Garaadaha saraakiisha waxaa ugu fiican kuwii hore,dalkana khayaani maayaan: NASASHADA JIMCAHA-Q. 47aad.

0
Friday June 09, 2017 - 17:43:21 in Maqaallo by
  • Visits: 1135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garaadaha saraakiisha waxaa ugu fiican kuwii hore,dalkana khayaani maayaan: NASASHADA JIMCAHA-Q. 47aad.

    1-Axmadeey ayaa markii gabadhii lagu mehriyay ku yiri: Shiikhii ku mehriyay, Meeqaan ku siiyaa? Shiikhii ayaa asaga oo kaftamaya ku yiri: lacag u dhiganta gabadha quruxdeeda i sii. Axmed 10$ ayuu siiyay. Shiikhii oo lacagtu la yar tahay ayaa ku yiri:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Axmadeey ayaa markii gabadhii lagu mehriyay ku yiri: Shiikhii ku mehriyay, Meeqaan ku siiyaa? Shiikhii ayaa asaga oo kaftamaya ku yiri: lacag u dhiganta gabadha quruxdeeda i sii. Axmed 10$ ayuu siiyay. Shiikhii oo lacagtu la yar tahay ayaa ku yiri: bal i tusi Gabadha sawirkeeda ,si uu u weeydiisto Lacag badan. Lakin markuu arkay Gabdha sawirkeedii ayuu shiikhii u celiyay Axmed 5$. Isaga oo leh xaaraan waan iska Ilaaliyaa. Sababta maxaad u maleeynee? Fiiri sawirka 1aad.

( Hamigaaga iyo taageeradaada siyaasadeed, ka dhigo ,kadib markaad aragto, sawirka & qorshaha wax qabadka).


2-Ugaas ciise: oo Gabadhiisa la dardaarmaya ayaa ku yiri: Nimanka Foosha Xun Waa kuwa Ugu Fiican ragga Mana ku khayaanayaan Waxay Ogyihiin Dhibka Ay Usoo Mareen Helitaanka xaaskooda hadda ay isqabaan .fiiri sawirka 2aad.
( Garaadaha saraakiisha waxa ugu fiican kuwii hore,dalkana khayaani maayaan, waxa ay ogyihiin dhibka ay u soo mareen darajada ciidanka)
3- wiil ayaa ku yiri: Aabe waxaan rabaa in aan guursado gabar qurux badan oo aan Facebook ku bartay. Aabihi oo creeysan ayaa ku yiri: ma qof aadan weligaa arag! Wiilkii ayaa ku yiri: Aabe sow adiguba ima dhihin,berrigii hore gurigii gabar qaan gaar ihi joogto ,calam ayaa laga taagi jiray, hooyadaana sidaas ayaan ku bartay. Aabihii ayaa yiri: waa runtaa ,laakin anigu hoyaadaa ma arag ,waxaanse aqiin cidda guriga iska leh oo reer wanaagsan ahaa. willkii ayaa yiri: Aabe aniguba waan aqaan qooyskeeda oo sawiradooda oo dhan ayeey ii soo dirtay.fiiri sawirka 3aad.
(……………………………………………………………………………………………………)
4- Ugaas ciise ayaa weeydiiyay: Caasho maxaad la ooynee?. Waxa ay ku tiri: Wiil wanaagsan ayaan maanta wadada ku kulanay, wuu i eegay eegma naxasiis leh. Anna waan eegay mid naxariis leh sidoo kale. Wuu ii qoslay anna sidoo kale ayaan ugu qoslay. Hore ayaa u sii socday ,isna wuu isoo dabakacay, aniga oo ku faraxsan ayaan go’aansaday in aan numbarkeeyga siiyo, waxaan la soo baxay telefonkeeygii qaaliga ahaa.wuu iguu soo orday,telefonkii ayuuna iga dafay lana carary. Fiiri sawirka 4aad.
(………………………………………………………………………………………………………)
5- Nin Tuug ahaa ayaa Habiin soo shaqa tagay waxa uuna soo galay Guri laga soo jeedo oo aan wali laseexan markaas ayuu koray Saqafka sare ee Guriga ama Qaybta sare Waxaana Shekaysanayay Nin iyo Nagtiis oo Waayeelo ahaa Shekadii ayuu dhegaysanayay Nagtiis Ayaa leheed Labadaynuba wan Duqownay Caruur Waxan Ku dhalnay Halka Gabar marka sow ma aha in aan Ayada iyo Gurigan meel ku ogaano Ka hor inta aana dhiman Odaygii ayaa yiri, Wa Runtaa Masjidka ayan subaxdii aadaa Ninkii 3 Maalin Masjidka Jamecada aan ku arko safka Hore ayaana Gabadhayda siin doona Tugii oo shekada lasocday ayaa Degtay oo aaday masjidka Si Salaada Subax uu Odayga isku Tusiyo Seddex maalin markuu Safka hore uga muqday ayuu u wacay oouu ku yiri .Gabadhayda ayan rabaa in aan ku siiyee waliga sidan maad ahaan jirtay markaas ayuu ku hawaabay Haaa Adeer Salaada Iska Daaye Soonka Xitaa Maalinta Jimcaha ima dhaafo. Sidaa ayuu gabadhii ku waayay.
(Mid isu soo sharaxay In Uu ka mid naqdo Golaha Wasirada Cusub aya Cv soo Gudbiyay Ka dib ayaa la waydiiyay Meeqo shahaada Wadata markaaas ayu ku jawabay PHD, MA Dipoloma. Xitaaa dugsi Quranki 20 sanno ka hor ayaan shahaado BA ah ka qaatay……Halkaas ayuna xilkii ku waayay).
Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip