Stephen Schwartz ayaa sheegay in xarunta cusub ee Maraykanka ee Muqdisho la furi doono bisha Oktoobar ee sanadkan,isagoo xusay inay dowladiisu hayso lacag ay safaarad cusub ugga dhisato Muqdisho.
Safaaradii hore ee Maraykanka eek u lahaa magaalada Muqdisho ayaa haatan waxa ay ka mid noqotay xaafadaha magaalada iyadoo ay guryo ka dhisteen dad shacab ah. Hase yeeshee lama oga in Maraykanku uu dalban doono in dhulkiisii loo soo celiyo ama deegaankale ka dhisto safaarada.
Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Soomaaliya ayaa haatan waxaa xarun u ah magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Hase yeeshee Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Maraykanka, John Kerry ayaa booqasho uu sanadii 2015 ku tagey Muqdisho ku sheegay in Maraykanka uu billaabi doono dib u aas-aasidda joogitaankii diblomaasiyeed ee Maraykanka uu ku lahaa Soomaaliya.
Maraykanka oo safaaradiisii Muqdisho dib u furaya dhammaadka sanadkan
Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay dhammaadka sanadkan ay dib uga furanayso safaaradeedii magaalada Muqdisho,iyadoo la xirey safaaradii Maraykanka uu ku lahaa Muqdisho sanadkii 1991dii.