Mashruucyo Muqdisho wax looga qabanaayo oo shalay laga hadlay {Injineerro iyo masuuliyiinta howlaha guud iyo gobolka banaadir oo ka qeyb galeen}

0
Monday November 23, 2015 - 11:10:19 in Wararka by
  • Visits: 865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashruucyo Muqdisho wax looga qabanaayo oo shalay laga hadlay {Injineerro iyo masuuliyiinta howlaha guud iyo gobolka banaadir oo ka qeyb galeen}

    Eng. Saalax Sheekh Cismaan, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, Dib u dhiska iyo Guriyaynta Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Jimcaale (Madaale) iyo injineerro soomaaliyeed ayaa shalay shir ka yeeshay si wax looga qabto dhibaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eng. Saalax Sheekh Cismaan, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, Dib u dhiska iyo Guriyaynta Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Jimcaale (Madaale) iyo injineerro soomaaliyeed ayaa shalay shir ka yeeshay si wax looga qabto dhibaatada ay roobashu sababeen ee magaalada Muqdisho.

Injineerada ayaa laga dhagaystay talooyinka ugu fiican ee wax looga qabankaro marinnada biyaha ee aan shaqayn 25-kii sano ee la soo dhaafay.

Injineerada ayaa talo soo jeediintooda u kala qaaday sadex marxaladood oo wax looga qaban karo biyo fariisinada magaalada muqdisho:

Wajiga 1aad Xaaladaha deg dega ah


Wajiga 2aad xaalaladda dhaw iyo
Wajiga 3aad Mustaqbalka fog.

Gudoomiyaha G.Banaadir Sheekh Yuusuf Jimcaale ayaa injineerada ku booriyay in ay keenaan wajiga 1aad qorshe faahfaahsan oo wax looga qabanayo xaaladaha deg dega ah ee biyo fadhiisinada ugu daran magaalada, waxaana uu balanqaaday Gudoomiye Madaale in wixii uu Gobolku awoodo aanu waxba ka hagran doonin.

Eng. Saalax Sheekh Cismaan Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud oo shirka soo xiray ayaa dhankiisa balanqaaday in wixii Wasaaradda kaga aadan wax ka qabashada Bulaacadaha Caasimada ay kala shaqaynayso maamulka Gobolka iyo injineerada wasaaradda ay u taahan tahay in ay wax ka qabato bilicda dalka soomaaliya .

Wasiirka iyo Gudoomiyaha Gobolka oo shirgaara wada qaatay ayaa hoosta ka xariiqay in la sii xoojiyo wada shaqaynta Wasaaradda Hawlaha guud iyo Gobolka Banaadir, iyagoona isku afgartay inay iska kaashadaan howlaha noocaan oo kale ah.

Eng. Saalax Sheekh Cismaan, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, Dib u dhiska iyo Guriyaynta Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Jimcaale (Madaale) iyo injineerro soomaaliyeed ayaa shalay shir ka yeeshay si wax looga qabto dhibaatada ay roobashu sababeen ee magaalada Muqdisho.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip