Wax Ka Ogoow 10-ka Dal Ee Ugu Liita Dhanka Milateriga, Soomaaliya Kaalintee Ayay Kaga Jirtaa?

0
Friday July 21, 2017 - 20:56:59 in Maqaallo by
  • Visits: 1468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Ka Ogoow 10-ka Dal Ee Ugu Liita Dhanka Milateriga, Soomaaliya Kaalintee Ayay Kaga Jirtaa?

    Dunidan aan ku nool nahay waxaa ay soo martay waaya kala duwan, waxaa jirtay xilli la isku adoonsan jiray sida loo kala xoog badan yahay, sidaan ognahay wadan khubadiisu waxa ay ku xiran tahay Cudadiisa Milateri ee uu wadankaasi leehyahay, waxaase ha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dunidan aan ku nool nahay waxaa ay soo martay waaya kala duwan, waxaa jirtay xilli la isku adoonsan jiray sida loo kala xoog badan yahay, sidaan ognahay wadan khubadiisu waxa ay ku xiran tahay Cudadiisa Milateri ee uu wadankaasi leehyahay, waxaase hada jirta in wadamo badan oo daafaha dunida ku yaalla aynan laheyn Ciidamo Milateri ah, hadaba waxaan eegi doonaa tobanka wadan ee ugu khubada yar dhanka Millateriga marka laga eego iyadoo aan ku lifaaqi doono wadama aan haba yaraaee laheyn Ciidamo Milateri ah.
  1. Wadamada aan laheyn Ciidamada Millateriga ah

Waxaa la sheegaa in 22 wadan oo daafaha dunida ku yaal aynan laheyn wax ciidamo Milateri ah oo Difaaca hadii wadan kale kusoo duullo, wadamadaasi aan idiin sheegay ee aan Milateriga laheyn waxaa macquul ah in ay qaarkood heestaan awoodo u dhigmo Milateriga ama ay jirto khubaddo kale oo ay isku haleynayan hadii lasoo weeraro, Matalan Morroco oo ah dalka Afrikaan ah ma lahan wax ciidamo Milateri ah waxa uuse isku haleynayaa oo uu ku tashanaayaa wadanka 5’naas ee dhanka Milateiga ugu xooga badan ee Fransiiska oo horaan u gumeystay.

Sidaasi si la mid ah Iceland ma lahan Ciidamo Milateri ah waxay leeyihiin Ciidamo u dhigmo taasi oo usii dheertay in ay isku haleynayaan oo ay isku xulufo yihiin wadanka ugu xooga badan dhanka Milateriga ee Mareykanka, waxaana wadama 22 ka ah ee aan Milateriga heysan kamid ah Costa Rica, Liechtenstein, Samoa iyo Panama.

2. Jasiiradaha Saint Kitts iyo Nevis

Jasiiradahaan oo loo xisaabiyo in ay yihiin wadan qura, waxa ayna dhacaan oo ay ku yaalaan Galbeedka India, dadka ku noolna waxa lugu qiyaasaa in ay gaarayaan 55,000 oo ruux iyadoo 300 oo ruux oo kamid ah dadkaasi ay yihiin Milateriga difaaca Dalkaasi.

Waxaa hubaal ah in aad la yaaban tahay wadan Milaterigiisu uu yahay kaliya 300 oo ruux, waa arrin yaab leh oo indhaha caalamka soo jiidatay, iyadoo dadka siyaasada ka faalloodo ay wadankaasi ugu baaqeyn in uu ku biro wadama aan Milateriga laheyn waayoo 300 oo ruux waa ay muuqataa in ay wadan difaaci Karin.

Wadankaani ka kooban labbo jasiirado ayaa waxa uu leeyahay kaliya hal doon oo ah kuwa xeebaha ilaaliya oo ay ugu deeqeyn Mareykanka, iyagoo markii doonidaasi lagu deeqayey aad kaga mahadceliyey Mareykanka iyagoo sheegay in halkaas doon ay deeqdo maadama aynan heleyn dad ku shaqeeyo.

3. Antigua Iyo Barbuda

Jasiiradaha Antigua iyo Barbuda waa Jasiirado mataano ah waxa ayna ku yaalaan Gacanka Caribbean waxaana ku nool dad gaaraya 91,000 oo ruux, waxaa xasuusin mudan Muqdisho oo kamid ah magaalooyinka ugu yar adduunka marka loo eego magaala madaxda wadama adduunka in wadankaasi dadka ku nool ay ka yaryihiin, waayoo Muqdisho dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa 3,000,000 halka wadankaasi dadka ku nool aynan gaarey xitaa hal milyan.

Waxa uu wadankaani leeyihiin ilaa iyo 7 doon oo ah kuwa xeebaha difaaco oo ay ku difaacaan xeeaha dalkooda, waxaana wadankaasi Jasiiradaha ah lagu xisaabiyaa in uu kamid yahay wadama ugu cududa yar dhanka Milateriga.

4. Tonga

Tonga waa wadan dhaca Koonfurta bad weynta Pacific waxa uuna 700 miles u jiraa Fiji, waxa uuna ka koobanyahay wadarta Jasiirado gaaraya 169 Jasiirado waxaana ku nool dad gaaraya 103,000.

Wadar ahaan Ciidamada Milateriga uu wadankaasi uu leeyahay ay gaarayaan 700 oo ruux oo iyagu difaaca wadankaasi jasiiradleyda ah, waxa uuna wadankaani kamid yahay wadamada ugu ciidamada Milateriga yare e dunida.

Waxa uuna leeyahay ciidamada difaaca cirka oo iyagu ku howl gala 2 diyaaraddood oo ah kuwa difaaca oo yar yar iyadoo layaab ay ahay in wadan dhan uu leeyahay 2 diyaarad oo kuwa difaaca ah oo wadama dunida laga yaabo in ay leeyihiin in ka badan kumanaan.

5. Luxembourg

Waxaa xaq u leedahay in aad ku fikirto in wadan balac ahan aan gaareyn Kun mile oo dhaca galbeedka Qaarada Nabadoon ee Yurub uunan u baahneyd in uu yeesho Cudad milateri, waayoo waxaa ku hareersan wadamo Yurubiyaan ah oo Mialteri ahaan aad u xoogaan, taa oo ay usii dheertahay in aag dhagaal uusan ku yaalin.

In aad kamid noqoto Milateriga Luxembourg waa mid kamid ah howlaha ugu nasiinada badan adduuka waayoo maba howl geli laheyn oo nasiinaa iska heli laheyd, waayoo ciidamada Milateriga wadankaasi ma howl galaan waxa ayna tababarka ka dib qaataan fasax fiinaa wiito ah.

Dhaqaalaha lagu bixiyo Ciidamada Milateriga ee aanan shaqeyn ee wadankaan uu leeyahay ayaa waxa uu laba jibaar ka badanyahay dhaqaalaha lagu bixiyo Ciidamada kumanaanka ah ee Soomaaliya.

6. Somalia

Kaalinta Lixaad wadamada ugu xooga yar dhanka Milateriga waxaa ku jira Soomaaliya waxaana guud ahaan dadka ku nool Soomaaliya lagu qiyaasaa ku dhawaad 12 Milyan oo ruux, waxaana Soomaaliya Illaah ku maneystay Xeebta ugu dheer qaarada Afrika, waana mid ka mid ah dalalka ugu Xooga yar dhanka Milateriga, waxaa macquul ah in Soomaaliya ay dalal badan ka Ciiidamo badanahay laakiin waxaana daah saarneyn in dhaqaalaha Milateriga Soomaaliya lagu bixiyo uu yahay mid aad u yar.

Ku dhawaad 12,000 oo ciidamo Milateri ah ayaa howl gala oo caadiyan u shaqeeyo mana jirto wax ciidamo cirka ah oo soomaaliya ay leedahay oo caadiyan u howlgala, inkastoo Dowladda Taliyaaniga sanadkii 2012 ay soomaaliya u balan qaaday in ay ku saacidi doonto sidii Ciidamo Cirka oo howl gala ay u yeelan laheyd Soomaaliya, waloow dalka uu lahaan jiray Ciidamo iyo Agabka ay ku howlgalaan Ciidamada Cirka waxayse la burbureyn dagaalkii sukeeye ee dalka ka qarxay.

7. Barbados

Barbados waa dal Jasiirad yar ah oo ay ku noolyihiin dad lagu qiyaaso 278,000 oo ruux, Ciidamada Milateriga ee dalkaani ayaa loo kala qeybiyey Saddax qeybood oo kala ah Ciidamada Badda, Ciidamada Cirka iyo Ciidamada Difaaca Guud waxayna dhamaantood ka koobanyihiin 1,000 oo ruux.

8. The Gambia

Gambia waa wadan Afrikaan ah oo dhaca Galbeedka Afrika, wadankaani Cudada ciidan ee uu leeyahay waa mid aad u yar badi mana gala dagaal caalami ah oo si fool ka fool ah dal kale ulama dagaalo.

Gaadiidka gaashaaman ee dalkaani uu leeyahay wadar ahaan waa 12 gaari, iyadoo wadankaani Ciidamadiisa ay yihiin kuwo yar ayaa hadana waxaa loo sii daabulaa wadamo badan oo Afrikaan ah oo ay u joogaan nabad ilaalin.

9. Central African Republic (Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe)

Wadankaani in uu kamid noqdo wadamada ugu xooga yar Ciidamada Milateriga marka loo eego wadamada caalamka waa arrin iska caadi ah waayoo waa wadan colaado sukeeye ay ragaadiyeen oo ay hareeyen.

Ciidamada Milateriga ee wadankaani uu leeyahay ayaa waxaa lagu qiyaasay 4,500 oo askari taasi oo ah wax aad u yar oo la yaab lleh in ciidan intaasi ah ay wadan difaacaan.

10. Bahamas

Wadankaani yar ayaa waxa uu ku jiraa kaalinta tobanaad ee wadamada ugu awooda yar Dhanka Ciidamada Milateriga, waxaana wadar ahaan dadka ku nool wadankaani lagu sheegay 400,000 oo ruux.

Waxaana lagu xisaabaa wadamada ugu cududa yar dhanka Milateriga, Ciidamada Milateriga wadankaani dhaca Caribbean’ka ayaa u badan Afrikaan markii hore adoonsi halkaa loo geeyey si ay ugu badsadaan Ciidamadooda Difaaca.

W/D: Ayuub Mohamed Ahmed (Fantastic)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip