Musharraxii Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID oo maanta isku-casilay Khilaaf Awgiis

0
Monday November 23, 2015 - 19:18:38 in Wararka by
  • Visits: 602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharraxii Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID oo maanta isku-casilay Khilaaf Awgiis

    Musharaxa jagada madaxweyne xigeenka ee Xisbiga UCID, C/rashiid Xasan Mataan,ayaa maanta shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu hayey xisbiga mucaaradka ah ee UCID iyo xubinimadii xisbigaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxa jagada madaxweyne xigeenka ee Xisbiga UCID, C/rashiid Xasan Mataan,ayaa maanta shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu hayey xisbiga mucaaradka ah ee UCID iyo xubinimadii xisbigaasi.

Musharaxa madaxweyne ku xigeenka UCID, C/rashiid Mataan ayaa gudoomiha xisbigooda Faysal Cali Waraabe ku eedeeyey inuu burburinayo xisbiga, isla markaana uu noqdayn aalad loo adeegsado burburka xisbiga, sidaas darteed isku dayo badan oo uu sameeyey in xal loo helo khilaafka jira ay socon waayeen.

Gudoomiyaha xisbiga wuxuu ku eedeeyey inuu xisbigu u af-duuban yahay, isla markaana kala aragti noqdeen musharaxa madaxweyne ee xisbiga Jamaal Cali Xuseen.

"Markaan arkay in Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigu ka gaabiyay ka qaybqaadashada Hawlaha Xisbiga, Kuna kala aragti Duwanaaday Jamaal, Waxaan si rasmi ah isaga casilay xilkii murashax ku xigeen iyo Xubinnimadii Xisbigaba,” ayuu yidhi C/rashiid Mataan oo ka hadlayey sababta uu uu isku casilay.

"Waxaan in badan isku dayay inaan xalliyo khilaafka ka dhex-jira xisbiga si aanu xisbigu u burburin, waxaaanay taariikhda xumi ku qormaysa Faysal Cali Waraabe oo noqday dadka loo adeegsanayo burburka xisbiga, Faysal Cali Waraabe laba jeer buu ku tartamay oo uu ku guul-darreystay doorashadii, waxaana annagu heshiish la galnay inaanu abuurno UCID cusub, waxaanay ahayd inuu heshiishkaasi fuliyo oo uu daacad ku shaqeeyo, wuxuuse door biday taariikh madow iyo khiyaano, waxaanu xisbiga UCID noqonayaa kii labaad ee bur-bura,” ayuu hadalkiisa raaciyey

C/rashiid Mataan ayaa sheegay inaanu siyaasada halkaasi kaga hadheen balse siyaabo kale oo badan uu ugu shaqayn doono shacabkiisa iyo taageerayaashiisa, waxaanu aad ugu nuux nuuxsaday inuu xisbiga tacab badan galiyey, laakiin khilaaf in badan soo jiitamayay oo ka dhexeeya Faysal iyo Jamaal uu ragaadiyey horumarkii xisbiga gaadhi lahaa.

Si kastaba ahaadee, masuulkan is-casilay ayaa weji gabax siyaasadeed ku noqonaya xisbiga ucid, iyadoo horaba loo sheegay in khilaaf huursan oo muddo dheer soo jiitamayey ka dhex jira xisbiga dhexdiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip