Burcad badeeda Somalida oo si layaab leh ku qabsaday markab watay Calanka Iran

0
Wednesday November 25, 2015 - 08:26:04 in Wararka by
  • Visits: 630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burcad badeeda Somalida oo si layaab leh ku qabsaday markab watay Calanka Iran

    Kooxaha burcad badeeda Somalida, ayaa waxay gacanta ku dhigeen markab watay Calanka Wadanka Iran, ka dib markii ay ku weerareen badaha caalamiga ah. Markabkan waxaa laga soo qafaashay meelo ka fog Xeebaha Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha burcad badeeda Somalida, ayaa waxay gacanta ku dhigeen markab watay Calanka Wadanka Iran, ka dib markii ay ku weerareen badaha caalamiga ah. Markabkan waxaa laga soo qafaashay meelo ka fog Xeebaha Somaliya.

Burcad badeeda oo Axadii Xeebaha Puntland ka qafaashay dooni kalluumeysi oo laga lee yahay Iran, ayaa waxay Isniintii ku weerareen markabka watay Calanka Iran.

BBC, ayaa qortay in burcad badeedu a badaha caalamiga ihi ku weerartay markab kale oo laga leeyahay dalka Thailand, balse uu xoog kaga baxsaday burcad badeeda.

BBC, ayaa waxay kaloo tebisay in markabka watay Calanka Iran ay la socdeen 15 shaqaale, oo dhammaantoodu u dhashay Pakistan.

Wararka waxay intaa ku darayaan in markabka u gacan-galay burcad badeeda loola soo dhaqaaqay Xeebaha Somaliya, balse lama garanaayo halka uu fadhigoodu yahay kooxdaasi.

Maraakiibta shisheeye ee ku sugan Xeebaha Somaliya, ayaa dadaal ugu jira, sidii ay u soo furan lahaayen markabka u gacan-galay kooxaha burcad badeeda Somalida.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip