Arsenal & Liverpool Oo Doonaya In Kylian Mbappe Uu Ku Biiro Real Madrid & Sababta Ka Dambeysa Oo La Ogaaday

0
Tuesday July 25, 2017 - 11:54:33 in Sports News by
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal & Liverpool Oo Doonaya In Kylian Mbappe Uu Ku Biiro Real Madrid & Sababta Ka Dambeysa Oo La Ogaaday

    Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa doonaya in Kylian Mbappe uu ku biiro xagaagan Real Madrid sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Spain iyagoo dareensan iney fursad u heli karaan saxiixa weeraryahanak reer France Karim Benzema.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa doonaya in Kylian Mbappe uu ku biiro xagaagan Real Madrid sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Spain iyagoo dareensan iney fursad u heli karaan saxiixa weeraryahanak reer France Karim Benzema.

Real Madrid waxey si weyn u doorbideysaa iney lasoo saxiixato 18-jirka weerarka uga ciyaara As Monaco, sidaas darteed arintaas waxey jahawreer badan ku abuuri kartaa Karim Benzema oo aan ogolaan karin inuu dhibane noqdo.

Karim Benzema oo rajeynaya inuu kusoo laabto qaranka France ee ciyaaraya koobka Aduunka ayaan diyaar u noqon doonin inuu kursiga keydka galo sidaas darteed Don Balon ayaa sheegeysa in Liverpool iyo Arsenal ay heli karaan fursad ay kula soo wareegaan xidigii hore kooxda Lyon.

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in AS Monaco ayba suuragal tahay iney doorato ka qeyb ahaanshaha Benzema ee heshiiska Mbappe hadiiba labada kooxood ay ku heshiiyaan iney ka xaalaan arintaan, balse hadii aysan kooxda reer France dooran fursad waxaa heli doona Arsene Wenger oo dhawr sano ku raad joogay iyo Klopp oo wali aan heysan weeraryahan khibrar leh.

Dhanka kalana Don Balon waxey si xan ah u sheegeysaa in Florentino Perez uusan muhiim weyn u arkin in Benzema kaligiis lagu sii haayo weerarka dhexe ee Real Madrid.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip