Nabad Darro iyo Nolol Xumo ayay Ugu magac dareen (*Nabad iyo Nolol*)

0
Wednesday June 21, 2017 - 11:26:43 in Maqaallo by
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabad Darro iyo Nolol Xumo ayay Ugu magac dareen (*Nabad iyo Nolol*)

    (Nabad Darro iyo Nolol Xumo ayay Ugu magac dareen(*Nabad iyo Nolol*) Qormadaydan kooban ayaan jeclaan lahaa in'aad ila wadaagtaan taasoo aan uga hadlayo qormoiyin aan uurka jirin ee afka uun ay ka sheegaan kooxda aan ugu maga daray (been sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Nabad Darro iyo Nolol Xumo ayay Ugu magac dareen(*Nabad iyo Nolol*) Qormadaydan kooban ayaan jeclaan lahaa in'aad ila wadaagtaan taasoo aan uga hadlayo qormoiyin aan uurka jirin ee afka uun ay ka sheegaan kooxda aan ugu maga daray (been sheegayaasha isku been abuurtay) si ay isugu aqoonsadaan Astaantan ayay isugu yeeraan(Nabad iyo Nolol) taasoo lamacna ah(Nabad darro iyo nolol xumo) Marxalado kala duwan ayuu soo maray dalkeena hooyo taasoo ahayd midba midda kale kadaran oo inbadan naga mid ah ay kamarqaati yihiin waloow qarna ay ahaayeen (Marqaatiga aamusan)

8dii febraayo doorashadii Madaxweyne Farmaajo waxay isugu jirtay habeenkii koowaad oo shacabku farxadi laseexan waayeen waliba aniga kashakhsi ahaan laseexan waayay daryanka rassaata farxadeed ay ridayeen Ciidamada Xoogga dalka oo ku farxsanaa hogaanka la doortay.

100kii maalmood ee ugu horreeysay maxaa dhacay? Waxyaabaha iigu xumaa ee aan ku arko Xamar waxay ahayeen kuwa aan qormo kusoo dhamayn karin. Waxaan jeclaan lahaa in aan qaybo kasoo qaadto ,dhacdooyinka kadhacay Xamar ee ugu danbeeyay oo ka dhacay maqaaxidda Pizza house 14-15kiiJun oo kooxda argagixisada Shabaab ay kusoo qaadeen shacab masaakiin ah socdayna muddo 11saacadood ayaa waxaa dhacday intiii qaraxyadu iyo israssaasayntu socotay in Wasiiir kamid ah wasiirdda Xukuumadda Reysulwasaare Xasan Kheeyre uu kusoo qoro boggiisa Facbook (Ciimada geesi yaasha waxay badbaadiyeen shacabka wuxuuna raaciyay *Nabad iyo Nolol)isagoon hubsan misiibada socota allaha unaxariisana aan kujirin qoraalkiisa.

Dulucda qormadayda:- Waxaaan jeclaaan lahaa in aad bal dib u eegtaan mid kamida Wasiir waraysi siiyay Wariye isagoo kahadlaya waxa loogu magac daray xasilinta Xamar kusinan waxa uu waraysigiisii kuyiri waxaa ku guuulaysanay in aan kala haatinnay kuwii ciiidama qabiileedka ahaa ee Muqdisho qaska kawaday oo firxadkooda laga sheegay Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe iyadoo ay ayaan darro adag iila muuqatay in cadaw aan Shabaab ahayn waan baacsanay warbaahinta loo isticmaalo waliba isagoo sii raaciyay*Nabadda iyo Nolol.

Muqdisho 100 iyo dhoorkii maalmood waxaa si isadaba joog ah loogu dilayay shacab iyo shaqaale doowladeed oo dowladdaani kuwii hore uga duwan tahay in ay farxadi utahay in aanba lasheegin wixii musiiba ah ee Muqdisho kadhaca. Halmaalin oo kaliya waxaan soo bandhigay Degmada Garasbaaley oo ay barakacayaal caruurtooda 70+80 ay u dhinteen Gaajo, Jadeeco iyo hooy la’aan isla maalintaas waxaan arkay Wasiir iyo mid kamid ah guulwadayaasha sida indha la’aanta u xadraysan iskuna haysta in ay magaca doowladnimo ay ugaar tahay oo soo qoraya *Nabad iyo Nolol* halka ay ka tiiraanyoon lahaayeen mudiibada dhacday ee aan soo bandhigay iyadoo xiittaa Tvyda laga wada daawaday maalintaas mucjisada ku dhacday masaakiintaa barakacayaasha ah. Gunaanad…..!

Dowladnimadeenu waa muqaddas waana wax kadhaxeeya bulsho in ay kuwada nalooto loogu tala galay. *Nabad iyo nololeey nuucaa tahay bal nafahan sii? (Nabad Darro iyo Nolol Xumo ayay Ugu magac dareen(Nabad iyo Nolol) Mahadsanidiin 

Hassan Abdikadir Mudey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip