MAQAAL: SOOMAALIYA: QATAR MISE?

0
Friday June 09, 2017 - 19:49:36 in Maqaallo by
  • Visits: 947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAQAAL: SOOMAALIYA: QATAR MISE?

    Soomaaliya waxay walaac ka muujisay khilaafka dowladaha Khaliijka, haddana ma ayan ka jarin xiriirkii dawladda Qatar sida: dawladaha Sacudi Carabiya, Imaraadka Carabta, Masar, Baxrayn, Yemen, Liibya, Meldevis iyo Mouritaniya, iyadoo Jabtuuti ay tiri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya waxay walaac ka muujisay khilaafka dowladaha Khaliijka, haddana ma ayan ka jarin xiriirkii dawladda Qatar sida: dawladaha Sacudi Carabiya, Imaraadka Carabta, Masar, Baxrayn, Yemen, Liibya, Meldevis iyo Mouritaniya, iyadoo Jabtuuti ay tiri waxaan hoos u dhigay xiriirkii Qatar (Iyadoo aan jarin xiriirkii Qatar bay xeeleysatay), Senegaalna ay u yeeratay safiirkeedii fadhiyay Dooxa.

Haddaba Soomaaliya iyadoo mowqif fiican istaagtay oo ah in dhinacyada is-hayaa ay khilaafkooda ku dhameeyaan wadahadal maxay tahay tallaabada kalee la gudboon haddii intaas lagu dayn waayo ee uu khalkhal galo xiriirka ay la leedahay JEEB-WEYNTA oo ah iney dhan uun raacdo?

Qormadii: Cabdulqaadir Mursal

Aragtida Dadweynaha: Qormadii Mursal Mohamed Osman

War heedhe guruubka uu Sucuudigu hogaamiyo way ka taallaa oo waxooda waa boor isku qaris, ma hayaan siyaasad cadd oo iyaga u gaar ah oo is-bahaysigooda lagu hogaamin karo cadeyna waxaa idiinku fillan, Sucuudiga waa boqortooyo, Boqortooyo haddii aad maqasho waa dik-teytar maro la huwiyey kuwa kalena waaba la ogahay oo rajiimyo ayaa hogaamiya.

Halka Qadar ay tahay dal ugu yaraan 40 sanno isu diyaarinayey siyaasadaha qarniyada soo socda sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen, isla markaana waa dal wixiisa sida loo iib-geeyo si fiican u bartey wixii ka dambeeyey 40-kaas sanno ee la soo dhaafey.

Qorshan ama dagaalkan soo if-baxayna wuxuu qayb ka yahay siyaasadaha mustaqbalka fog, kuwa dhex iyo kuwa xilligan la joogo dalalkanina, isma arkeynin balse kacdoonadii Carabta ayaa dhiigooda iyo dheecaankoodii dhintey soo nooleeyey, marka waxa lagu tartamayo waa awooda Gobolka iyo tan ra’yul caamka guud ee aduunka. Marka dad iyaga is ugaarsanaya ayaan qayb ka noqonayaa waa dhaqan aad iyo aad looga fiican yahay.

Waayo, labada dhinacba waxaa loo hayaa hogaanka ama dhinaca go’aan qaadashada. Midkooda haddii aad taageerto waxaad si toos ah ugu mid noqoneysaa guruubyada kala duwan ee ay ku kala jiraan oo dib dambe wax go’aan ah ma yeelan doontid waayo shaabad ayaa laguugu dhejiyey oo aan waligeed kaa hareynin ee ma jiro wax dhaama in dhex dhexaad laga ahaado.

Erayo aan xaley is-ticmaaley aan ku celiyaa haddii labadan dhinac mid kood la taageero, mustaqbalka waxaan dhex dabaal doonaa doontii ay naakhuudaha ka ahaayeen dowladaha deriska mudadii burburka Qaranka Soomaaliyeed oo kale. Dhinaca kale, Soomaaliya waxay xilligan u ooman tahay dhaqaallo la hello keliya ma ahan ee waxay u ooman tahay dhinaca nabad-gelyada oo laga saacido, arrintaasina waxaa balaqaadey Qadar in ay soo af-jareyso kooxdan Af-duubayaasha sii Af-duuban.

Annaguna dan weyn baa inoogu jirta iyo dowladaha deriska haddii dalkeenu uu yeesho saxillooni ammni. Sucuudigu xitaa haddii uu ogol yahay arrintaas haddana ma fahansana qaabka loo xalin karo, dhaqaallo sidaa u buurana inuu ku bixiyo ma rabo, marka sheekada waa inaan koox gaar ah la taageerin. Waayo, waxa la isku hayo cid ogg ma jirto xitaa haddii la ogaado qayb inta kale waligaa ogaanmeysid shaabadna way kugu dhaceysaa. Mahadsanidiin

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip