Alshabaab oo weeraray degmada Qoryooley gobolka Sh/hoose

0
Tuesday September 08, 2015 - 11:02:03 in Wararka by
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alshabaab oo weeraray degmada Qoryooley gobolka Sh/hoose

    Wararka ka imanaya degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in uu dagaal ku dhex maray degmada Qoryooley ciidamo ka tirsan dowlada iyo dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in uu dagaal ku dhex maray degmada Qoryooley ciidamo ka tirsan dowlada iyo dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab.


Iska horimaadkan ayaa la sheegay in uu ka dhacay saldhigga booliska degmada Qoryooley iyadoo ciidamadii ururka Alshabaab ay u suurtogashay in ay muddo kooban la wareegaan saldhigaa booliska halkaa oo ay ku gubeen hal baabuur.

Hase yeeshee markii dambe ayay ciidamadii Alshabaab isaga baxeen saldhiga booliska magaalada Qoryooley. Dad jooga magaalada Qoryooley ayaa u sheegay shabakada warbaahinta Jowhar.com in labo askari ay ku dhinteen dagaalka halka dad kale oo rayid ah ay ku dhaawacmeen.

Hase yeeshee Guddoomiyaha Degmada Qoryooleey Maxamed Xaaji Cismaan ayaa sheegay in ciidamada Milatariga ay iska difaaceen Al-shabaabkii weerarka soo qaaday.

Shacabka magaalada Qoryooley ayaa soo wajahday cabsi iyo welwel iyadoo toddobaadkii hore ay ciidamo ka tirsanAlshabaab ay weerareen saldhig ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen magaalada Janaale.xigasho:-jowhar.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip