KGS oo Hadashay in Muqtaar Roobow uu Ku Wajahan Magaalada Baydhabo

0
Saturday June 24, 2017 - 11:03:16 in Wararka by
  • Visits: 422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KGS oo Hadashay in Muqtaar Roobow uu Ku Wajahan Magaalada Baydhabo

    Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa soo dhaweeyay Talaabadda Dowladda Mareykanka ay qaaday ee ku aadan in laga saaray Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur Liiska Argagaxisada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa soo dhaweeyay Talaabadda Dowladda Mareykanka ay qaaday ee ku aadan in laga saaray Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur Liiska Argagaxisada.

Wasiirka warfaafinta ee Koonfur Galbeed Mudane Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aanka dowladda Mareykanka ee loogu saaray liiska Argagaxisada Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaliya.

Wuxuu sheegay in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu yahay shaqsi dhex-dhaaxd islamarkaana jecel dalkiisa iyo dadkiisa balse ay marin habaabiyeen hogaamiyayaasha sare iyo Xarakada Al-shabaab.

"Qoraalka ku aadan in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagaxisada, waxaan ku araknay baraha bulshada, dabagal ayaan ku saameenay waxaa noo cadaadatay in liiska Argagaxisada, laga saaray, runtii Roobow wax dhibaato ah oo haatan la sheegi karo kuma haynin deeganada Maamulka koonfur Galbeed soomaliya, waa shaqsi aad u jecel dadkiisa iyo dalkiisa waana soo dhaweynayaa go’aanka dowladda Mareykanka”, ayuu yiri Wasiirka warfaafinta ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Wasiirka warfaafinta ee Koonfur Galbeed Mudane Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in haatan aysan soo gaarin warar ku aadan in Muqtaar uu ku wajahan yahay Magaalada Baydhabo balse ay waqti walba ay soo dhaweynayaan haduu yimaado, madaama uu yahay shaqsi kasoo jeeda deeganada Koonfur Galbeed Soomaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur Liiska Argagaxisada, waxaa la rumeysan yahay in ciidamo uu hogaaminayo oo gaaraya 600-askari in ay ku sugan yihiin duleedka Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip