WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH sabti 22-KA LUULYO 2017-KA

0
Saturday July 22, 2017 - 16:04:07 in Wararka by
  • Visits: 1653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH sabti 22-KA LUULYO 2017-KA

    Puntland Oo Galmudug Ku Eedeys ay Weerar Lagu Qaaday Saldhig Ay Ku Lahaayeen Gaalkacyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland Oo Galmudug Ku Eedeys ay Weerar Lagu Qaaday Saldhig Ay Ku Lahaayeen Gaalkacyo


    Warbaahinta Wararka ka imaanaya  M/Gaalkacyo ayaa ku waramaaya in Ha beenkii  jimcaha ay Dabley  ku hubees an Bambaanooyin iyo hubka fudud ay  weerar gaadmo ah ku qaadeyn saldhig ciidamada Puntland ay ku leeyihiin M/ga alkacyo.

     Sida warbaahinta uu u sheegay Taliy aha Saldhiga la weeraray ayaa waxa uu sheegey in dableyda hubeesan ay ka so cdeyn maamulka Galmudug oo ay iyagu weerarkaasi ka dambeeyeen isagoo she egay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay jawaab adag kaga bixin doonaan oo ay ku raad joogaan dableyda weerarkaasi geestay.

       Weerarka lagu qaday Saldhiga Ciid amada Puntland ay ku leeyihiin M/gaal kacyo oo loo yaqaan Saldhiga Miir ayaa waxaa laga yaabaa in uu kala shaki uu soo kala dhex geliyo labada maamul oo uu xiriirkooda uu soo hagaagayey iya doo Magaalada Gaalkacyo lagu waday inay yeelato Ciidamo  Boolis ah oo isku Dhaf ah oo ka kala socda maamulada Galmudug iyo Puntland.

Xildhibaannada Hirshabelle ayaa kul an xasaasi ah ku yeeshay Hotel ka Maka Almukarrama

    Xildhibaannada DFSee kasoo jeeda Hirshabelle ayaa kulan xasaasi ah ku ye eshay Hotelka Maka Almukarrama wax ayna soo saareen go’aamadaan:–

    *Xildhibaannada iyo madaxda Dowla dda Hirshabelle in ay kahortagaan Cola adaha soo noqonoqotay iyo xallinta ku wa kataagan deegaanno kamida Hirsha belle.

      *Xildhibaannada ayaa isku raacay in aysan marnaba aqbalayn miisaniyada lamarin habaabiyay ee dowladda dhexe uqoondeysay D/G/Hirshabelle. *Xildhib aanada ayaa sidoo kale isku raacay in maxada Hirshabelle iyo xildhibaannada inay wada shaqeeyaan waxaana arin kaa loosaaray gudi farsamo Xildhibaano ah.

     Mahadsanidiin Hassan Abdikadir Mudey.

Boqortoyada Sacudiga Oo Isku Sha andheyn Ku Sameesay Sirdonkeeda

     Qaraarro boqortooyo oo dhawr ayaa Sucuudigu soo saaray kuwaas oo lagu bilaabay isku shaandhaynta saraakiil sar sare. Waxaana ka mid ah meelahaa is ku shaandhaynta lagu sameeyay waax da nabad sugidda si wax looga qabto ar gagixisada iyo arimaha la xiriiraba, waa xdaas oo markii hore hoos tagi jirtay wa saaradda arimaha dibadda.     Qaraarra da la shaaciyey waxa ka mid ah in la be deli doono taliyaha ilaala da boqortooy ada, halka dhawr xil oo cu subna la sha aciyey oo ka mid noqon do ona kooxda la shaqaynaysa amiirka dha xal sugaha ah ee Maxamed Bin Salm aan                                                          .

    Bishii hore ayaa amiir Maxamed oo 31 jir ahi noqday dhaxal sugaha kooba ad ee taajka Sucuudiga. Waxaanay arint aasi noqotay dallacsiintii u dambaysay waxa lagu sheegay dallacaad sida hilla aca ah oo amiirkani helay tan iyo markii aabihii Boqor Salmaan awoodda la ware egay.

Kulan Ay B/weyne Ku Yeesheen M/Muka G/Hiiraan Iyo Ganacsatada Degmadaas

      Maamulka G/Hiiraan ayaa walaac ka muujiyay saameynta ay bulshada ku ye elatay diidmada lacagta shilinka Soom aaliga taas oo maalmahaan ka taagne ed inta badan Gudaha M/Baladweyne ee Xarunta G/Hiiraan.

     Gudoomiye ku xigeenka dhanka Ari maha Bulshada ee Maamulka G/Hiiran Sh.Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhamaan Shacabka iyo Ganacsatada intaba ay sa ameysay diidmada lacagta shilinka Soo maaliga ah islamarkaana ay dhalisay Sicir barar.

     Waxa uu sheegay in Maamulka Gob olka hiiraan uu arintaasi kulan deg deg ah ka yeeshay islamarkaana haatan si dii hore wax iska bedeleen waxa uuna ugu baaqay Ganacsatada Baladweyne in ay dadka Masaakiinta ah u Naxariista an islamarkaana lacagta Shilinka Soo maaliga ah ay qaataan.

    Marka laga soo tago Baladweyne wax aa sidoo kale jira degmooyin ka tirsan dalka oo laga diidan yahay lacagta shilin ka Soomaaliga taas oo keentay in ay dhacaan dibadbaxyo rabshado watay isl amarkaana dadka ay istcimaalaan lacag ta Wadamada aan deriska nahay sida Kenya iyo Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya Oo Dhawaan La Soo Wareegi Doonta Maamulka Hawada Soomaaliya

GAARI QARAX SIDA OO LA QABTAY       Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya waxa uu Golaha Wasiirada soomaaliya u faah fa ahiyay qorshaha la soo waregitaanka dowladda soomaaliya ee Mamulka Haw ada Soomaaliya iyo halka uu marayo.

Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo du ulista Hawada ee Xukuumada Soomaa liya waxa uu sheegay in hada qorshah aas uu marayo meel wanagsan islamar kaana uu rajeynao in dowladda Soomali ya la soo wareegto Maamuliada Hawa da Soomaaliya.

    Waxa uu sheegay in sidoo kale uu jir ay kulamo uu la qaatay dhigiisa dalka Kenya,kaas oo Kenya ay ku sheegtay in dhamaan waxyaabihii looga baahnaa Garoonka AadanCadde dhanka Amn iga iyo Nidaamka Garoomada Caalami ga ah.

     Tan iyo Burburkii dalka Soomaliya ayaa waxaa Maamulka Hawada Soomal iya Gacanta ku hayay Mid ka mid ah Ha y’adda Qaramada Midoobay oo sitoos ah u maamauleysa

Muqdisho oo lagu soo bandhigay ga ari miineysan oo la qabtay

     Dowladda Somaliya, ayaa M/Muqdi sho ku soo bandhigtay gaari nooca raa xada ah oo walxaha qarxa laga soo bu uxiyay, ka dib markii ay gacanta ku soo dhigeen laamaha amniga.

     Hay’adaha ammaanka, ayaa waxaa la sheegay in Khamiistii ay gaarigaasi ku qabteen Deegaanka Siinka Dheer ee duleedka M/Muqdisho, xilli la doonayay in lagu waxyeelo bulshada Somaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, C/raxma an Cumar Cismaan (Yariisow), ayaa tilm aamay in muddo dheer oo gaarigaasi la gu dabajoogay ka dib lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo.

     Wasiirka, ayaa waxaa uu sheegay in tani ay ka dambeysay markii ciidamada xasilinta ay adkeeyen ammaanka Caas imadda, uu cadowgu damcay in qaraxya da uu ka keeno dibadda Magaalada, si uu magaalada u soo geliyo, balse ay ka hortaggeen ciidamada.

     Wasiir Yariisow, ayaa ku waramaya in muddo 11 cisho oo gaarigaasi lagu ra adjoogay ka dib, ay suurtagashay in cii damada ammaanku gacanta ku soo dhigaan. Afhayeenka W/ Amniga, Axm ed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab), ayaa isna sheegay in ninkii gaariga la so cday uu dhigay Siinka Dheer, ka gadaal markii uu ogaaday in lagu dabajooggo.

     Gaarigan oo nooca raaxada ahaa, ay uu Afhayeenku sheegay in looga hortag ay xoggo dhinaca sirdoonka ku aaddan, oo ay helleen ciidamadu.



MAXAA KALA QABSADAY DUQA MUQDISHO TAABIT CABDI IYO MUWAADIN AY LACAG BAAD AH KA QAATEEN CIIDANKA DOWLADDA ?


Xasan Macalin Yuusuf waa muwaadin Soomaali ah oo kunool xaafadda BuulaXuubeey ee dagmadda Wadajir, wuxuu halkaas dagan yahay mudo dheer waxaana uu asbuucan la kulmay sheeko isagu uu qaadan waayay hadana dhinaca kale uu ku tijaabiyay halka ay maanta joogto Dowladnimada Somalia.

Mr Xasan iyo qoyskiisu waxaa ay guri ku lee yihiin BuulaXuubeey, asbuucan waxaa aabihiis Macalin Yuusuf uu damacsanaa inuu dayactir ku sameeyo guriga waxaase sidii caadadda ka aheyd Xamar xiliyadii dambe goobta yimid askar Dowladda ka tirsan oo caado ka dhigtay iney lacago sharaci daro ah ka qaataan dadka doonaya iney guryo dhistaan ama casriyeyaan midkoodii hore.

Waxaa ay ahaayeen labo askari oo hubeysan iyo labo ka tirsan waaxda canshuuraha ee Dowladda hoose ee Xamar, waxaa ay u sheegeen aabahey inuu bixiyo lacag dhan $200 (labo boqol oo dollar ) hadii uu rabo inuu dayactirto guriga ayuu igu yiri Xasan oo aan xalay kula kulmay Muqdisho.

Lacagta ay codsadeen oo badneyn awgeed waxaa goobta ka dhacay buuq ilaa ay askartu joojisay shaqadii guriga laga waday iyagoo u hanjabay shaqaalihii dhismaha waday, Xasan iyo aabihii Macalin Yuusuf waxaa ay isku raaceen iney lacagta bixiyaan si shaqadda loo qabto waxaase labadooduba ay qaadan waayeen markii boonadii lacag qabashada loogu qoray iney bixiyeen $10 (Toban dollar), taas oo ka dhigan in si baad ah looga qaatay $190 (boqol iyo sagaashan dollar) .

"Aadbaan u carooday, waxaan la yaabay heerka musuqa iyo naxariis daraddu ay gaartay, waan qaadan waayay arintaan oo dhowr jeer oo hore la iiga sheekeeyay iney dad kale ku dhacday, waxaan is weydiiyay inta guri ee Muqdisho ku taala ee maalin walba sidaan loo baado waxaase ugu dambeyn aan nafteyda u sheegay in gobalka Banaadir madax looga dhigay Taabit Cabdi oo ah nin dhalinyaro ah oo laga yaabo inuu wax ka qabto hadii aan u sheego arinkaan ayuu hadalkiisa ku daray Xasan.

Taabit-iyo "Ma heynin meel aan kala xiriiro Taabit mana u laheyn aqoon shaqsi ah waxaase igu soo dhacay nin Cali la yiraahdo oo aan iskuulka wada dhigan jirnay oo ka tirsan shaqaalaha maamulka gobalka Banaadir, waan wacay waxaan ka codsaday inuu ii raadiyo nambarka gudoomiye Taabit isna waa  ii helay, waxaan kadib is weydii hadii uu ka jawaabi doono teleefoonkeyga madaama madaxda Soomaalida lagu eedeeyo iney ku liitaan xiriirka bulshadda waxaanse go’aansaday inaan fariin qoraaleed u diro , saacaddu waxa ay aheyd 10:00pm habeenkii Arbacadda waxaana u qoray "Mudane gudoomiye waxaan ahay muwaadin Soomaali ah oo kunool Muqdisho waxaan rabaa inaan kaala hadlo arin muhiim ah hadii ay macquul tahay " Xasan ayaa sidaas iigu sheekeeyay.

"10 daqiiqo uun kadib la yaab ayey igu aheyd in jawaabta gudoomiye Taabit ay noqotay inuu toos iisoo waco waana qaadan waayay in musuuliyiinta Soomaalidu ay sidaas ugu dabacsan yihiin bulshadda, waan salaamay kadib waxaan u sheegay wixii maanta aabahey qabsaday ,waxaan u sheegay inaanan ka guban lacagta qoyskeena laga qaatay laakiin aan ka xumaaday in maalin walba ay arintaan dhacdo anagoo dareemi karna in maalintii wax ka badan 300 oo guri Xamar lagu dayac tiro taas oo ka dhigan in maalin walba 300 oo muwaadin la baado”.

"Waxaan ku irri waan garanaya ragga falkaan sameeyay, waxaan heynaa nambarkii aan lacagta ugu tuurnay waxaan kaloo aqanaa saldhiga ay ka tirsan yihiin, Taabit wuxuu ii muujiyay sida uu uga xun yahay falkaan wuxuushnimada ah wuxuuna iga codsaday inaan subixii ugu imaado xafiiskiisa saacadu marka ay tahay 8:30am aana ahay qofka ugu horeeya ee uu qaabilaayo maalinkaas.

"Dad asxaab iyo ehel ii ah waxey igula taliyeen inaan faraha kala baxo kiiskaan iyagoo ka baqaaya in dhibaato amni iga soo gaarto laakiin waxaan u sheegay in xaqa aan laga aamusin, Subixii Khamiista waxaan tagay xarunta Dowladda hoose ee Xamar liiska albaabka yaala ee martida maalinkaas waxaa ugu horeeyay magaceyga ,aadbey arintaas ii farxad galisay waxaana dareemay rajo maamul waxaana ka helay sida uu Taabit u daneynaayo kiisaska nuucaan ah.

"Waligey horey ulama kulmin mudane Taabit laakiin TVyadda iyo baraha bulshadda ayaan ka bartay wajigiisa, Markii la ii gudbiyay xafiiskiisa wuu taagnaa si uu iigu muujiyo inaan muhiim u ahay ,fadhi iyo sheeko arinta ku saabsan kadib, gudoomiye Taabit wuxuu u amray in deg deg kiiskan loo xaliyo, anigoo goobta fadhiya ayuu wacay maamulka dagmada iyo taliska ciidanka , isagoo isticmaalaya xogtii aan siiyay madaama aan garanayay ragga falkaan ku kacay wuxuu amray in afartaas nin lasoo qabto oo lasoo xiro si kiiskaan loo baaro.

"Taabit wuxuu iga codsaday inaan bixin ila arintu ka dhamaato, ciidankii la diray ee gobalku waxaa ay 3 saacadood kadib keeneen 3 ka mid ah ragii falka geystay anoo wali jooga xarunta Dowladda hoose, aadbaan u ilmeeyay markii aan arkay ragii Aabahey qoriga ku taagay ee lacagta baada ah ka qaatay oo gacmaha ka xiran, waan aqoon waayay waxa aan ku iraahdo duqa Muqdisho ,wax yar kadib waxaa uu gudoomiye Taabit ii dhiibay warqad ku socotay maamulka dagmadda Wadajir oo ay ku qoran tahay iney gurigeena booqdaan oo ay aabahey u celiyaan lacag dhan $190 (boqol iyo sagaashan dollar ) oo aheyd lacagtii sharci daradda looga qaaday wuxuuna igu yiri "halkaan waxaan u immid inaan shacabka u adeego ee fadlan qof walba oo dhib nuucaan ah qaba nambarkeyga waad siin kartaa " runtii waxaa ay ii aheyd maalin aan dareemay dhadhanka cadaaladda iyo rajadda Dowladnimadda Somalia.

Xasan Macalin Yuusuf ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka reer Muqdisho iney ka hadlaan wax walba oo dhib ku ah si arinta wax looga qabto inta ay wax ka qabashadda leedahay.

Waxaa Qoray : Cabdulaahi Cismaan Faarax   raafac22@gmail.com


Afhayeenkii Aqalka Cad ee Maraykan ka Sean Spicer oo is casilay

       Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad ee Maraykanka Sean Spicer ayaa is cas ilay kadib markii uu Madaxweyne Dona ld Trump uu u magacaabay Agaasimihii sa Warfaafinta Anthony Scaramucci.

    Spicer oo 45 jir ah ayaa la sheegay In uu aad u diidan yahay magacaabista uu Trump uu magacaabay Anthony Scara mucci oo ugu qaabilsanaa arrimaha ma aliyada wargeyska caanka ah Wall Str eet. safiiiiiiiir mareykan

    Hase yeeshee Aqalka Cad ee Maray kanka ayaan si rasmi ah uga hadlin is casilaada Afhayeenkii Aqalka Cad. Khila afka ka dhex jira kooxda warbaahinta u qaabilsan Madaxweyne Trump ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii balaaranayso baaritaanka suurtagalnimada xiriirka ka dhexeeyay Trump iyo Ruushka ololihii doorashada dalka Maraykanka ee 2016.

Soomaalida Mareykanka Oo Lagu Ee deeyey In Ay DhiiraGeliyeen Sarkaal ka Toogtay Justine Demond

Turkey-100x75      Waxaa jira warar sheegaya in Maxa med Nuur oo ah sarkaalka Soomaali Ma reykanka ah ee Toogashada ka geestay M/Minneapolis uu horaan kaga soo qe yb galay xaflado qomiyadda soomaalida ee dalkaasi ku nool u gaar ahaa, iyadoo la sheegay in ay ku bogaadiyeen how sha uu u haayo dalkaaasi iyo hormarka uu gaaray.

      Maxamed Nuur ayaa waxa uu Booli ska Mareykanka uu kusoo biiray muddo laga joogo 21 bil, waxaana warbaahinta dalkaasi mareykanka ay baahinayaan in soomaali badan ay kasoo qeyb galeen munaasabadii uu u dhigtay kamid noqo shadiisa ciidamada Booliska dalkaasi.

     Mayorka M/Minneapolis Hodges aya a horaan u sheegtay in qowmiyadda soo maalida ah aanan lagu eedeyn Karin wa xa ay ku tilmaamtay qalad ka dhacay hal askari oo qowmiyadaasi kasoo jeedo oo xitaa bay tiri laga yaabo in si kas ah uunan qaladkaasi u gelin.

      sidaasi ay tahay hadne weli waxaa soomaalida mareykanka lagu eedeynay aa inay horaan u dhiira gelin jireyn sarka alkaasi toogtay haweeneyda Australian ka aheyd. Waxaa hada socda baaritaa no lagu haayo Maxamed Nuur oo ku sa absan toogashada uu toogtay Demond Dhoor mar oo is xigta.

Shabaab oo xoog ku kaxeystay sad dex hablood

    Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa shalay 3 hablood ka qafaashay Deega anka Far Libaaq, oo 45km dhinaca waq ooyi galbeed kaga beegan M/Baledwe yne ee Xarunta G/Hiiraan.

Hablahan, ayaa waxay la shaqaynayeen hay’ad ka shaqaysa arrimaha miino baa r sta, oo ka hawlgasha Gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

       Xoogaga Shabaabka, ayaa aroorn imadii hore ee shalay subax soo weera ray goobtii ay ku sugnaayeen hablahaa si, iyagoona dilay nin ilaalo ahaa iyo ru ux kale oo rayid ah, ka dib iska horima ad kooban oo goobtaasi ka dhacay. Wa rarka waxay intaa ku darayan in 3 qof oo kalana ay goobtaasi ku dhaawacan tay.

satkaalki toogtay        Xoogagan, ayaa waxaa kaloo la sheegay in goobtaasi ay ka wateen laba gaari oo mid ka mid ah ay leedahay hay ’adda miino baarista ka waday deegaan ka iyo gaari, oo ay leedahay hay’ad kale oo halkaasi ka hawlgasha.

      Ururka Al Shabaab oo sheegtay ma suuliyadda weerarkan, ayaa ku faanay inay weerareen saldhig Ciidanka Liyuu Boolis ku lahaayen Deegaanka Far Libaax.

       Shabaabka, ayaa sidoo kale sheeg tay in iska horimaadka goobtaasi ka dha cay ay ku dileen hal askari, islamarka ana ay ku gubeen saddex gaari, halka la ba kalana ay goobtaasi ka soo wateen.

Turkiga iyo Jarmalka oo isku khilaaf ay xarigga suxufi dhalashada Jarm alka haysta

       Khilaafka u dhexeeya Turkiga iyo Jarmalka ee ku saabsan xadhiga qof u dhaqdhaqaaqa xuquuda aadanaha oo Turkigu xidhay ayaa sii xoogaysanaya.

      Wasiirka arimaha dibadda Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa cambaareeyey hadal ka soo yeedhay dhigiisa Jarmalka oo Turkiga ku sheegay meel aan nabad ahayn oo aan la tegi karin ama aan laga ganacsan karin.

       Wasiirka arimaha dibadda Jarmal ka, Sigmar Gabriel, ayaa mar sii horay say dib u qaabeeyay digniin xaga socda alka ah oo dalkiisu dadka iyo shirkadaha Jaramalka ah ugu digay in ay dib u ee gaan qorshayaashooda ay ku doonaya an in ay ku maal gashadaan Turkiga.

     Cavusoglu ayaa sheegay in Jarmal ku ku dhaqmayo laba wajiilayn maad aa ma uu magangalyo siiyey waxa uu ku sheegay argagixisada PKK iyo kuwa Gulen taabacsan.

     Waxaana ay wasaaradiisu ka dalba tay Jarmalka inuu ixtiraamo xaqa Turki gu u leeyahay inuu la dagaalamo uru ra da "argagixisada ah” iyo in 2da dal "diir adda saaraan yoolka ay wadajirka u hiig sanayaan mustaqbalka fog”

Daacish oo dishay nin ka tirsanaa Shaqaalaha Golis Telecom

     4 ka mid ah dagaalyahanada Ururka Daacish, ayaa waxay G/Bari ku dileen mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Is gaarsiinta Golis, oo ka hawlgasha Dee gaanada Puntland.

     Raggan, ayaa waxay xalay ninkaasi ku dileen Deegaanka Balidaggan, oo anteeno ay ku leedahay Shirkadda Golis Telecom, xilli aan la aqoon wax sabab ah oo ay ku dileen. Dadka deegaanka, ayaa waxay sheegeen in marxuumka la gu magacaabi jiray Mahad Maxamed Aadan, islamarkaana uu ka mid ahaa       bulshada ku dhaqan deegaanka.

       Dadku waxay sheegeen inaysan jirin wax sabab ah oo ay Daacish u di shay Mahad Maxamed Aadan, aan ka ahayn inay dadka macno dadka isaga dilaan.

      Waxay intaa raaciyeen in marxuumk a aanu ahayn nin horey godob ama aa no u gaystay, aan ka ahayn inuu ka mid ahaa Shaqaalaha Shirkadda Golis.

Dadkii arkaayay dembiileyaasha, ayaa waxay sheegeen in ay wejiyada soo qar sadeen, ka hor intii aanay ninkaasi ku dhex dilin anteenada Golis ku leedahay Balidaggan.

      Daacish oo si qarsoodi ah kaga haw lgasha Gobolka Bari, ayaa waxay xilliya da qaarkood ka gaysataa dilal ka dhan ah shacabka, mararka qaarkood na waxaa dhacda inay dhacaan xoolaha ra yid ka, dabna ay qabadsiiyan gurya hoda

DF oo shaacisay Natiijada Imtixaan kii Shahaadiga ahaa ee Sanad Dugsiyeedka

       War ka soo baxay wasaaradda wax barashada dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegey in Arday ku dhow 16,000 (lix iyo toban kun) oo ka mid ah ardayda sanadkan u fadhiisatay Imtixaanka sha haadiga ee Wasaaradda Waxbarashada ay ka qaaday ardayda dugsiyada sare ee dalka ay ku baaseen Imtaxaanka.

Md/C/maan Maxamuud Ca bdulle Wasii ru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkan ay imtixaan ka ku baastay ku dhawaad 16,000 oo arday,     "Tirida imitixaanka ku baastay san adkan waa 15, 356 arday, 5,094 ay gab dho yihiin halka 10,262 ay wiilal yihiin” a yuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada.

       Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadl ay Wasiir kuxigeenka Wasaaraddaasi Feysal Cumar Guuleed wuxuuna sheeg ay inuu qorshaha imtixaanka ee sanadka uu ahaa inay u fariistaan ilaa iyo 23,000 (saddex iyo labaatan kun) oo ardey laakiin waxaa imtaxaanka ka qe ybgalay oo u suurta gashay, 18,239 (sid eed iyo toban kun, labo boqol, sodon iyo sagaal) ardey,

"   23,000 waxa ay ahayd intii is diiwaan gelisay, balse waxaa sanadkan imtixaan ka u fadhiistay 18,239 arday, inta kale waa ay u suurta geli weysay inay imtix aanka galaan” ayuu yiri Wasiir kuxige enka Waxbarashada Soomaaliya. Tab anka ardey ee  kaalimaha hore ka ga lay Imtaaxnka shahaadiga ee sanadkan ayaa waxaa Dowladda Soamaaliya siis ay deeqo waxbarasho oo dalka dibadiis ah  sida uu sheegay Ra’iisulwasaare kuxigeenka Dalka Mudane Mahdi Max amed Guuled (Khader) "Tobanka arday ee ugu sareysay waxa ay dowladda sii neysaa deeqo waxbarasho oo dibadda ah, oo weliba u cuntama, tikidkiisa iyo noloshiisa dowladda ayaa qabta Insha Allah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soo maaliya.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah dadaal

 

 

 

 

 

 

 

 


Dowladda soomaaliya ay dib ugu soo ce linayso tayadiiwaxbarashada ee dalka, taasi oo meeshi ka maqnayd 25kii sano ee la soo dhaafay oo dalku burbursanaa

Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsh eynta oo booqday safaaradda Soom aaliya ee Dalka Koofur Africa

     Wafdi ka socday W/Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee DFS iyo qa ar ka mid ah kuwa maamul goboleedya da oo malmahan tabar u joogay da lka South Afrika ayaa booqday sa faaradda Sooma aliya ay ku leed ahay K/Afrika.

     Wafdigaan oo ka goobnaa afar xub nood ayaa booqashada ay safaaradda ku yimaadeen waxaa ku wehlinayay ma calimiinta siinaya tababarka muddada bisha ahayd oo ay u joogayaan dalka South Africa. Waxaa ay booqdeen qey baha kala duwan ee xafiisyada safaara da Soomaaliya ay ku leedahay South Afrika sida ay u shaqeyso, waxaana ka dib kulan gaar ah la yeeshay safiirka DFS u fadhiya dalka South Afrika Dr Ja maal Maxamed Barrow oo kula dardaa rmay in waxyaabaha ay barteen ay si wanaagsan uga faa’iideystaan marka ay dalka ku laabtaana ay khibradooda ay wax ugu qabtaan bulshada Soomaliyed.

      Qaar ka mid ah dhalinyarada halka an tabbabarka u timid oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin booqashada ay ku tegeen xarunta Safaaradda, ayna di yaar u yihiin in marka uu siminaarka u dhamaado ay bulshadooda u adeegaan.

     Mid ka mid mid ah macalimiinta tab abarka siinayay ardaydaan ayaa sido ka le la hadlay warbaahinta waxaana uu sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in ay tababaro siiyaan  shaqaale ka socda dowladda Soomaaliya.

     Tan iyo markii la furay Safaaradda Soomaaliya waxaa dalka K/Afrika imaa nayay shaqaale ka socda dowladda So omaaliya iyo maamul goboleedyada qa ar oo halkaan ku qaatay tababaro dhina cyo kala duwan ah.

Wasiir Xoosh oo shalay gaaray M/ Kismaayo

warqad-1puntilanddddd      Wafdi uu hogaaminayo W/W Arrim aha Dastuurka ee Somaliya, Cabdirax maan Xoosh Jibriil ayaa shalay  gaaray M/Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubb ada Hoose. Wafdiga ayaa waxaa Garo onka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Jub baland oo isugu jiray Wasiiro iyo Xildhi baano.

  Intaa ka dib waxaa wafdiga loo galb iyay Madaxtooyada M/kismaayo, oo ay salaan ugu taggeen Madaxweynaha Jub baland, A.M. Axmed Madoobe

     Wasiir Xoosh ayaa masuuliyiinta ta Jubanland mahad celiyay, sida wanaags an ee ay ugu soo dhaweeyeen M/Kism aayo "Waxa aan idinkaga mahad celina yaa sida Soomaalinimada leh ee aad no ogu soo dhaweeyseen Kismaayo, waa wax ay can ku tahay Jubbaland.” Ayuu yiri Wasiirka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip