Weerar ka dhacay Magaalada Roubaix ee Waqooyiga Faransiiska (Daawo Sawirada)

0
Wednesday November 25, 2015 - 08:29:09 in Wararka by
  • Visits: 687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar ka dhacay Magaalada Roubaix ee Waqooyiga Faransiiska (Daawo Sawirada)

    Weerar caawa ka dhacay Magaalada Roubaix Ee Waqooyiga Wadanka Faransiiska, ayaa waxaa la soo sheegayaa in dhawr qof lagu qafaashay. Roubaix waxay ku dhow-dahay xadka kala qaybiya Wadamada Faransiiska & Belgium-ka, oo maalmahaanba ku jiray xaalad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar caawa ka dhacay Magaalada Roubaix Ee Waqooyiga Wadanka Faransiiska, ayaa waxaa la soo sheegayaa in dhawr qof lagu qafaashay. Roubaix waxay ku dhow-dahay xadka kala qaybiya Wadamada Faransiiska & Belgium-ka, oo maalmahaanba ku jiray xaalad feejignaan ah, oo ka dhan ah Ururka Daacish.

Koox burcad ah, ayaa afduub kula kacday nin madax ka ahaa bangi iyo qoyskiisa. Wuxuuna weerarku dhacay, xilli Boolisku ay joojiyeen gaari ay wateen saddex nin, oo qoryaha daran-dooriga u dhaca ku hubeysnaa.

Kooxaha gurmadka deg-degga oo gaaray halkii ay shaqaaqadu ka dhacday, ayaa waxay ka qaadeen dhawr qof oo ku dhaawacmay israsaasayntaasi.

Saraakiisha Booliska Faransiiska, ayaa Warbaahinta u sheegay in aanu weerarkaasi wax lug ihi ku lahayn falal argagaxiso, isla-markaana ay ka masuul ahaayeen waxa ay ugu yeereen kooxo burcad ah.

BBC, ayaa sheegtay in la soo afjaray weerarkaasi, sidoo kalana ay bad-qabaan dadkii lagu qafaashay weerarkaasi, oo xoogaga ammaanku ay soo furteen.

Mid ka mid ah dableydii weerarkaasi ka dambeysay, ayaa lagu dilay intii uu iska horimaadku socday. Waxaa kaloo jira nin la tuhunsan yahay oo la xiray. Laamaha ammaanku si rasmi ihi uma aanay kala cadayn inta qof ee weerarkaasi ka dambeysay, marka laga soo taggo Warbaahinta Faransiiska oo qortay in saddex nin ay gaysatay.

Warbaahinta Caalamka, ayaa qoreysa in raggii weerarkaasi gaystay uu ujeedkoodu u muuqday in dhac ay gaystaan.

Police take up position near the scene of a shootout in Roubaix, northern FranceRoubaix-Roubaix1Roubaix2Roubaix3Roubaix4Roubaix5Roubaix6Roubaix7Roubaix8Roubaix9





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip