Qoddobada ayaa waxaa ka mid ahaa in beesha Shiidle ay diidan tahay saamiga ay ka heshay maamulka gobolka Sh/dhexe ayna sidoo kale ka soo horjeedaan magacaabista guddoomiyaha cusub ee degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar.
Bayaanka ayaa loogaga codsaday dowlad goboleedka Hirshabeelle inay ka laabato magacaabista gudoomiyaha maadaama uusan ku iman wadatashi sida ay hadalka u dhigeen waxana ugu dambeyntii lagu muujiyay in banaanbax loogaga soo horjeedo DG Hirshabelle ay dhigi doonaan haddii uusan maamulka Hirshabelle aqbalin codsigooda una gudbin doonaan dacwad ka dhan Hirshabelle dowlada federalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay nabadoono caan ah oo ay ka mid ahaayeen Xaaji Maxamuud Muude Qaroofow,Nabadoon Maxamuud Cismaan Yaacaley,Nabadoon Aweys Nuunow Ibraahim iyo qaar kale,waxayna dhamaantood sheegeen in aan lagala tashan oo aysan aqoonsanayn maamulka uu magacaabay Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Nabadoono ka soo horjeestay magacaabista Maamulka Sh/Dhexe iyo degmada Jowhar
Qaar kamid ah nabadoonada iyo waxgaradka beesha shiidle ayaa maanta war ka soo saaray magacaabista maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan degmada Jowhar ee shalay wareegto ka soo baxday madaxtoyada Hirshabeelle lagu dhamaystirey.