WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 7-DA SEPTEMBAR 2015-KA

0
Monday September 07, 2015 - 11:41:47 in Wararka by
  • Visits: 1280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 7-DA SEPTEMBAR 2015-KA

    XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY 45-ASKARI OO DOWLADDA IMAARAADKA LOOGA DILAY DALKA YEMEN Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyay Madaxw eynaha dalka Imaaraadka Carabta, Sheekh Khalifa bin Zayid Al Nahyan iyo Shac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY 45-ASKARI OO DOWLADDA IMAARAADKA LOOGA DILAY DALKA YEMEN Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyay Madaxw eynaha dalka Imaaraadka Carabta, Sheekh Khalifa bin Zayid Al Nahyan iyo Shacabka waddakaas dilkii 45 askari oo Imaaraati ah loogu geystay Yemen.

 

"Askarta geesiyada ah ee dhintay waxay naftooda ku waayeen iyagoo difaacaya Qaddiyad ku dhisan xaq iyo caddaalad, Dhimashadoodaasna ma hakin doonto taageerada Jaamacada Carabta ay ka Geysanayso nabad ka dhalinta Yemen,’’ ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale ku celiyey in Soomaaliya ay si buuxda u Taageersan tahay Mowqifka Jaamacadda Carabta ee ku Aaddan Xasaradda ka Taagan Yemen iyo sidoo nabad buuxda loogu heli lahaa. isagoo Askarta Geertiy-ootay u weydiiyay Alle inuu janna diisa ka waraabiyo.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash ayaa sheegay Sabtidii dhaweyd in Askartan ay Geeriyoodeen, ka dib markii Mucaaradka ay xoogagga Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen ay gantaal ku dhufteen bakhaar hubka lagu kaydiyo oo ciidamadani ay ku sugnaayeen.

Weerarkaas ayaa waxaa ciidamada Imaaraadka Carabta ee ku sugan Yemen ka soo gaaray khasaare xooggan, iyadoo maydadka 45-kan Askari la geeyay Abu Dhabi si halkaas loogu Aaso. Ugu dambeyn, Ciidammo ka socda dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah Isbahaysiga uu Sucuudigu Hoggaaminayso ee Taageeraya Dowladda Sharciga ah ee ka jirta Yemen ee Madax weyne Abd Rabbuh Mansur Hadi

ARDAY SOOMAALIYEED OO WAXBARASHO KA HELAY DALKA SHIINAHA OO LOO QAYBIYAY DUKUMIINTIYO

 Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa Shalay ku wareejisay warqadaha aqoonsiga deeqaha waxbarasho 20-arday oo Soomaaliyeed oo Deeq-waxbarasho Jaamacadeed ah ka helay Dalka Shiinaha.

Labaatankan Arday ayaa ka kala socday maamul-goboleedyada dalka ka jira iyo Gobollada Hiraan iyo Banaadir, Waxaana lagu wareejiyay Dukumiintiyadii ay ugu ambabixi lahayeen Waddanka Shiinaha.

Wasiiradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasi iru-dowladaha, Wasiir ku-xigeenka iyo Xildhibaanno ka tirs an Baarlamaanka Soomaalyia ayaa ka qayb-galay Muna asabada Ardaydan loogu qaybinayay Dukumiintadii ay ku dhoofi lahaayeen.

Sidoo kale, Wasiiradda Waxbarashadda Soomaali ya, Khadro Bashiir Cali ayaa hadalo dardaaran iyo dhiirri-gelin isugu jiray u jeedisay Ardayda Deeqda Waxbarasho ka helay Shiinaha, iyadoo xustay inay ka Tarjumaan oo ay ilaaliyaan Sharafta Soomaaliya oo ay matalayaan.

"Waxaan ku faraxsanahay in idinkoo ka socda Gobollada Soomaaliya inaad heshaan deeq waxbarasho, waxaadna wax u soo baranaysaan Dowladdiina iyo Dalkiinna, Waxaana idin kaga baa hannahay inaad noqotaan safiiro wanaagsan oo dalkiinna u soo hoya sharaf iyo sumcad wanaags an,” ayay tiri Wasiiradda Waxbarashada.

Ugu dambeyn, Qaar ka mid ah Ardayda ku Guulaystay Deeqda Waxbarasho ee Shiinaha Gabdho iyo Wiilal isugu jira oo ka Hadlayay Dareenkooda ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin Deeqda Waxbarashada Jaamacadeed ee ay ka heleen dalka Shiinaha.

WASIIR HADLIYE: MUWAADINIINTA SOOMAAIYEED YEYSAN QEYB KA NOQON QAXOOTIGA U TAHRIIBAYA DALALKA YURUB

Isagoo Wareysi siinayay Wargeyska Sunday Telegraph, ayuu C/salaan Hadliye ugu baaqay Muwaadniinta Soomaaliyeed inaysan qeyb ka noqon Qulqulka Qaxootiga ee u tahriibaya dalalka Qaaradda Yurub.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda ku jirto Marxalad dib usoo kabasho ah, isla markaana uu amaanka yahay mid soo hagaagaya, loogana baahan yahay Dhalinyarad Soomaa liyeed inay dalkood dib u dhistaan oo ay iska daayaan Tahriibka Yurub.

"Sanado kahor, Al shabaab waxay maamuli jireen qeybo badan oo Muqdisho ka mid ah, balse hadda awoodooda waala wiiqay oo Caasimadda waxaa maamulaysa Dowladda, iyadoo ama ankuna yahay mid maalinba maalinta ka danbaysa soo wanaagsanaanaya,” ayuu yiri Wasiirka Arrimha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye.

Wuxuu sheegay Hadliye in Dhalinyarada Soomaaliyeed aysan Macaamiil usii ahaan doonin Kooxaha Tahriibka ka shaqeeyay ee Lacagta badan uga qaata Safarka Halista badan ee Badda weynta Mediterraneanka ee u dhaxaysa Libya & Taliyaaniga.

C/salaan Hadliye oo dhawaan Booqasho ku tagi doono Magaalada London, kana hadli doo nto Shir ka dhacay Chatham House ayaa sheegay in Soomaalia ay u jeysatay dhanka Nabadda & Dowladnimada, islamarkaana ay hadda u furan tahay Maalgeshiga Caalamka.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye ayaa wuxuu imaanayaa ka dib markii Boqolaal Muhaajiriin ah oo ka tagaya Qaaradda Afrika, gaar ahaan Soomaaliya ay ku dhin teen Badda Mediterranean-ka iyagoo isku dayayaan inay gaaraan Yurub.

DEEQ DAWO AH OO LA GAARSIIYAY ISBITAALKA GUUD EE MAGAALADA CADAADO

Wasaaradda caafimaadka ee maamulka Galmudug ayaa deeq dawo ah gaarsiisay Isbitaalka Guud ee degmada Cadaado, halkaasi oo bukaanno lagu baxnaaninayo.

Wasiirka caafimaadka Galmudug Nimco Catoosh iyo xubno ka mid ah wasaaradeeda ayaa gaaray Isbitaalka Cadaado, waxaana ay gaarsiiyeen dawooyin isugu jira, kuwa Qalajiye ah, Vitamin, Faleebooyin iyo dawo xanuunka baab’isa.

Wasiiru dowladaha Caafimaadka Galmudug Cali Daahir Ciid oo u waramay Goobjoog News ayaa she-egay in Isbitaalkaasi ay jiifaan Bukaanno badan, islamarkaana qaarkood laga keenay dalka Itoobiya.

Waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay soo diiwaan geliyeen baahiyaha ka jirta Isbitaalka degmada Cadaado, ayna ku caawin doonaan.

Dhinaca kale Wasiiru dowlaha caafimaadka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ballaaran oo wasaaradoodu dejisay, kaasi oo ah in ay dardar geliyaan adeegyada caafimaadka ah, lana siin doono isbitaallo badan oo ku yaalla gobalada Mudug iyo Galgaduud

MAAMULKA SH/DHEXE OO KU EEDEEYAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA HIIRAAN SHEEGASHADA GOGOSHA SHIRKA GOBOLLADA HIIRAAN IYO SH/DHEXE

Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa ku tilmaamay hadal dhowaan ka soo yeeray guddoomiy aha gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo ku aadaana in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe in uu yahay mid markale maamulkaasi uu ku fududaayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobolka Hiraan ayaa markale ku celiyay in shirka maamul u sameynta labada gobol uu ka dhici doono magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Agaasimaha warfaafinta maamulka gobolka Sh/dhexe C/kariin Cumar Macallin Aaloos ayaa sheegay in gudoomiyaha gobolka Hiiraan uu ku fududaaday inuu iskiisa u shaaciyo halka lagu qaba nayo shirka maamulka u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe, taasina ay tahay mid u dhexeysa labada gobol inay ku heshiiyaan.

Agaasimaha Warfaafinta maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa intaasi raaciyay in maamulka gobolka Sh/dhexe ay diyaargaroobeen marti gelinta shirka,gobolkana uu yahay mid ammaan ah oo martigelin kara shirka.

Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Hiiraan in shirka uu yahay mid u dhexeeya labada gobol ayna ka waantoobaan in ay marwalba sheegtaan in iyagu ay yihiin kan hogaanka u haya shirka go’aana ka gaari kara.

"Shirku waa mid u dhexeeya labo gobol waxana la gaaray heshiis ah in shirka la qabto balse maamulka gobolka Hiiraan ayaa iskiis u sheegta waxyaalo aan laga hadlin waxaan u haynaa qadarin maamulka Hiiraan walaalaheen ha iska daayaan sheegashada gaarka ah,”ayuu yiri agaasi-maha warfaafinta gobolka Sh/dhexe.

Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe oo la filayay inuu furmo 1-bishan September ayaa dib u dhac ku yimid iyadoo aan si rasmi ah loo cadeyn sababta keentay dib u dhacaas iyo xilliga la qaban doono shirka.

DIYAARADAHA DAGAALKA EE ISBAHEYSIGA DUQEYN U GEYSTEY SALDHIGYO AY CIIDAMADA MUCAARADKA XUUTIYIINTA KU LEEYIHIIN M/ SANCA EE DALKA YEMAN -…

Ciidamada isbahaysiga oo ay hogaamiso boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa duqeyn u geys tey saldhigyo ay ciidamada mucaaradka Xuutiyiinta ku leeyihiin magaalada Sanca labo maalmood kadib markii ay ciidamada isbahaysiga ay ugaga dhinteen 60 askari dalka Yemen.

Qaraxyo waaweyn ayaa ruxay magaalada caasimada ah ee Sanca iyadoo ay ciidamada huw anta ay bartilmaameedsanayeen xarumaha ciidamada Xuutiyinta iyo saldhigyo ay leeyihiin ciidamo u daacad ah madaxweynihii hore ee dalka Yemen Ali Abdalla Salah. Dowlada Sacudi Carabiya ayaa lagu eedeeyay in ay u isticmaaleen duqeynta bamka kala firdha.

Weerarkan ayaa yimid ka dib labo maalmood oo weerar gantaalo ah lagu qaaday Marib oo ah gobolka Bariga dalka Yemen ku yaal halkaasoo ay ku dhinteen 45 askari oo ka mid ah ciidamada Imaaraadka Carabta,waxana uu ahaa qasaarihii ugu badnaa ee soo gaara ciidamada Imaaraadka Carabta tan iyo sanadkii 1971.

Meydadka ciidamadan ayaa waxaa la geeyay Sabtidii dalkooda iyadoo dowladana ay ku dho waaqday saddex maalmood oo baroordiiq ah. Duqeynta ay Jimcihii Xuutiyiinta ku qaadeen ciida mada isbahaysiga ayaa waxaa ka dhashay qaraxyo waaweyn iyadoo sidoo kale ay ku dhinteen tob-an askarioo Sacudiyaan ah iyo shan u dhalatay dalka Bahrain.

Xukuumada Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in aysan niyad jab ka qaadi doonin qasaara ha soo gaaray ciidamadeeda ayna sii wadi doonto taageerada ay siiso dowlada uu madaxda ka yahay Abd Rabuu Mansour Hadi.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa taleefan ugaga tacsiyeyay madaxweynaha Imaaraadka Mohammed bin Zayed.

Ururka Shiicada ah ee Xuutiyiinta ayaa ku tilmaamay weerarka ay ku qaadeen saldhigga ciidamada huwanta uu ahaa mid loogu aargudayay lixdii bilood ee ay duqeynta ku hayeen deegaan ada ay maamulaan Xuutiyinta.

Inkabadan 4,500 oo ruux ayaa ku dhimatay dalka Yemen tan iyo markii dagaalada sokeeye ay ka bilowdeen, dadka ayaa waxaa ka mid ahaa boqolaal carruur ah sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

KUMANAAN QAXOOTI AH OO KU SOO JABAY DALKA JARMALKA ..

Ka dib markii Dowladda Jarmalka ay ballanqaaday inay magangelyo siinayso qaxootiga reer Suuriya, ayaa waxaa xalay Magaalada Munich soo gaaray dhowr kun oo qaxootiga Suuriyan ah.

Dadkan, ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay boosteejo/astaan tareenada laga raaco, xilli ay ku jireen carruur yar yar, oo qaarkood bilooyin uun dhalnaa.

Masuuliyiin ay ka mid tahay Wasiirka Arrimaha Bulshada Gobolka Bavaria, Emilia Mueller, ayaa dadkaasi ku soo dhaweeyay boosteejada, xilli laga dheehan karay daal ba’an.

Qaxootigan, ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay ku xayirnaayen xuduuda dalka Hungary, ka gadaal markii Xukuumadda Budapest ay diiday dadkaasi inay ka tallaaban xuduudeeda.

Jarmalka iyo Austria, ayaa Dowladda Hungary ugu yeeray inay dadkaasi oodda ka qaaddo, maadaama sida ay sheegeen inay diyaar u yihiin qaabilaadda dadkaasi.

Emilia Mueller oo habeen hore Warbaahinta kula hadashay Magaalada Munich, ayaa waxay sheegtay in jewigu uu yahay sidii ay Xukuumadda Berlin rajeynaysay.

Haweeneyda Ra’iisal Wasaaraha ka ah Jarmalka, Angela Merkel, ayaa Axada waxay la kulmi doontaa Siyaasiyiinta Xisbiyada ay wadaaga yihiin, si arrinta qaxootiga ay u wada gorfeeyan.

Dhowr kun oo qaxooti dheeraad ah, ayaa shalay la fillayaa inay soo gaaraan Magaalada Munich. Qaxootiga reer Suuriya ayaa mahdinaya taageerada ay ka helayn Jarmalka.

AL-SHABAAB OO DIB U QABSADAY DEEGAANKA BUQ-AQABLE,

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay dib ula wareegay deegaanka Buq-Aqable, halkaasoo bishii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen.

Qabsashada Al-Shabaab ee deegaankaas ayaa ka dambeysay markii ciidamadii Itoobiya ay isaga baxe-en shalay aroortii.

Goob joogayaal ku sugan Buq-Aqable ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Itoobiya ay si lama filaan ah uga baxeen fariisin ay deegaanka ku lahaayeen.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Itoobiya ay ka baxeen dee gaanka Buq Aqable, balse ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin deegaano u dhow.

Deegaanka Buq-Aqable ayaa dhacda galbeedka Gobolka Hiiraan, waxay ka mid aheyd deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen. Ciidamada qaar ee ka socda Itoobiya ayaa la sheegay in aanay ka tirsan howl galka AMISOM, sidaas darteed ay ugu wacan tahay in meelaha ay qabsadaan ay hadana dib uga baxaan, taasoo loo arko inay caqabad ku tahay howl galka u socdo.

Ma ahan markii u horeysay ee Al-Shabaab la wareegaan deegaan ay isaga baxaan Ciidam ada AMISOM, todobaadyo ka hor ayay aheyd markii ay la wareegeen deegaanka Halgan, balse mar kale ay dib deegaanka ugu soo laabteen ciidamada Itoobiya.

MADAXWEYNAHA OO SHALAY 300 OO ASKARI TABABAR KAGA FURAY MAGAALADA MUQDISHO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay tababar u furay in ka badan 300 askari oo ka mid noqonaya Ciidanka Booliska Somaliyeed, kaasi oo lagu qabtay Dugsiga Tababarka Booliska Ee Jenaral Kaahiye.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdirisaaq Cumar Maxa med, Wasiirudowlaha Amniga Mudane Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar, saraakiil ka tirsan ciidanka booliska iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo tababarka hadal ka jeediyay, ayaa tilmaamay in qorshaha talisku uu yahay dib u dhiska ciidanka booliska iyo tababaridooda, si ay u xoojiyaan howlaha ay ugu adeegayaan bulshada.

"Waxaa hoolkan shalay ku kulansan dhibow muddo afar bil ah ku soo jiray tababar, waxaana shalay loo furayaa tababarkooda rasmiga ah oo socon doono muddo sagaal bil, waxaa kaloo halkan ku sugan arday ka soo baxday dugsiyada sare oo aan u qaaday in aan barno qibradaha tara-afi kada, ilaalinta canshuuraha iyo baarista dambiyada, waxaa kaloo halkan ku sugan labo leyli sargaal oo la diyaarinayo, anagoo la kaashan doono wadamada gacan ka geysan kara, maadaama dugsi gan uusan gaarsiisneyn heerka leyli sargaal.” Ayuu yiri Sareeye Gaas.

Madaxweynaha oo furay tababarka, ayaa ugu horayn ku booriyay ciidamada inay ka faa’iidey staan tababarka la siinayo, oo ay noqdaan kuwa ugu adeega bulsahda waxyaabaha ay tababarka ku qaateen.

"Dhalinyarada tababarkan u soconayo waa inay ogaadaan fahamka saxda ah ee booliska, kan hurda ee jiifa iyo kan iskuulka u dheel manaya iyo kan kale ee soo jeedaya, intabada adiga dart aada ayay ku joogaan, oo ay ku hurdayaan howsha aad bulshada u haysaan.” Ayuu yiri Madaxwe yne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha waxa uu sidoo kale kula dar daarmay inay ilaaliyaan sharciga oo ay ogaad aan inaysan jirin cid sharciga ka weyn.

"Booliska waxaa laga rabaa inay ku adkeystaan oo aysan ka baqin qofka qawaaniinta jabiya, ha ahaado sargaal dowladeed, Xildhibaan ha ahaado, xafiiska Prime minester-ka haka tirsanado ama Madaxweynaha, inta aad aaminsantahay in qofkan uu u gefay qaanuunka lala tiigsado shar-ciga, adiga oo aan ku xadgudbeyn hay’adaha kale ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

XILDHIBAANADA DIFAACAYSA MADAXWEYNAHA OO DIIDAY IN WADA HADAL LAGU DHAMEEYO MOOSHINKA MADAXWEYNAHA

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee difaacaysa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka biyo diiday baaqii ahaa in laga wada hadlo labada Mooshin ee iska soo ho-rje eda.

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Jimcihii soo saaray warqad, taasoo uu ku soo jeediyay in laga wada hadlo Mooshinada iska soo horjeeda. Mooshinadan ayaa mid ah mid lagu diidan yahay Madaxweynaha, halka midka kalana lagu difaacayo in Xafiiska Shaqada uu sii jooggo.

Jawaari, ayaa warqadda uu soo saaray waxa uu ciwaan kaga dhigay Maaraynta Mooshinada ku saabsan tuhumada gabood falka ee ka dhanka ah Madaxweynaha, isla markaana ay arrintan wada hadalo ka yeeshaan Golaha Wasiirada & Xildhibaanada Baarlamaanka.

Xildhibaanada difaacaysa Madaxweynaha, ayaa si weyn kaga horyimid in wada hadalada lagu furo hal ku dhigga warqadda uu Jawaari soo saaray, waxay kaloo sheegeen Guddoonka Sare Baarlamaanka, inay ka suggayen inay cadeeyan inaanay waxba ka jirin eedeymaha loo soo jeedi yay Madaxweynaha, ee aynaan ka sugayn in wada hadalo lala furo Xildhibaanada.

Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye oo xubin ah Xildhibaanada difaacaysa Madaxw eynaha, ayaa wax aan sharci ahayn ku sheegtay hal ku dhigga warqadda Jawaari, isla markaana aysan ku imaan sifo sharci ah, sida ay tiri.

Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa carabka ku adkeysay Guddoonka Baarlamaanka inay ka suggayen inay cadeeyan inaanay waxba ka jirin eedeymaha loo soo jeediyay Madaxweynaha, laa kiin aysan ka sugaynin in arrinta wada hadal lagu dhammeeyo.

Xildhibaan Mustaf Maxamed C/laahi oo ka barbar hadlaayay Marwo Khadiija, ayaa Guddo onka Baarlamaanka kaga digay inuu iska horkeeno Xildhibaanada, wuxuuna ku baaqay in Guddo onku uu ka laabto warqadda uu soo saaray Jimcihii.

AL-SHABAAB OO SHEEGAY IN DAAWOOYINKA CUDURKA AIDS-KA AY UGU TAG-GEEN DEGMADA KUNTUWAAREY

Ururka Al Shabaab oo Jimcihii la wareegay gacan ku haynta Degmada Kuntuwaarey Ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay Degmadaasi inay ugu taggeen anshax xumo ay ka wad een Ciidanka Amisom.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ee Ururka Al Shabaab, Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, oo la hadlay Idaacada Alfurqaan oo afka Shabaab ku hadasha, ayaa Xoogaga Nabad Ilaal inta ku eedeeyay anshax xumo tii ugu weyneyd, sida uu yiri.

"Xagga Xerooyinka waxaa ka muuqday anshax xumo tii ugu weyneyd, waxyaabaha anshax xumada ee buugaagta ah ee meesha daadsanayd. Waxaa kaloo xusid mudan xashiis iyo qamri meelaha daadsanaa, si gaar iyo waxyaabaha qurunka ah ay isticmaalan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha, ayaa qeexay in dawooyinka loo qaato cudurka HIV-/Aids, ay halkaasi ku ark ayn, waxaad is lee dahayba buu yiri waa dadkii cudurada xun xun qabay oo Somaliya loo soo dhoofiyay.

"Waxaa xusid mudan in dawooyinka Aids-ka loo cuno qaarkood meesha ay kaga taggeen, waxaad is leedahayba waaba dadkii cudurada xun xun qabay oo Soomaaliya loo soo dhoofiyay ina yba yihiin. Dawooyin, wasaq, qashin, daroogo iyo waxyaabaha anshax xumada oo tiro badan, ayaa Mujaahidiinta meesha ay ku arkayn, wayna gubeen.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla.

Abuu Cabdalla, ayaa sidoo kale Ciidanka Amisom ku eedeeyay inay kufsi kula kaceen hawe en danyar ah, kuwaa oo ay daruuftu u saamixi weyday inay isaga guuraan Kuntuwaarey, sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlaayay xaaladda Degmadaasi Kuntuwaarey, ayuu tilmaamay inay dadku bilaa ben dib inay ugu soo guryo noqdaan, noloshana ay tahay mid ka soo raynaysa Xigasho Dhacdo.com.

RA'IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA "135 ODAY AYAAN KA GUDBAYNAA, MANA DHACEYSO DOORASHO QOF IYO COD"

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa sheegay inay doonayaan ka gudubka marxaladii Odayaasha 135 ay ku soo xuleen Xildhiba anada hada shaqeeya, si loo gaaro marxalad cusub oo lagu hanto doorasho dalka ka dhacda. Wasi irka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay qorshaha hada socda inuu yahay mid salka ku haayo wadatashi dhexmara Dowladda Dhexe ee dalka iyo Maamul Goboleedyada, iyadoo aysan meesha ka marneyn qaybaha Bulshada, waxaana laga tashanayaa sida ay noqon doonto doorashada dalka ka dhaceysa. Cumar C/rashiid wuxuu sheegay fekerka isbedelka ku keenaya doorashada inuu ka imaan doono, wadatashiga dhex mari doona Dowladda Dhexe iyo Maamul Go boleedyada dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay inaysan suuragal aheyn dalka inay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse muhiim ay tahay inay doorasho dhacdo, laakiin nooca doorashada aanan laga hordhici karin.

"In la sameeyo wadatashi habka looga baxaayo doorashada haddii ay noqoto iyo haddii wax kale ay noqoto ee 2016-ka wadatashigaasi Guddi ayaa loo xil saaraya oo daadaheeya, wadat-ashi ga wuxuu ka dhacaya Dowlad Goboleedyada Magaalo madaxyadooda, waxaana lagu soo guna anadayaa Magaalada Muqdisho, waxaan rajeynayaa dadka oo dhan inay tallo ku yeeshaan waxaan ka dhaqaaqeynaa 135 Oday, welina ma aynaan gaarin doorasho qof iyo cod.” Ayuu yiri Ra’iisul Was aare Sharmaake oo la hadlay Idaacada Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxa kale uu sheegay ciidamada Dowladda inay guulo bad an ka gaareen dagaalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab oo wuxuu sheegay ciidamada inay qabsadeen Magaalooyin ay ka mid tahay Diinsoor iyo Baardheere.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday dalka inaysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod, laakiin laga tashanaayo doorashada dhaceysa mida ay noqonayso.

KENYA OO SHACABKA KU AMARTAY INAY KA GUURAAN DEEGAANKA BONI

Dowladda Kenya, ayaa ku amartay dadka shacabka ah ee degan dhulka Keymaha ee Boni inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga guuraan, deegaankaasi waxaana sababta ay ku sheegtay Dow ladda Kenya inay tahay arimo ammaan awgeed. Dhulkaan Keymaha ah ee Boni, waxaa la aaminsan yahay ugu yaraan 300 ciidan kana tirsan Ururka Al Shabaab inay fariisimo ka sameysteen si ay u qaadaan weerarada ka dhanka ah Dowladda Kenya Laamaha ammaanka Kenya, ayaa sheegay si loola dagaalamo Shabaabka deeganadan fariisimada ku leh inay muhiim tahay dadka shacabka ah ee halkaasi degan inay ka guuraan si aysan waxyeelo uga soo gaarin dagaalada lala galaayo Shab-aab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya oo lagu magacaabo Joseph Boinnet ayaa u sheegay da dka deegaanka inay hubka ay heystaan sharci ama sharci darro ay soo wareejiyaan sida ugu dha qsiyaha badan uga baxaan deegaankaasi si ay ciidamada howlgal ka dhan ah Al-shabaab uga fuli-yaan.

Deegaanka Boni, waxaa degan dad badan oo Xoolo dhaqato ah oo Xoolahooda ay daaqaan, hadalkaan kasoo baxay Dowladda Kenya waxa uu saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelanayaa Bulshada deegaanka.

Xoogaga Shabaab ayaa weeraro ka dhan ah dalka Kenya ka abaabula deeganada howdka ah ee ay ku dhuumaleystaan, xilli Dowladda Kenya ay qaati ka taagan tahay dagaalka Shabaab.

GUULEED "HADDII AAN DURUUFTA NAGU QASBIN XOOG INAAN U ADEEGSANO AHLUSUNA MA RABNO"

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in aanay marn aba la aqbali doonin ciidan ka madax banaan ciidamada sharciga ah ee dowladda ka tirsan ee ku sugan Gobollada Dhexe. Madaxweyne Guuleed oo wareysi siinayay Idaacada VOA ayaa sheegay in mar walba ay diyaar u yihiin wada hadal iyo wada xaajood uu la galo Maamulka Ahlusuna Wal-jameeca.

"Anaga iyo Culimadda Ahlusuna ee jooga Dhuusa Mareeb iyo deegaanada kale xiriir ayaa inoo socda, waxaa ku qancineynaa inay ka mid noqdaan Maamulka, wax kasta oo suura gal diyaar ayaa ula nahay”ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.

Waxaa uu sheegay in haddii wada hadalada ay guuldareystaan aanay ogolaan doonin ciidan madax banaan oo Gobolka jooga oo aan maamulkiisa ka tirsaneyn.

"Haddii aanay duruufta nagu qasbin xoog inaan adeegsano ma rabno, wixii khilaaf iyo ra’yi kala duwanaan jira wada hadal iyo wada xaajood ayaa ku xalineynaa, waana rajeyneynaa in walaalaha Ahlusuna ay baaqyada aan jeedineyno inay qaataan”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Culumaa’udiinka Ahlusuna ee horay ula wareegay degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ayaa horay uga soo horjeestay Maamulka lagu dhisay Cadaado, iyagoo dhowaan qaadacay Golihii wasiirada ee uu magacaabay Madaxweynaha Galmudug iyo heshiiskii ay la galeen garab ka mid ah Ahlusuna.

MAAMULKA JUBBALAND OO SHEEGAY INUU DHOWAAN WEERAR KU YIHIIN BU'AALE

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inuu dhowaan bilaaban doono wajiga labaad ee howl galka ka dha-nka ah Al-Shabaab, gaar ahaan Gobolka Jubadda Dhexe oo ah gobolka kaliya ee Al-Shabaab si buuxda gacanta ugu hayaan. Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland C/llaahi Sheekh Isma-aciil Fartaag ayaa sheegay in marka la caleema saaro kadib Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay qaadi doonaan howl gallo ballaaran.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inuu dhowaan bilaaban doono wajiga labaad ee howl gal ka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan Gobolka Jubadda Dhexe oo ah gobo-lka kaliya ee Al-Shabaab si buuxda gacanta ugu hayaan.

Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in marka la caleema saaro kadib Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay qaadi doonaan howl gallo ballaaran.

"Waxaa sugtaan waa marka la caleema saaro Madaxweynaha Jubbaland, waxaa bilaaban doona howl galkii Jubadda Dhexe oo dhan looga sifeynayay Cadawga”ayuu yiri C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamadii howl galka ka qeyb qaadan lahaa ay diyaarsan yihiin, isla markaana aan howl galka istaagi doonin, waxaana uu tilmaamay in qorshaha koowaad yahay in la qabto degmada Bu’aale oo ah Caasimada Maamulka Jubbaland.

Ciidamada Maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa guluf dagaal ka wada Jubadda Hoose iyo Gedo, si ay ugu duulaan deegaanada Jubadda Dhexe oo ay Al-Shabaab guud ahaantiisa maamulaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ay ka qeyb qaadan doon aan weerarka ku wajahan Bu’aale.

.

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN

{SHEEKO TAXANE AH}.

Q/57-aad

Ogowna macaanto iney jirto murti oraneysa {laba waxyaabood oo naarta lagu galo ayaa jirto

1-inaad miyuusiga iyo heesaha aad isa siisid iyo 2-inaad naagaha u Ooysid} Iyo mid kale oo Orane ysa {Naagaha indhah ooda wey xeelad badan yihiin marka muujadooda qayaanada ku soo qaabishana yeelo xeelad aad isku badbaadiso}

{Naag haddii lagaaga sheekeeyo ,waxba haka sheegin},Xul-Beella Abbaayo Macaan waxaan hubaa inaad ii soo bandhigi doontid hadallo aan ku qanco fikrad aan kashadana aad soo saari doontid waxaana ahay macaanto wiil mar walbaaba ku faraxsan la noolaanshahaada jecelna sheekadaada kaftankaada,fara ka ciyaarkaada,aanan marnaba ka daaleyn.

Macaanto waxaa I deeqay jirkaada dhisan ee haddana isku dheelli tiran,gacaliso qurux alle wuu kuugu deeqaye yaad anfac ugu gashaa Xul-Beella Abbaayo Macaanto, waxaan jeclahay huunno inaan kaa…………. ogoowna habeen iyo maalininaad qalbigeygaaad dhex hurddo

Macaanto Xul-Beella,waxaan jeclahay inaad gacanta midigta aan kuugu keeno mac-macaan la cuno gacanta bidixdana aan kuugu dhiiboubax qurux badan oo hadiyad ah , indhaha beni;aadamkana u soo jiito sawirro iyo Dhan-Baallo kale oo muhiim ah,mar walbaa aan kulanno aan kuu sheegoaqbaar farxad leh . Midda kale waxaan jeclahay gacaliso inaan laabta laabta kuu saaro qalbigaadana ku nasto ilaahna inaga dhigo lammaan ayaal uu qalbigoodu isku xiran yahay sida laba ubax oo lammaane ah axdigii ay wada dhigteena alle uu la garab galo , doo qeyguna waa abuuridda qurxinta iyo waraabinta ubaxa jardiinooyinka aqalkeenna ka baxa maka aan hurdada ka soo toosana dhaayahaygu ayaa ku raaxeysta……

Marka aan hurdada ka soo toosana dhaayaheygaayaa ku raaxeysta,midda kale C/qaadir Abboowe Macaane dabeecaddaadu waxaa ay tahay haddiiba aanu wada kulanno in aad inaad ………. marka aan ku casuumayana waxaan miiske yga ku diyaardoonaa cuntada faakihada loo yaqaanno ee noocyadeeda kala ah = Quraarad Malab ah nooca xabag bariishiga ama gowlaalka loo yaqaano iyo qaadadeeda,dhowr xabbo oo Tufaax ah,Rumaan,Seytuun, TimirCanab,Buskud,Garaasiini,SanbuusXalwo,XanjoLows,Kshaato,Daango, Xabxab, Doolshe, kabaab iyo cabbitaanno kala nooc ah sida:-Faanto,Cocacolla,Sprte, Casiirlimooni.

Midd ka Galiye dhallinyaradu waxaa ay isku qaldaan dooqa,ka helidda waxaana waxaa kale oo ay isku qalddaan Damaca iyo Jaceylka aniguse fikir ahaan waxaan qabaa iney kala duwan yihiin dooqa iyo ka helidda ,

Haddaba ka helitaanka waa wax iska caadi ah sida adigoo ka hela ruuxa dabeecaddiisa,sheekadiisa,quruxdiisa iyo socodkiisa hannaanka ama qaab dhismeedka jirkiisaisku dheelli tiran.

dooquse waa wax ku saleysan ama saldhig u ah guurka waayoo qofku wuxuusan dooqiisaka helin ama uusan xulankana baaraan degin kuma dhiirran karoinuu nolosha la qeybsado balse dhallinyarada badankood xulashadooda kama fiiriyaan meelo badan ee nolosha ayey si fudud ku wadaagaan iyagoo aan ka fiirsan sahan badanna sameyn,

Midda kale Gacaliye C/qaadir nolosha dhabta ah bilowgeedii waafiraashka {gogosha}

haddii aad gogosha igu qanciso waa sidii la rabay haddii kalena noloshu dhadhan ma laha.

waxa badan waxaan maqli jiray sheekooyinka laga soo tebiyo aroosyadaiyo laba walbo oo nolosha guri qura ku wadaagay,qaar ayaa noloshooda waxaa ay aheyd mid aan la qaadan karin labada shaqsina mid baan qanacsaneyn oo aan ku samirsaneyn la noolaanshahaqofka kale ee dhiddigga ah dhiggiisa ah , waa jirtaa marka hore inaadan aqoon badan aadan u laheyn amba aad ka xishooneysidin maaddadaas cashar buuxa laga siiyo, walaaloow waddamada qaarkood waliba kuwa sheegta horumarka inay siiyaan wiilashooda iyo gabdhahoodacasharro buugaag ku qoran iyo koorsooyin ah al punno la daawado bilaa macallinlammaanaha is guursanayana tababbar ku saabsan arrimaha xiriirka gogosha iyo sida lo guto caafimaad kooda wacyi gelin guudiyo cuntooyin caawiya ruuxa awoodiisa soona jiita lammaanihiisa kale.

Gacaliye C/qaadir Abboowe Macaane waxaa jira Oraah Soomaliyed oo Dhaheysa{afar waxyaabood weji macbuus ayey kaa dhigaan:-

1-bentaada badan

2-kibir badan

3-su;aasha badaniyo

4-biyaha wasaqda ah oo la fariisto}

Midda kale Gacaliye C/qaadir Abboowe Macaane Addu unyada waxaa ugu macaan habeenka ugu horeeya ee Aqal galka seey iyo afadiis macaanka adduunka oo la sheeko waa midkaas mid kale oo la sheego ma jiro…..

La soco isninta danbe hadduu alle idmo

 

W/Q C/QAADIR C/LLE NUUR {QALBI DAHAB}

Tel:-0618455506

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip