XIKMADO XIRIIRKA KU SAABSAN.!! WD: Roodo Cabdullaahi

0
Monday November 23, 2015 - 11:29:27 in Maqaallo by
  • Visits: 1357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XIKMADO XIRIIRKA KU SAABSAN.!! WD: Roodo Cabdullaahi

    1. Laba Mabda' oo waaweyn ayaa saldhig u ah Xiriirka fiican, Marka Koowaad, ku faraxsanow waxyaabahaad isaga midka tihiin, marka labaadna xushmee waxyaabahaad ku kala duwan tihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1. Laba Mabda' oo waaweyn ayaa saldhig u ah Xiriirka fiican, Marka Koowaad, ku faraxsanow waxyaabahaad isaga midka tihiin, marka labaadna xushmee waxyaabahaad ku kala duwan tihiin.

2. Inaad xiriir fiican qof la sameyso waa shaqo joogta ah. Ha isku dayin inaad shaqadaa doonato haddii aadan diyaar u ahayn.

Darasad

3. Xiriirka wanaagsani waa marki qofka aqbalo wixi aad soo martay. Kugu taageero waxa aad hadda tahay. Kuguna dhiirigeliyo mustaqbalkaaga. Waxa ugu xun xiriir marki qofka ku xusuusiyo xilli kasta wixi aad soo martay noloshaadi hore.

4. Inaan Xiriirka lagu murmin waxay ka dhigan tahay inuusan Xiiso jirin. Dadka aadka isu daneeyaa way murmaan marmar.

5. Xiriirada waayadan dambe: Hal Nin, Hal gabar, Hal qof midkood horay u kala hareen oo isku dayaya inuu ka kala daadiyo iyo Hal Saaxiib oo si Sir ah u raba inay dhamaato.

6. Marnaba qof xiriir hore idinka dhaxeeyay ha daba gelin, sirtooda hana faafin si kastoo aad u kala dheeraataan. Ogow wuxuu qofkaasi ku aaminay xilli aad isu dhoweydeen.

7. Xiriirku waa sidi Guri oo kale. Goortii dhalada nalka gubato intaa baxdo ma soo iibsatid guri cusub, ee waxaad hagaajisaa guluubka nalka.

8. Xiriirka wanaagsani ma aha wax iska dhaca oo iska yimaada. Wuxuu qaataa waqti, dulqaad iyo laba qof oo waayaha adag wadajir uga wada gudba.

9. Si kastoo aad u murmeysaan lamaanahaaga. Marnaba kor ha u wada qeylinina ilaa aan ka ahayn mar Guriga dab qabsaday!.

10. Haddii uu oohin kaa keeno xiriir qof idinka dhexeeyo maalin kasta, Fariiso, Neefso ka dibna weydii naftaada: Ma bini’aadan baan qabaa mise Basal?.

Mahadsanid By ‪#‎Roodo‬ ‪#‎Abdullahi‬

Xigasho:-somaliweyn.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip