Siyaasadda Somaliya oo wajahaysa weji cusub (Warbixin)

1
Wednesday June 21, 2017 - 10:20:50 in Wararka by
  • Visits: 994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasadda Somaliya oo wajahaysa weji cusub (Warbixin)

    Siyaasadda Somaliya, ayaa waxaa la fillayaa in weji cusub ay yeelan doonto, ka dib Ciidul Fitriga, oo Xildhibaanada Labada Aqal ay fasaxa ka soo laaban doonaan. Xildhibaanada waxaa iminka gebagebo ka ah fasixii labada bilood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasadda Somaliya, ayaa waxaa la fillayaa in weji cusub ay yeelan doonto, ka dib Ciidul Fitriga, oo Xildhibaanada Labada Aqal ay fasaxa ka soo laaban doonaan. Xildhibaanada waxaa iminka gebagebo ka ah fasixii labada bilood.

Xildhibaanada oo garabyo u kala qaybsan, ayaa samayn doono mowjado siyaasadeed oo wejiyo kala duwan leh, waxaana shaki ku jiri doonin in caqabado ay ku noqon doonto Villa Somalia.

Garab ka mid ah Xildhibaanada oo uu horkacayo Xildhibaan Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka biyo diidan mowqifka Dowladda Somaliya ka qaadatay khilaafka ka dhex aloosan Sacuudiga iyo Qatar, waxayna ku dagaalami doonaan in ay ku saf noqoto xulufada Sacuudiga.

Cumar C/rashiid iyo xubnaha la safanba waxaa kol hore laga dhaadhiciyay in ay qaataan siyaasadda uu Sacuudiga ku go’doomiyay dowladda yar ee Qatar, waxaana taasi uga wakiil ah Emirate-ka Carabta.

Tan iyo markii ay Somaliya sheegtay in ay dhex dhexaad ka tahay khilaafka labadaasi dhinac waxaa uu Emirate-ku bilaabay hindise siyaasadeed, oo uu ku soo jiidanayo Xildhibaano ka kala tirsan Labada Aqal, si cadaadis Somaliya loogu saaro in ay ka laabato mowqifkeedii hore.

Sarkaal Madaxtooyada Somaliya ka tirsan, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Boqortooda Sacuudiga ay cadaadis xoogan ku hayso Somaliya, si ay wax uga bedesho mowqifka ay ka qaadatay xurgufta kala dhaxeysa Xukuumadda Qatar.

Hujuumka xulufada Sacuudiga ee Somaliya, ayaa sii xoogeystay markii Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, uu toddobaadkan markale u safray Magaalada Doha ee Xarunta Wadanka Qatar.

Fahad Yaasiin oo 28-kii bishii hore ee May loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliya, ayaa laba jeer u safray Caasimadda Doha, tan iyo markii la magacaabay.

Ina Sharmaarke iyo ragga ay bahwadaagta yihiin, ayaa ku dagaalamaya in dantii qaranka laga hormarsiiyay dan shakhsi, iyagoona qaba in Somaliya ay la safatay Xukuumadda Doha, sababo ku aadan in lagu taageeray Fahad Yaasiin oo saaxiibo dhow ay yihiin Madaxda Qatar qaarkood.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaan isagu iskuba hawlin waxa ka dhex taagan xulufada Sacuudiga, Qatar iyo mowqifka ay ka qaadatay Somaliya, maxaa yeelay isaga oo ku mashquulsan, sidii uu kaga hortaggi lahaa culeys kaga soo wajahan Xildhibaanada Golaha Shacabka (Aqalka Hoose).

Xubno ka tirsan Xildhibaanadii soo doortay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ka careysan inaanan lagu soo darin Xukuumaddii uu 21-kii bishii March soo dhisay Ra’iisal Wasaare Khayre. Xildhibaanadan waxay doonayan in lagu soo daro Golaha Wasiirada oo la hadalhayo in isku shaandhayn lagu samayn doono billaha ina soo aadan, haddii kalana ay mooshin ka keenayan.

Sidoo kale waxaa jira culeys kale oo Ra’iisal Wasaaraha uu kala kulmayo daraf kale oo Xildhibaan ah, isla-markaana ah kuwii codka siiyay Madaxweynihii hore ee doorashada looga adkaaday, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanadan oo iyagu soo dhaweeyay magacaabistii Ra’iisal Wasaaraha, ayaa aaminsan inaanu Ra’iisal Wasaaruhu noqon sidii la fillaayay, iyadoo la’ogyahay in si dhow uu ula soo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee Somaliya, oo iminka ah Mudane Golaha Shacabka ka tirsan.

Waxaa intaa dheer in Khayre uu dareensan yahay garab kale oo taageersan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, in ay siyaasadiisa saluugsan yihiin, waxaana la xusuustaa in si xoogan kaga biyo diideen magacaabistii uu soo magacaabay Golihiisii Wasaarada. Khilaafka kala dhaxeeya garabka Jawaari weli waa mid taagan.

Xildhibaanada Labada Aqal ee ka soo jeeda Gobolka Banaadir oo dagaal ugu jira maqaamka gobolkaasi, ayaa Ra’iisal Wasaaraha ku cadaadinaya in uu cadeeyo maqaamka gobolka, haddii kalana ay daadka raacsiin doonaan.

Dadka odoroso siyaasadda Somaliya, ayaa kuu sheegaya in bisha July ay siyaasadda Somaliya geli doonto xaalad cusub, waxaana la isweydiinaya waxa dhici doono Ramadanka ka dib.

Si kastaba ha-ahaatee Farmaajo iyo Khayre oo wada socda, ayaa waxaa hadana muuqata in ay kala socdaan, iyadoona mid kasta ay tiisa cusleysay.

XIGASHO:-DHACDO.COM

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip