WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 8-DA SEBTEMBAR 2015-KA
Sharma’arke ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadiisu ay dhanka amniga wax ka qabatay, ayna deegaanno iyo degmooyin badan ka sareen Alshabaab, isla mrkaana ay wadaan sidii la isugu dhafi lahaa Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
Wuxuu xusay inay gacanta ku hayaan oo ay ururiyeen Ciidan Tiradoodu Gaarayso 10,900 oo Askari, Kuwaas oo uu Sheegay inay Qayb ka yihiin Qorshaha isku dhafka Ciidamada Qaran iyo Tayeyntooda.
"Markaan innagu xafiiska nimid waxaa jiray Waxyaabo badan oo Sanadihii 2012 iyo 2013 ay ahayd in la Sameeyo oo Runtii laga Gaabiyay, Kuwaasoo ay ka mid yihiin; Guddiyadii Geeddisoc odka u noqon lahaa dhismaha maamul goboleedyada, guddiga doorashooyinka, guddiga xud uudaha iyo guddiga kale ee adeegga garsoorka. Saddexdaa guddina waxaan ku meelmarinnay sad dexdii bil ee ugu horreysay, Guddiga Doorashooyinka iyo Guddiga kale ee Xuduudaha sida la ogyahay baarlamaanka ayaa ansixiyay,” ayuu yiri Sharma’arke.
Sidoo kale, RW Soomaaliya ayaa intaas ku daray inay dhameystireen dhismaha maamulka Galmudug, sidoo kalena ay Qorsheynayaan inta uusan dhamaan Sanadkan lagu jiro ay soo Dham eystiraan Maamulka oo sameynayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
RW Sharma’arke ayaa sidoo kale ka Hadlay Arrimaha Amniga, isagoo Xusay inay wax ka qabteen, wuxuuna tusaale u soo qaatay inay Degmooyinka Baardheere, Diinsoor iyo kuwo kale oo badan ay ka saareen Al-shabaab.
"Waxaan billownay isku dhafka ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, kuwaasoo aan rabno in ay noqdaan ciidammo Astaan u noqda Qarankeenna, dadka oo dhanna ay iska dhex arkaan; we lina howshu way socotaa, haatan waxaan ururinay 10,900 oo Askari, kuwaasoo saldhig u noqonaya ciidamada Qaranka Soomaaliya,” ayuu ku daray hadalkiisa RW Soomaaliya.
Cumar C/rashiid ayaa la weydiiyay su’aal ahayd inuu Gobollada dalka qaarkood safarro ku tagay dhowr jeer oo kala duwan, waxaana waxyaabihii aadka loo hadalhayay ka mid ahaa haga ajinta xiriirka Maamullada Gobollada iyo Xuuummadda Dhexe, marka maxaa kasoo baxay safarra daas. Isagoo su’aashan kaga jawaabay.
"Runtii Xiriirku aad ayuu u Wanaagsan yahay, Waxaana lagama maarmaan in la Xoojiyo mar walba xiriirka, waxaana la ogyahay in dhameystirka dastuurka dalka ay qayb ka tahay in maamull ada gobollada lagala hadlo, si loo qabyo tirada, waxaana ka mid ah qodobbada aan kala hadlnay maamullada sidii awoodda loo qaybsanayo, sidii kheyraadka loo qaybsan lahaa iyo weliba qaybsiga canshuuraha. Arrimahaas oo dhana wadahadal ayay naga rabaan iyo inaan meel isla dhigno.”
Isagoo sii Hadlayay Sharma’arke ayuu mar kale yiri. "Qaybsiga Awoodda; Waxaa ku jira; Ammaanka, Siyaasadda, Cadaalada iyo Garsoorka iyo dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin Cansh uuraha. Waxaa kaloo ku jira Adeegga Bulshada oo ay ka mid yihiin Caafimaadka iyo Waxbarash ada. Waxaas oo dhan waxaa loo baahan yahay in Arrimahaan oo dhan la kala caddeeyo Mas’u uliyadda ay ku leeyihiin Maamulgoboleedyada iyo tan Xukuumadda Federaalka. Runtii weli wadaha dallada ayaa socda, waxaana rajeynaynaa in dhawaan aan gaarsiinno meel la isku Waafasan yahay.”
Mar RW Soomaaliya ka hadlay khilaafaadyada Maamulgoboleedyada dalka qaar ka mid ah u Dhexeeya iyo dadka Maamullada Qaarkood kasoo Hor-jeeda ay ka yeelayso Xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay inay dadaalladii Arrimahaan lagu xallin lahaa ay socdaan, dadkuna ay Wada hadlayaan, isla markaana ay jiri doonaan Waxyaabo la isku Diiddan yahay iyo Waxyaabo la isku waafaqsan yahay, balse ka xukuumad ahaan ay aaminsan yihiin inaanay dhici doonin wax gacan ka hadal ah.
Su’aal ahayd Howsha xigi doonta Dhismaha Maamulka Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, ayuu RW Sharma’arke kaga jawaabay. "Howlaha xigi doona waxaa ka mid ah in la cadd eeyo Maqaamka Muqdisho ay yeelanayso, Arrintaas oo hadda Baarlamaanka FS hortaalla. Waxaa kaloo ku xigi doonta in la dhameystiro oo qabyada laga saaro dastuurka dalka, in la sameeyo wada tashi ku aaddan habka loo wajahayo doorasho dalka ka dhaca Sannadka soo socda ee 2016-ka. Wadatashiyada arrintaas ku saabsanna waxay ka dhici doonaan gabi ahaan caasimadaha maamul-goboleedyada, waxaana lagu soo gunaanadayaa Muqdisho, wixii dadka Soomaaliyeed ay isla gartaan ayaana la sharciyeynayaa lana qaadan doonaa.”
Wuxuuna intaas ku daray RW Sharmaa'rke. "Waxaan Doonaynaa inaan ka dhaqaaqno 135-tii oday, Doorashooyin Qof iyo Cod ahna Dalka kama dhici karaan sida horay loo sheegay, marka Waxa laga Tashanayo waa sidii loo heli lahaa Fursad labadan Arrimood u dhexeysa oo aan Qaa dan karno."
Ammaanka Muqdisho oo wax laga weydiiyay ayuu sheegay in Muqdisho ay ka Ammaan wanaagsan tahay dalka intiisa kale, haatanna ay xukuumaddu waddo in ay Al-shabaab ka saarto deegaannada gacanteeda ku jira si Ammaan loogu soo celiyo.
Ugu dambeyn, RW Soomaaliya ayaa la Weydiiyay in Qorshahooda Al-shabaab uu yahay da gaal uun iyo inay jiraan qorshayaal kale sida inay wadahadal la furaan intii suuro gal ah ayaa wuxuu ku jawaabay.
"Annagu Xukuumad ahaan waxaan fidinnay cafis, ruux kasta oo kasoo laabanaya fikirkaas iyo xagjirnimada oo doonaya inuu qayb ka noqdo dowladnimada iyo dib u dhiskeeda waan soo dhaweynaynaa, balse fikirka Al-shabaab ma ahan mid u baahan Wadahadal. Waxaanan dadka aan aaminsanayn fikirkaas ugu baaqaynaa inay kasoo laabtaan oo ay shacabkooda ka mid noqdaan, innaguna cafis ayaan u fidinaynaa.”
RW Somalia Cumar C/rashiid ayaa Wareysigan uu kaga hadlay Waxyaabihii u Qabsoomay Xukuumaddiisa iyo Howlaha u Harsan Sida ay u Wajihi doonaan Wuxuu siiyay Idaacadda Musta qbal oo ka mid ah kuwa FM-ta ah ee ka Howlgala Magaalada Muqdisho.
WASIIR MAAREEYE "CALI DHEERE HAATAN HADDII UU YIMAADO WAA CAFIS”
Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shalay hadal ka jeedinayay munaasabad lagu soo gabaga beynayay Ololaha dhaqanka iyo Hidaha Sooma aliyeed ayaa sheegay in dowladdu ay tahay mid u sabarta shacabkeeda, isla markaana cafisa cid walba oo qaladka ay gashay dib uga soo laa bata.waxa uu sheegay wasiirka in haddii ay dhacdo in dowladda isku soo dhiibo Afhayeenka Al-shababa Cali Dheere ay cafinayaan waa sida uu hadalka u dhigaye.
"Dowladnimado waa dadka, haddii ay wanaagsanaato idinka ayeey idiin wanaagsanaaneysaa, hala is garab istaago, ciidamada hala garab istaago, dadka Nabaddiidka ah iyaga oo dowladda dhib aya, qarxinaya oo laynaya ayeey tiri cafis baad tihiin, Cali Dheere haddii uu shalay yimaado waa cafis, Soomaali kasta intaas ayaanu dilnay soo ma dhaho, intaas ayaan qarxinay oo eber ka dhig nay soo ma dhaho, shalay haddii uu yimaado waa cafis, waayo waa Soomaali la qalday , inaan dha qan celinno, meel geyno uu arko in dadka ay Muslim yihiin, in cibaadadooda ay ka badan tahay tiisa inuu arko baan diyaar u nahay” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.
Sidoo kale wasiir Maareeye ayaa yiri "hala is garab istaago, dadkaasi ha loo caqli celiyo, ciida mada ammaanka halala shaqeeyo, qofkii nabad galyo darra wada hala soo qabto, dalkaaga adaa is kaleh dowladaada adaa is kale, haddii aad aragto qof madaxweynaha wax ka sheegaya, inta uu xil ka hayo cidna waxba kama sheegi karto, sharafkaagi iyo wejigaaga weeye, haddii uu wax haleeyay shuruuc baa jirta, adiga qaadigii ma tihid, haddii qof walba qaadi, xisaabiye iyo hanti dhowr noqdo sidee wax ku soconayaan oo madaxda laga been abuuro oo dowladda la been abuuro, dowladaada wey xun tahay lagu dhaho haka yeelin, ku dheh dadka banaanka ka yimaada dowladaada wey xun tahay,wuu kula dagaallamayaa, hay’ado ayaa u xil saaran in wixii xun la xisaabtamaan, shacabka na waa in ay taageeraan dowladda” ay uu yiri wasiir Maareeye.Xigasho:-Goobjoog.com
RA’IISUL WASAARE CUMAR CABDIRASHIID OO CABDI JIINOW U MAGACAABAY XIL CUSUB
Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ayaa loogu ma-gacaabay Eng Cabdi Jiinow Calasow Maareeyaha Guud ee Mashruuca Hor-umar inta Xeebaha iyo Kaluumeysiga
Wareegtada ayaa lagu sheegay in la tixgeliyay baahida xoojinta iyo dardargelinta Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluumeysiga iyo weliba aqoonta iyo khibrada uu u leeyahay Eng Cabdi Jiinow Calasow horumarinta xeebaha.
Eng. Cabdi Jiinow Calasow ayaa hore xilal kala duwan ka soo qabtay dalka Soomaaliya iyadoo xilkii ugu dambeeyay ee uu soo qabtay uu ahaa Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe waxana uu hore u soo noqday Maareeyaha Dekeda magaalada Muqdisho.
Wareegtada Magacaabida Cabdi Jiinow Calasow;
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya The Government of Federal Republic of Somalia)
Offjce of the Prime Minister
Tixraac: XRW1OPl/DS’V08/2015
Taariikh: 26/08/2015
Ujeeddo: Magacaabid Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo KaUuumeysiga
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Markuu arkay: Qodobka 99aad (A), (D) iyo (G) ee Dastuurka JFS. Markuu arkay: Qodobka ion= (A) iyo (D) ee Dastuurka JFS.
Markuu tixgeliyey: Baahida 100 qabo in la xoojiyo lana dardargaliyo Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluumeysiga
Markuu arkay: Taariikh-Nololeedka, khibradda iyo aqoonta Xeebaha ee uu leeyahay aqoon yahanka hoos ku xusan
Wuxuu xeeriyey:
Ood.laad Magacaabid
Eng. Cabdi Jiinow Calasow, waxaa 100 magacaabay Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumari nta Xeebaha iyo kalluumeysiga, laga bilaabo taariikhda sare ku xusan.
Ood.2aad Dhaqangal
Magacaabidani waxay dhaqan gelaysaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka, w • a, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah
Mudane: Cumar Cabdrashid Ra’iisul Wasaaraha . Xukuumadda JFS
GUDDOOMIYE CALI GUUDLAAWE OO XARIGA KA JARAY MASHAARIIC LAGA HIRGELIYAY BALCAD IYO JOWHAR ..
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shalay xariga kajaray mash aariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe.
Mashaariicdan oo uu shalay xariga ka jaray guddoomiye Guudlaawe ayaa waxaa ka mid ahaa iskuulo,xarumo caafimaad iyo ceel laga hirgeliyay deegaanada Qalimow iyo Xawaadley iyo weliba magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Dadweynaha ku nool deegaanada Xawaadley iyo Qalimow ayaa si diiran u soo dhoweeyay wafdigii guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe waxaana mas’uuliyiintii deegaankaas gaartay ka mid ahaa xildhibaan Sheikh cabdisataar sheikh cabdsalan Shiikh Xasan Barsane oo ka mid ah xil dhibaanada ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe.
Deegaanka Qalimow ayaa laga hirgeliyay mashaariic isugu jirta xarun waxbarasho iyo xarun caafimaad iyo sidoo kale ceel dadku ay ka heli karaan biyo nadiif ah.
Sidoo kale deegaanka Xawaadley ayaa laga furay mashaariic ka kooban xarun waxbarsho iyo xarun caafimaad oo markii ugu horeysay deegaanka Xawaadley laga hirgeliyay.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa hadal uu ka jeediyay deegaanada Qalimow iyo Xaw aadley waxa uu ugu baaqay shacabka ku nool inay ka faa’ideystaan isla markaana carruurtooda ay keenaan iskuulada. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa u mahad celiyay hay’ada Qadar Charity oo mashaariicdan hirgelisay.
Ugu dambayntii guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa waxa uu xariga ka jaray qeybo cusub oo lagu kordhiyay dugsiga H/dhexe iyo Sare ee Sh.Xuseen Cadde iyo dayactir lagu sameeyay isbit aalka hooyada iyo dhallaanka ee degmada Jowhar.
Ma aha markii ugu horeysay ee mashaariic horumarineed laga hirgeliyay deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe hase yeeshee mashaariicda shalay xariga laga jaray ayaa ah kuwo halbowle u ah horumarka bulshada maadaama ay ka kooban yihiin iskuulo,isbitaalo iyo ceelal.
DOWLADDA UGANDA OO SHAQADA KA JOOJISAY 15-SARKAAL KA HOWLGALAYAY SOOMAALIYA
Dowladda Uganda ayaa howlaha ciidanimo ka joojisay 15 sarkaal oo ka mid ah saraakii shooda ugu sareysa ee ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee dalka Soomaaliya ka dib markii lagu eedeeyay in ay faraxumeyn kula kaceen haween Soomaaliyeed.
Afhayeenka ciidamada Uganda Paddy Ankunda ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in ay xooga saarayaan sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen ciidamadooda kadib markii ay soo ifbaxeen eedeymo ka dhan ah oo ah tacadiyo ay ka geysteen dalka Soomaaliya.
"Ma aha oo kaliya faro xumen lagula kacay haweenka kuwaan raadinayno balse arrimo bad an ayaan baaritaan ku sameyneynaa,”ayuu sii raaciyay warkiisa Paddy Ankunda. "Balse faraxumey nta lagula kacay haweenka ayaan xooga saari doonaa balse inta ay baaritaanada ka soo dhamaa nayaan saraakiisha shaqadii ayaa laga joojiyay,”. Afhayeenka ayaa sheegay in 15ka sarkaal ee sha qada laga joojiyay ay ku jiraan labo Jeneral.
Falka ay ku dhaqaaqday xukuumada Uganda ayaa yimid ka dib markii ay soo saartay hay ’ada Human Rights Watch warbixin lagu eedeynayo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM inay kula kaceen faraxumeyn haween iyo gabdho Soomaaliyeed.
Ciidamo ka kooban 22,000 oo askari oo ka kala yimid lix dal ayaa ka dhinac dagaalamaya ciidamada Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007dii xilligaas oo ururka Alshabaab ay deegaano badan ka talinayeen.Deeq bixiyaasha dhinaca dhaqaalaha ka taageera ciidamada AMISOM ayaa waxaa ugu waaweyne Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Maraykanka
Hay’ada xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saareen waxa ay ka soo xigteen haween Soomaali ah in xeryaha AMISOM oo ay dawooyin u raadsadeen ay ciidam ada kula kaceen falal kufsi ah.
PUNTLAND: GUDDIGA XULISTA XUBNAHA GOLAHA DEEGAANKA BOOSAASO OO SHALAY LA MAGACAABAY
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladda Hoose ee Puntland ayaa Shalay Magacowday Guddiga Soo Xulista Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari, iyadoo sidoo kale qoraal Wasaaradda lagu shaaciyay shuruudaha laga Xubnaha ka mid noqonaya Golaha Dee-gaanka Boosaaso.
Guddiga Xulista Golaha Deegaanka Boosaaso oo ka kooban toddoba xubnood ayaa waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Axmed Cilmi Cismaan [Karaash], iyadoo Guddoomiye ku xigeen laga dhigay Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab.
Haddaba, Xubnaha Guddiga oo Toddoba Xubnood ka kooban ayaa waxay kala yihiin;
1. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Clim Cismaan [Karaash] – Guddoomiye
2. Wasiirka Amniga Puntland, Cabdi Xirsi Cali – Guddoomiye ku xigeen
3. Wasiirka Cadaaladda, Saalax Xabiib Xaaji Jaamac – Xubin
4. Guddoomiyaha Gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays – Xubin
5. Guddoomiyaha Ururka Haweenka, Khadro Warsame Jaamac – Xubin
6. La-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Burhaan Cilmi Falag – Xubin
7. Isuduwaha Gobolka Bari, Maxamed Axmed Maxamuud, Xoghayn
Dhanka kale, Waxaa Odayaasha iyo Nabaddoonnada Gobolka Bari la Faray in ay Saddex Casho ah kusoo Xubnaha ka mid Noqonaya Golaha Deegaanka Boosaaso Muddo Saddex casho gudahood ah; iyadoo beeshii xubnaheedu gaarayaan saddex looga baahan yahay inay ugu hal xub in oo haween ah ay kusoo daraan.
Shuruudaha laga Rabo xubnaha noqnaya golaha deegaanka Boosaaso ayaa kala ah;
1. Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso waxaa loo dooran karaa Muwaadin kasta oo xilkas ah; miyirkiisuna dhan yahay Isla markaana Reer Puntlanad ah. Waana in ay da’diisuna ka yarayn 25-sa no Maalinta uu Doorashada Galayo.
2. Waana in aysan horay Maxkamadi ugu Xukumin Dambi Qiyaano Qaran ah.
3. Waa inuu leeyahay ugu yaraan Aqoon Dugsi Sare ah ama Aqoon u Dhiganta.
4. Waa inuu Bulshada Dhexdeeda ku leeyahay Sumcad Wanaagsan.
5. Xubnaha loo Dooranayo Golaha Deegaanka Boosaaso waa in ay ka Dhex muuqdaan noocyada bulshada sida; Aqoonyahannada, Ganacstada, Culummaa’uddiinka, Haweenka, Xifadleyda IWM.
6. Xubinta ay beeluhu soo gudbinayaan, waxaa awoodda lagu Ansixinayo iska leh Guddiga Xula shada, iyagoo raacaya Qodobbada kor ku xusan. Beeshii dib loogu celiyo Xubinta ama Xubnahee da waa inay dib u soo xushaan, iyagoo Raacaya Shuruudaha kor ku Xusan.
7. Qofka loosoo Xulayo Xubinta Golaha Deegaanka waa inuusan layn wax Balwad ah.
8. Waa inuusan ka mid ahayn Ururrada Argagaxisada.
9. Waa inuu keena fayl dhameystiran, sida CV-ga & Warqada siinta Xubinimada.
10. Soo magacaabidda Xubinta waxaa leh Nabaddoonka ama Nabaddoonnada.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa saddex bilood ka hor kala diray Golaha Deegaanka Boosaaso; isagoo Magacaabay Maamul KMG ah.
SHACABKA REER GARBAHAREY OO DHEGXAAN KALA DAALAY CIIDANKA ITOOBIYA, KANA ERYAY HOYGA GUDOOMIYE KALIIL
Ka dib xiisad muddo saacadaha ka taagneyd Magaalada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo, ayaa waxay ku soo idlaatay in gacanta loola taggo Ciidanka Militariga Itoobiya .
Militariga Itoobiya, ayaa shalay isku gadaamay hoyga Maxamed Cabdi Kaliil, ka gadaal mar kii ay ka war helayn in habeen hore uu soo galay Xarunta Gobolka Gedo Ee Magaalada Garba-haarey.
Ganacsatada oo albaabada u laabay goobahooda ganacsi iyo shacabka reer Garbahaarey, ayaa soo buuxiyay hoyga Maxamed Cabdi Kaliil, waxa kaloo ay shacabku xireen waddooyinka Mag aalada qaarkood.
Shacabka oo dhegxaan soo gurtay, ayaa shiid kala daalay Ciidanka Itoobiya, waxa kaloo jira askari Itoobiyan ah oo gaari booyad ah ilaalo ka haayay in qorigii uu watay xoog looga fara maroojiyay.
Ciidanka Itoobiya, ayaa dib kaga gurtay hoyga Maxamed Cabdi Kaliil, iyagoona dib ugu lab tay Xeradii ay shalay ka soo ruqaansadeen, mana jirin wax rasaas ah oo ay Ciidamada Itoobiya adeegsadeen.
Shacabka reer Garbaharey oo markii horeba si weyn kaga soo horjeeday in shaqada laga eryo Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa muujiyay sida ay u garab jooggaan Gudoomiyaha.
Dadka reer Garbahaarey, ayaa ku qaylinaayay in dhulkan uu yahay midkii Somaliyeed, isla-markaana aynaan marnaba aqbali karin gumeysi cusub.
Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Ciidanka Itoobiya ay codsadeen dib in loogu soo celiyo laba qori, oo ay shacabku ka furteen, balse waxaa la ogyahay in shacabka ay hal qori oo keliya ka qaateen askari ilaalo u ahaa gaari booyad ah, oo Ciidanka Itoobiya ay lee yihiin.
DOWLADDA QADAR OO MARKII U HOREYSAY ILLAA KUN ASKARI OO CIIDAMO DHULKA AH U DIREYSA YEMEN
Dowladda Qadar ayaa markii u horeysay Ciidamo gaaraya kun askari u direysa dalka Yem en, si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Mucaaradka Xuutiyiinta.
Sida uu shaaciyay Telefishinka Al-Jazeera ee fadhigiisa yahay magaalada Doxa Qatar ayaa go’aansatay in Ciidamadaas ay u dirto Yemen sida ugu dhakhsiyaha badan.
Ciidamadan gaaraya kunka askari ayaa waxaa taageeri doono gawaarida gaashaaman ee qoryaha saaran yihiin iyo Helicoptero, waxaana la sheegay inay gaareen Gobolka Marib
Todobaadkii hore Kooxda Xuutiyiinta ayaa illaa lixdan askari oo ka tirsan Isbaheysiga Sacu udiga uu hogaaminayo ku dishay weerar gantaal ah.
Weerarkaas waxaa ku dhintay 45 askari ka tirsan Imaaraadka, 10 askari Sacuudiyaan ah iyo shan u dhashay dalka Bahrain.
Askartan ayaa ku dhintay bakhaar hub ku keydsanaa oo lala eegtay gantaal ay soo rideen Xuutiyiinta.
Imaaraadka Carabta ayaa durbaba qaaday weerar cirka ah oo ay uga jawaabeyso askarta la ga laayay, wax-aana duqeymo la eegatay goobo ay ku sugan yihiin Mucaaradka Xuutiyiinta.
AL-SHABAAB OO SOO BANDHIGTAY SAWIRRO MUUJINAYA WEERARKII JANNAALE
Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawiro muujinaya weerarkii 1-dii bishan Sept ember ay ku qaaday Saldhig Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ku lahaayeen deega anka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarka oo ahaa kii labaad oo noociisa oo ka dhacay Shabeellaha Hoose, laguna qaado Saldhigyada Ciidamada AMISOM ayaa Al-Shabaab u adeegsaday qarax weyn oo gaari lagu fuliyay, dabadeedna dagaalyahano aad u fara badan ay xerada dhowr jiho ka weerareen.
Sawirada la soo bandhigay ayaa muujinayay Meydadka Askarta Ciidamada AMISOM, Daga alyahano ka tirsan Al-Shabaab oo dareyska milateri xirnaa, iyo calaamad gaduudan madaxa kaga duubneyd, iyo gaadiid dagaal oo ay u adeegsadeen weerarka.
Waxaa kaloo Al-Shabaab xerada ka heleen saanad hub ah oo ay kala baxeen Konteenar uu ciidamada AMISOM hubka ugu xareysnaa oo yaallay saldhiga ay degenaayeen.
Sawirada waxaa lagu baahiyay Barta Facebook ee Idaacada afka Shabaab ku hadasha ee Andulus iyo baraha kale ee bulshada iyo kuwa Internet ee Al-Shabaab taageera
Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas todobaadkii hore dhacay ay ku dishay in ka badan 50-askari, isla markaana ay ugu aarguday shacabkii Ciidamada AMISOM ku xasuuqday magaalada Marka 31-kii bishii July.
Laakiin dowladda Uganda ayaa beenisay wararka sheegaya in kontameeyo askari laga dilay, waxaana afhayeen u hadlay Ciidamada Uganda Paddy Ankunda uu sheegay in 12 askari weera rkaas looga dilay.
Weerarkan lagu qaaday Xerada Janaale ayaa ku soo beegmay sanad-guuradii koowaad geeridii Hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr oo loo yaqaanay Axmed Cabdi Godane oo 1-dii bishii September sanadkii 2014 duqeyn ay fulisay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka lagu dilay.
GUDOONKA GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND OO ISKU KHILAAFAY GO’AANKII UU SIILAANYO KUSOO CELIYAY
Shirgudoonka Wakiiladda Soomaaliland ayaa isku khilaafay Waraaq Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey Golaha oo Guddoomiye C/raxmaan Cirro uu isagana dib ugu celiyay Madaxweynaha.
Khilaafkan shirgudoonka golaha Wakiiladda ayaa ka dhashay go’aan goluhu ka gaadhay shirkaddo gaar loo leeyahay oo xukuumaddu doonaysay inay ku wareejiso Kaydka Haamaha shied aalka Berbera, kaasi oo goluhu ka hor yimid in cid gaar ah lagu wareejiyo.
Go’aankii golaha oo madaxweynaha loo gudbiyey ayuu madaxweynuhu dib ugu celiyey golihii, balse guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa isna madaxweynaha dib ugu celiyey isagoo sheegay in aanu madaxweynuhu xaq ugu lahayn in dib ugu soo celiyo go’aan gole.
Labadda gudoomiye ku xigeen ee golaha Wakiiladda ayaa si weyn uga cadhooday qoraalka madaxweynuhu dib ugu celiyey gudoomiye C/raxmaan Cirro isagoo kala tashan shirgudoonka.
Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada, Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in gudoomiye cirro dib u celiyay warqad qoraal ah oo Madaxweyne Siilaanyo ku soo cel iyay Qaraarkii Goluhu ku laalay Wareejinta Haamaha shidaalka Berbera. Waxa uu sheegay inaanay celinta digreetada madaxweynuhu ahayn mid shir gudoonku u dhan yahay balse ay ahayd mid gu ddoomiye Cirro kaligii goostay.
"Madaxweynuhu xaq buu u leeyahay inuu soo celiyo go’aanka golaha wakiillada, markuu soo Celiyayna uma soo celin Guddoomiyaha ee Wuxuu u soo celiyay Gole Weynaha. Guddoomiyaha markii warqadda loo keenay, shir guddoon ahaan nama tusin oo ilaa hadda kama war haynno. Gole weynihii loo soo qorayna kama hor akhrin oo uma sheegin oo ma odhan madaxweynuhu go’aankii buu inagu soo celiyay ee maxaynu ka yeelnaa. Markaa haddii goluhu isla qaato ha lagu celiyo mad axweynaha iyo inaan lagu celin waxay u taalaa gole weynaha, gudoomiyaha baarlamaankana uma taal, shir guddoonkana uma taalo.”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Baashe Maxamed Faaraxoo eedeen usoo jeediyey gudoomiyihiisa.
"Sidii loo sugayay guddoomiyuhu inuu golaha soo dhexdhigo warqadda Madaxweynuhu soo diray, wuxuu guddoomiyuhu u qoray warqad madaxweynaha uu leeyahay go’aankii aad soo celisay dib baan kuugu soo celiyay, waana mid baalmarsan dowladnimada iyo in qof waliba wuxuu rabo sameeyo. Waad ogaydeen oo khilaaf hore ayaa ka dhacay go’aano guurtida loo gudbiyay waa laga gar naqay oo waxaa la go’aamiyay in wax kasta oo golaha ka baxaya shir gudoonku isla ogaado, taasna wuu jabiyay Guddoomiyuhu,” ayuuu raaciyay hadalkiisa. Dhinaca kale, Guddoomiyaha golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa eedaasi ka jawaabay, isagoo sheegay in uu isagu afka golaha ku hadli karo, isla markaana si sharciga waafaqsan waraaqdii madxweyn uhhu usoo diray golaha uu dib ugu celiyey madaxweynaha ka dib markii uu la tashadda la taliyah sharciga ee golaha.
"Goluhu wuu garanayaaye waxaan jecelahay inaan shacbiga u sheego, sida xeer hoosaadka goluhu Tilmaamayo Golaha Waxaa Metela oo Magaciisa ku Hadla Guddoomiyaha Golaha Wakii llada. Goluhu laba wax buu sameeyaa mid waa shuruuc, midna waa go’aammo, markay shuruuc ta hay dastuurku wuu tilmaamay in madaxweynuhu awood u leeyahay inuu soo celiyo, balse dastuu rku ma jidayn meel ay kaga taalna ma jirto inuu soo celiyo go’aan gole. Go’aanku wuxuu ahaa mid si aqlabiyad ah goluhu iskugu raacay, sidaas darteed aniga oo raacaya dastuurka kuna hadlaya magaca golaha Wakiillada iyo o’aanka golaha waxaan madaxweynaha u gudbiyay inaanu dast uurku jidayn inuu soo celiyo go’aan gole, waxa kale oo aan u gudbiyay in xukumadu degdeg u soo gudbiso xeer lagu maamulo hantida qaranka oo dastuurku amray in la sameeyo si looga baxo mur anka soo noqnoqda ee ku saabsan maamulka hantida qaranka”ayuu yiri C/raxmaan Cirro oo ka hadlayey awoodda uu u cuskaday inuu dib u celiyo waraaqdii madaxweynuhu usoo diray golaha.
Guddoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi "Soomaalidu barigii hore geela ayay kala dhici jirtay, markaa marka geela la soo qaado nin wadaad lagu sheego ayay u tagi jireen oo wa xay odhan jireen xoolahana wax ka qaado anagana noo xalaalee Geela. Markaa waxaan isleey ahay malaha xukumaddu waxay jeclaysatay nin kursigan aan ku fadhiyo ku fadhiya oo waxay doonaysana u xalaaleeya, Saaxiibadayna waxaan leeyahay ha noqonina kuwaa geela la soo dhac ay cidda soo dhacday u xalaalaynaysay”
Si kastaba ha ahaatee, khilaafkan ka dhex dilaacay Guddoonka Golaha Wakiilada ayaan la saadaalin Karin halka uu ku dambeyn doono.
MAXKAMADEYNTA MADAXWEYNIHII HORE EE DALKA JAAD, HISSÈNE HABRÉ AYAA DIB UGA BILLAABATAY SHALAY M/DAKAR
Maxkamadeynta Madaxweynihii hore ee dalka Jaad, Hissène Habré ayaa dib uga billaabatay Shalay Magaalada Dakar ee xarunta dalka Senegal ka dib 45-maalmood oo dib loo dhigay Maxkamadeynta Habré.
Hissène Habré ayaa loo haystaa inuu galay dambiyo isugu jira kuwo dagaal, kuwa ka dhan ah xuquuqda Aadanaha iyo weliba jirdil. Iyadoo kiisaskan loo haysto Maxkamadeyntoodu ay soo billaabatay 20-kii July ee Sannadkan 2015.
Maalintii ugu horreysay ee Dacwadda Habré ayaa waxaa Maxkamadda looga saaray Qaylo darteed, iyadoo maalintii labaadna Qareennadii difaacayay ayaa diiday inay soo xaadiraan Max kamadda.
Tallaabooyinkaas awgood ayay Maxkamaddu u hakisay dhageysiga dacwadda loo haysto Habré, waxayna magacowday saddex qareen oo cusub oo difaaci doona Hissène Habré, kuwaa soo la siiyay 45 maalmood si ay u darsaan dawooyinka loo haysto Madaxweynihii hore ee dalka Jaad.
Saddexddan Qareen ayaa 45-casho ka dib waqti u helay inay darsaan Kiiska, hasa yeeshee Habré oo ay u doodayaan ayaanan aqoonsanayn Qareennadaan, isagoo diiday inuu la hadlo una faahfaahiyo kiisaska loo haysto waxa ka jira.
Garsooraha Maxkamadda, Gberdao Gustave Kam oo ah xaakim u dhashay Dalka Burkina Faso ayaa laga sugayaa inuu wax ka dhaho arrintan; kaasoo go’aansan doona in dacwadda ay sii socoto iyadoo Hissene Habre qareen difaaca lahayn iyo in kale.
Tan iyo markii ay billaabay dacwada ka dhanka ah Hissène Habré oo 72-jir ah ayaa wuxuu Diidanaa Sharciyadda Maxkamadda Afrika, taasoo ah mid gaar ah oo uu Midowga Afrika sameeyay sannadkii 2013-kii; xarunteedana laga dhigay Senegal.
Madaxweynihii hore ee Wadd-anka Jaad ayaa diiday inuu ka Jawaabo Su’aalaha Xaakimka uu Weydiinayo ee la xiriira Dacwooyinka loo haysto, isagoo mar walba sheegayay inuusan maxka madda Aqoonsanayn, kiisaska lagu haystana ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin.
Dhanka kale, Reed Brody oo ka tirsan hay’adda u Doodda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa rumeysan in diidmada Habré ee ku aadan la shaqeynta Maxkamadda uu ku doonayo inuu kaga faa’iidaysto dhaqaalaha yar ee loogu talogalay maxkamada, taasoo dhan 9.5 Milyan oo Doollar.
"Wuxuu Qorshuhu ahaa in dacwada loogu talo galay in lagu soo gunaanado 90 Maalmood, balse 45-casho ayaa dib loo dhigay, taasina waxay lumisay kala bar miisaaniyaddii loogu talo galay maxkamadeynta Habré,” sidaa waxaa sheegay Reed Brody oo HRW ka tirsan.
Sidoo kale, Dhibanayaasha oo Dalbanayay muddo 25 sano ah in Cadaaladda la Horkeeno ayaa into-oda badan waxay Rajaynayaan inay soo Af-jari doonto Maxkamaddan Tobanaan sano oo uu Habré Xasaanad haystay.
Maxkaamdeyntan ayaa Noqonaysa tii ugu horreysay oo Madaxweyne AFRIKAAN ah lagu Maxkamadeynayo Gudaha Qaaradda Afrika, isagoo loo haysto dambiyo ay ka mid yihiin jirdil, kuwa dagaal iyo kuwa ka dhan ah bini’aadannimada.
Dacwadoogaha ayaa isku dayi doona inuu ku qanciyo Maxkamaddan gaarka ah in Hissène Habré uu sakhsi ahaan amray dilka iyo Waxyeelleynta Kumannaan Qof oo siyaasad ahaan iyo Qow miyad ahaanba kasoo horj-eeday.
Ugu dambeyn, Guddi xaqiiqo raadin ah oo dalka Jaad laga sameeyay ayaa helay caddeymo Muujinaysa ku dhawaad 4,000 oo kiisas dil ah, iyagoo qiyaasay in 10 jibbaar ay Kiisaskan kor u kici karaan.
AMISOM OO QARAX LAGULA EEGTAY MAGAALADA MARKA
Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa qarax bam waxaa lagula eegtay Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, xilli ay marayeen suuqa Khudaarta Magaalada Marka.
Qaraxaan oo ah bambada noo-ca gacanta laga tuuro, ayaa waxaa khasaaro ay kasoo gaa rtay dad shacab ah oo halkaasi ku sugnaa, waxa-ana dhaawacmay labo ruux.
Guddoomiyaha Magaalada Marka Xasan Cumar Macalin, ayaa sheegay ciidamada Amisom qaraxaasi in lala eegtay xilli ay marayeen Bartamaha Magaalada.
Wuxuu sheegay labo ruux inay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo hada xaaladooda caafimaad lagu daaweynaayo Isbitaalka Magaalada Marka.
Ciidamada Amisom, ayaa xilliga qaraxa lala eeganaayay waxa ay marayeen Suuqa Khuda arta Magaalada Marka, waxaana ay ahaayeen kuwa lugeynaya.
Guddoomiyaha Magaalada Marka, ayaa sheegaya inay wadaan baadigoobka shaqsigii ka dambeeyay bam gacmeedka lagu tuuray ciidamada Amisom, isaga oo sheegay inay rajeynayaan inay soo qabtaan ruuxaasi.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 8-DA SEBTEMBAR 2015-KA
RW SHARMA'ARKE: WAXAAN WADNAA SIDII LOOGA TASHAN LAHAA DOORASHO KA DHACDA DALKA 2016-KA Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa ka warbxiyay wixii u qabsoomay xukuumadda uu hoggaaminayo tan