer Belgium kuma guuleysan inuu soo taabto shabaqa LA Galaxy, balse wuxuu goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyay kooxdiisa cusub kulankii Real Salt Lake ka hor inta uusan shabaqa kasoo taaban kooxda Pep Guardiola.

Goolkiisii kulanka Manchester City wuxuu ahaa mid soo jiitay qof walba, Lukaku ayaana noqday xidiga garoonka, balse gudiga tartanka wey ogaayeen in xidigaan uusan aqbaleynin abaalmarinta ay bixiyaan ee ah dhalada qamriga ah sidaas darteed waxey siiyeen Henrikh Mkhitaryan sida ay warineyso Mirror.

Gudiga tartanka waxey ku warameen in xilli hore loo soo gudbiyay liiska xidigaha aqbali kara abaalmarintaan ee ciyaaraya tartanka mana ka mi aheyn Romelu Lukaku sidaas darteed waxey xaqiiqdu tahay in Lukaku inuu heysto diinta Islaamka.

Shirkadda reer Holland eeHeineken ayaana taabagalineysa tartanka, si kastaba gudiga waxey sheegen in weeraryahanka United uu abaalmarinta u qalmay balse aysan suuragal aheyn madama ay diintiisa u diideyso.

Si kastaba jamaahiirta United ayaa rajeynaya in Romelu Lukaku uu 9-ka December sidaas oo kale u iftiimiyo kulanka Manchester Derby ee horyaalka Premier League.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip