Akhriso:-Maxaa Ka Taqaanaa Taariikhda Madaxweyne Jacob Zuma

0
Monday July 24, 2017 - 18:15:57 in Maqaallo by
  • Visits: 905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Maxaa Ka Taqaanaa Taariikhda Madaxweyne Jacob Zuma

    Jacob Gedleyihlekisa Zuma waa madaxweynaha wadanka Koonfur Africa waana Madaxweynihii 5'Aad oo ay doorteyn Baarlamaanka Dalkaasi sanadkii 2009 iyagoo markale ay dib u doorteyn 2014, Zuma waa hogaamiyaha Xisbiga Talada haayo ee African National C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jacob Gedleyihlekisa Zuma waa madaxweynaha wadanka Koonfur Africa waana Madaxweynihii 5'Aad oo ay doorteyn Baarlamaanka Dalkaasi sanadkii 2009 iyagoo markale ay dib u doorteyn 2014, Zuma waa hogaamiyaha Xisbiga Talada haayo ee African National Congress oo loo soo gaabiyo (ANC) waxaana xasuus mudan in uu madaxweyne ku xigeyn dalkaasi uu kasoo ahaa intii u dhaxeysay 1999-2005.

Hadii aynu eegno siduu uu ugu guulestay Hogaaminta Xisbiga Talada haayo ee ANC oo uu labbo goor oo is xigta uu ku guulestay in uu noqdo hogaamiyaha ugu sareeyo, Zuma waxa loo doortay hogaamiyaha xisbiga talada haayo 18 December 2007 kadib markii uu loolanka doorashada xisbigaasi kaga guuleystay Thabo Mbeki oo horaan isagu xilkaa u haayey waxayna doorashadaas ka dhacday Magaalada Polokwane ee dhacda Galbeedka Dalkaasi, waxaana mar labaad loo doortay Zuma Hogaamiyaha Xisbigaasi 18 December 2012 waxaana la tartamaayey oo uu ka guuleystay  Kgalema Motlanthe waxayna Doorashadaasi ka dhacday Magaalada Mangaung oo ay iskugu imaadeyn dhamaan xubnaha xisbigaasi.

Madaxweynaha South Africa Jacob Zuma waxa uu ka mid ahaan jiray Xisbiga  South African Communist Party oo loo soo gaabiyo (SACP), waxa uuna markii dambe iska casilay xubinimada xisbigaasi kadib markii lagu eedeeyey arrimo la xiriira musuq maasuq.

Zuma waxaa uu goob joog u ahaa fadeexooyin kala duwan oo lagusoo eedeeyey intuu saaranyahay saaxada siyaasada dalkaasi, hadii aynu eegno sanadkii 2005 waxaa lagusoo eedeeyey in uu ku kacay fal kufsi ah eedeyntaasi oo si markii loo eego ah fadeexad weyn waloow markii dambe lagu waayey cadeymo muujinaayo in falkaasi kufsiga uu ku kacay, dhanka kale arrimo musuq maasuqa la xiriira ayaa dhowr mar lagusoo eedeeyey Matalan mar  ayaa waxaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta dhanka dhaqaalaha in uu wax isdaba mariyey intuu haayo xafiiska wadankaasi looga arrimiyo iyadoo u is casilay lataliyihiisii dhanka dhaqaalaha Schabir Shaik, eedeymahaasi awgood, waxaase eedeymahaasi wax weyn kasoo qaadin oo beenisay maxkamada sare ee dalkaasi 6 april  2009  malintaasi oo maxkamada sare ee dalkaasi ay u fadhiisatay dacda dhanka musuq maasuqa dhaqaalaha kadib markii loo waayey cadeymo lagu maxkamadeyn karo, waxaase go’aanka maxkamada kasooo horjeestay xisbiyada mucaaradka oo ku tilmaamay in ay maxkamada si caadil aheyn u qaaday dacwadii loo heestay madaxweyne Zuma.

Dhanka kale waxaa lagu eedeeyey in dhaqalaalihii dalka uu badi ku bixiyey daaro uu ka dhistay tuulada Nkandla oo ah meeshuu ku dhashay oo deegaan ahaan uu kasoo jeedo, maxkamada ayaana eedeymahaasi sheegtay in ay yihiin kuwo been abuur ah oo lagu doonayo in meel looga dhaco sharafta iyo sumcada madaxweyne Jocab Zuma, iyadoo xasuus ay mudantahay in baarlamaanka dalkaasi ay sanadkii 2016 ee aynu soo dhaafnay ay mooshin ka keeneyn madaxweyne Zuma waloow markii loo codeeyey uu codka kalsoonida uu helay Zuma taasi oo u sahashay in uu kusii fadhiyo kursiga dalkaasi looga taliyo.

Noloshiisa Hore Iyo Siduu Siyaasada Ugusoo Biiray Madaxweyne Jacob Zuma

Zuma waxa uu ku dhashay Tuulada Nkandla ee Gobalka Natal, aabihiis waxa uu ahaa Police waxa uuna dhintay Zuma oo yar, hooyadiisna waxa ay aheyd Jaariyad (Haweenka Guryaha Shaqaalaha Ka Ah), Zuma intuu yaraa uma suurta gelin in uu waxbarto wayoo waxa uu dagnaa tuulo aan waxbarasho laheyn , dhaqaallo ahaana qoyskiisa ma awoodi Karin in ay magaalka u diraan si uu wax usoo barto waloow uu yaraa, waxa uuna markii xoogaa xoogeystay oo uu koray aaday Magaalada Darban, waxaa la dhashay labbo wiil oo kala ah Michael iyo Joseph, taasi oo micnaheydu tahay in madaxweynaha South Africa aynan la dhalan gabar.

Zuma ayaa waxa uu bilaaway in si tartiib tartiib ah uu ugsoo biiro saaxada siyasada isagoo yar, waxaana u suurta gashay in uu ku biiro xisbiga ANC sanadkii 1959, waxa uu noqday xubin firfircoon oo ka tirsan xisbiga Umkhonto we Sizwe sanadkii 1962  kadib markii laxayiray xisbiguu ka tirsanaa ee ANC Sanadkii 1961 taasi oo sababtay in uu ku biiro xisbiga Umkhonto we Sizwe madama uu doonayey in siyaasada uu heer ka gaaro uuna u furnaa in xisbigaasi uu ku biiro si uu usii wato ka gun gaarista hamigiisa dhanka siyaasada oo uu ku hami weynaa in maalin uun uu noqdo shaqsi caan ah oo qabta xil sare tii oo markii la eego u suurta gashay maadaama uu iminka yahay madaxweynaha dalkaasi.

Waxa uu nmarkii dambana ku biiray xisbiga South African Communist Party oo loo soo gaabiyo (SACP) sanadka markuu ahaa 1963 isla sanadkaas ayaa Zuma la xiray isaga iyo 45 ruux oo kale oo lagu eedeeyey in ay doonayenin ay bilaawaan kacdoon ka dhan ah dowldaii ay hogaaminaayen cadiinkii dalkaasi ee garabka ka helaayey gumeestihii Ingiriiska, waxaana lagu xiray Meel ku dhaw Magaalada Zeerust ee Gobalkii la oran jiray Galbeedka Transvaal oo hada loo yaqaan North West Province (Gobalka Waqooyi Galbeed), Zuma waxaa xiligaasi lagu xakumay 10 sanno oo xabsi ah, isagoo xili xabsiyeedkaasi kusoo qaatay xabsiga Robben Island isagoo la xirnaa Madax badan oo kamid ahaa xisbiga ANC waxaana kamid ahaa Nelson Mandela.

Kadib markii lasoo daayey Zuma waxa uu durbadiiba bilaaway dadaallo uu dib dhidibada ugu aasayo xisbiga ANC ISAGOO KU SUGNAA Gobalka uu kasoo jeedo ee Natal, waxa uuna isla xiliga lasoo daayey oo uu xuriyadiisa dib u hantay ku biiray  Baarlamanka Africa isagoo matalaayey Wadankiisa.

Zuma waxa uu markii ugu horeesay ka tagay South Africa isagoo aaday wadanka Swaziland oo ah wadan yar oo Afrikaan ah dhacana meel aan sidaas kaga Fogeyn South Africa halkaasi oo uu kula kulmay Thabo Mbeki iyagoo sii aadey Mozambique halkaasi oo ay isku dayeen in ay kasoo aas aasaan kacdoon ka dhan ah Dowladii cadaanka laga tirada badnaa ay hogaamineysay.

Waxa uu noqday Gudiga Fulinta Xisbiga ANC Sanadkii 1977, waxa uu sidoo kale noqday isla Sanadkaas ku xigeenka Gudoomiyaha Xisbigaasi xiligaasi oo uu ku sugnaa wadanka Mozambique, iyadoo sanadkii 1984 loo doortay Hogaamiyaha Xisbiga ANC.

Bishii December 1986 Dowladda Koonfur Afrika waxa ay Mozampique ka codsatay in dalkeeda ay kasoo musaafiriso Lix Ruux oo ahaa siyaasiyiinta ugu sareyso xisbiga ANC oo uu kamid ahaa Zuma qudhiisa, inkastoo bilawgii hore Dowladda Mozampique ay iska diiday in ay fuliso codsiga Koonfur Afrika ee ahaa in siyaasiyiinta ANC laga musaafuriyo dalkooda, balse cadaadis badan oo la saaray ay Mozampique dalkeeda ka saartay siyaasiyiinta Xisbiga ANC oo uu kamid ahaa Zuma bilaawgii bishii Janaayo sanadkii 1987, waxa ayna Zuma iyo siyaasiyiinta Xisbiga ANC ugu sareysay ay u jiheesteyn Magaalada Lusaka ee Caasimada Dalka Zambia, halkaasi oo ay ka heleyn soo dhaweyn heer sare ah, iyagoo markii dambana Magaalada Lusaka ka dhigtay Xarunta laga hago Xisbiga ANC.

Kusoo Noqoshadiisa Dalka Koonfur Afrika

Bishii Febraayo 1990 waxaa xayiraadda laga qaaday xisbiga ANC, iyadoo Zuma uu noqday kamid noqday hogaamiyayaasha xisbiga ANC ee durbadiiba dalka dib ugu soo laabtay,iyadoo uu noqday gudoomiyaha Xisbiga ANC u qaabilsan Gobalka uuu asal ahaan kasoo jeedo ee Natal.

Isla sanadkii 1990 Xisbiga ANC waxa uu dagaal dhanka siyaasada ah isku qaadeyn Xisbi Curdan ahaa Ee Inkatha Freedom Party oo loo soo gaabiyo (IFP), Xisbiga IFP Waxaa xiligaasi hogaaminaayey Mangosuthu Buthelezi oo lagu yaqaaney in uu ahaa siyaasi cod kar ahaa oo neceb guul darrada, waxa uuna isku heyb ahaayeen Zuma oo ay kasoo wada jeedeyn Qowmiyadda Zuluga loo yaqaan, taasi oo Zuma u sahashay in uu hanto quluubta dadka Zuluga maadama labadda Siyaasi ay heyb ahaan isku mid ahaayeen Zumana uu ahaa mid miyaga kusoo koray Heybtiisana kusoo dhex koray oo wakhti badan lasoo qaatay.

Kadib dadaal badan oo ay sameeyeen Hagmayaasha Xisbiga ANC waxaa u suurta gashay in taladda dalkaasi ay la wareegaan, waxaana Madaxweynihii ugu horeeyey ee ka socda Xisbiga ANC Noqday Nalson Mandela, Mandela kaliya ma uusan aheyn madaxweynihii ugu horeeyey ee ka socda xisbiga ANC ee sidoo kale waxa uu noqday Madaxweynihii ugu horeeyey oo madoow ah oo talada dalkaasi qabta kadib in muddo ah oo ay talada dalkaasi ay gacanta ugu jirtay Dadka cadaanka ah ee laga tiradda badan yahay iyagoo garab ka helaayey Gumeestihii Ingiriiska ee dalkaasi Gumeestay.

Mandela waxa uu madaxweyne ku xigeen ka dhigtay Thabo Mbeki, iyadoo Zuma uu hogaamiye kaga dhigay Gobalka uu kasoo jeedo ee Natal, Xilkaasi oo uusan Zuma aad ugu faraxsaneyn maadama uu juhdi badan uu usoo galay guusha xisbiga ANC uuna doonayey xil kaasi ka sareeyo.

Inkastoo Zuma uusan helin abaalmarin u dhiganta waxa uu xisbigaasi usoo qabtay hadane waxa uu muujiyey in uu doonayo hormarka Xisbigaas  oo uu howshiisa halkaa kasii wado, iyadoo markii dambana laga dhigay Madaxweyne ku xigeenka Dalka kadib doorasho guud oo dalka ka dhacday.

Doorashada lagu doortay Zuma in uu noqdo Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi ayaa waxa ay ka dhacday Magaalada Mafikeng oo ay kusoo xaadireyn dhamaan xubnaha xisbiga ANC , Doorashadaasi oo dhacday bishii June Sanadkii 1999.

Isla Xiligaasi Zuma waxaa uu howla shaqo u tagay wadamada Burundi iyo Uganda halkaasi oo uu ka waday dadaallo nabad iyo xasilooni loogu raadinaayo qaar kamid ah wadamada Qaarada Afrika, waxaana xasuusin mudan in uu kasoo qeyb galay kulan uu shir gudoominaayey madaxweynaha Uganda Museveni.

Fedeexadaha Musuq Maasuqa Ah Ee Lagu Soo Oogay Zuma

Inkastoo ay wax caadi ah iska noqdeyn fadeexadaha musuq maasuqa ee lagu soo oogo madaxweyne Jocab Zuma oo dhowr mar oo kala duwan lagu soo oogay inkastoo meel wanaagsan aynan ku dhamaan oo uu libinta helaayey Zuma hadane wax u wanaagsan ma ahan siyaasi in lagusoo oogo Fadeexado musaqa la xiriira, waxaan eegeynaa markii ugu horeesay ee Zuma maxkamad loo soo taago dacwad la xiriirta musuq maasuq iyo wax is daba marina an munaasab aheyn.

Zuma waxa uu  markiisa ugu horeesay maxkamada kasoo hor-muuqday iyadoo loo heesto falal la xiriira Musuq Maasuqa 4 bishii Agoosto sanadkii 2008, markiisa xigta waxa ay aheyd 12 bishii December ee isla sanadkaasi taasi oo sharaf dhac weyn ku aheyd Zuma.

Sidii Ay Ugu Suurta Gashay In Uu Madaxweyne Noqdo

Markii ay taariikhda ku beegneyd 14 June Sanadkii 2005  Madaxweyne Thabo Mbeki  ayaa Zuma xilka qaadis ku sameeyey xiligaasi oo uu ahaa Madaxweyne ku xigeenka Koonfur Afrika kadib markii lagu soo eedeeyey in uu ku lug leeyahay Musuq Maasuq baahsan oo ka dhex jiray dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Thabo Mbeki.

Zuma wixii intaas ka dambeeyey waxa uu juhdi iyo dadaal ku bixiyey in uu iska meero fadeexooyinka musuq maasuqa la xiriira oo la sheegay in Zuma ay dul hagoognaayeen xiliga uu ahaa Madaxweyne ku xigeen.

Sidaad dareemi karto aad bay u adagtahay in aad noqo Madaxweyne adigoo laguugu soo eedeeyey musuq maasuq misane xilka madaxweyne ku xigeen laguugu aamini waayey in hadane aad isku soo taagto in aad noqoto Madaxweyne.

Zuma waxa u hirgalay hamigiisa ahaa in mar uun uu majaraha dalkaasi uu qabto oo uu qabto xilka ugu sareeyo ee madaxweynenimo, waxay sidaa ahaata Zuma waxaa loo doortay Hogaamiyaha Xisbiga ANC 18 bishii December 2007 oo micnaheydu tahay mar hadii xisbigaasi madax aad u noqoto in aad noqon doonto madaxweynaha dalkaasi, iyadoo uu ninkii la tartamaayey ee Thabo Mbeki uu kaga guuleystay codoad dhan  2329, sidaas si lamid ah Zuma waxaa dib loo doortay  18 bishii December sanadkii 1012 taasi oo micaheyda tahay in Zuma wakhti xaadirkaan la joogo uu yahay Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika.

W/Q:- Ayuub Maxamed Axmed (Fantastic)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip