LOOLANKA DUNIDU MAANTA WAA OIL & GAS!

0
Thursday June 08, 2017 - 10:25:53 in Maqaallo by
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LOOLANKA DUNIDU MAANTA WAA OIL & GAS!

    Maqaalkani waxa uu sharaxayaa sababta qaybo badan oo ka mid ah Dagaalada ku saleysan dhaqaalaha Saliida Xiriirka Caalamiga iyo hindisaha xiriirka tamarta,si aan u ogaano sababaha dagaallo adag oo horey u dhacay in la joojin-waayo iyo dagaalada cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maqaalkani waxa uu sharaxayaa sababta qaybo badan oo ka mid ah Dagaalada ku saleysan dhaqaalaha Saliida Xiriirka Caalamiga iyo hindisaha xiriirka tamarta,si aan u ogaano sababaha dagaallo adag oo horey u dhacay in la joojin-waayo iyo dagaalada cusub ee ka qarxi-doona geeska Afrika.

Saudi Arabia iyo Iran, waa labada ciyaaryahan ee ugu weyn ee ka wakiilka ah dagaalladaasi lagu buburiyay wadamo badan oo ka mid ah gobolka Bariga Dhexe. Balse dagaaladaasi Riyaad iyo Tahran ka wakiilka yihiin ma aha oo kaliya mid ku saleysan diimeed dirir, inta badan warbaahinta caalamka waxeey iftiimiyaan, dagaaladaasi ka holcaya caalamul islaam in ay ku saleysan yihiin Oil iyo Gaas islamarkaana door weyn ka cayaaran dagaaladaasi caalamka islaam ka huraya Saudi Arabia Vs Iran, xitaa aanan laga fiirsan marka nolosha shacabka islaamka ah ay khatar ku jirto.

DAGAALKII SIIRIYA

Tusaale dagaalkii Siiriya khubarada qaar ayaa tilmaamay in badan oo ka mid ah ciyaartooyda muhiimka u ahaa dagaalkaasi Siiriya wadamada super powerka, muhiimada ay ka lahayen ayaa waxaa ka mid ahaa in ay wax ka wadaagaan dhuumaha gaaska ee bilyan dollarska kor u dhaafay marinka dhuumahaasi uu muhiimadiisu ahaa dagaalkii Siiriya.

Dowlada Qatar ayaa 2009kii la timid qorshe ay soo diyaarisay islamarkaana ku saabsanaa dhismaha dhuumaha Gaaska ee marinka Persian Golf ama marinka Faaris ka imaanaya lislamarkaana la dhex-marin lahaa Sacuudi Carabiya, Urdun, Suuriya ilaa Turkiga, halkaana looga iibgeen lahaa dowladaha qaarada Yurub Asia.

Dhuumahaan Gaaska ah ayaa ku yaal 3000 mitir dabaq hoostiis halka lagu magacaabo Gacanka Faaris waa beerta ugu weyn ee gaasta ee dunida. Dowlada Qatar ayaa iska leh saddex-meelood laba ka mid ah khayraadka Gaaska aduunka, laakiin ma ka faa’iidaysan karto si buuxda maxaa yeelay, dowlada Qatar waxa qasab ku ah suurto galinta dhuumo qaada gaaskaasi si ay u gaarsiiyaan dunida inteeda kale ee u baahida qaba gaaskaasi, taasina waxeey keeneysaa in gaaska qaaliga ahi ee Ruushka uu soo saaro islamarkaana u iibgeeyo qaarada Yurub in sicir barar ku yimaado.

Dowlada Qatar waxaa ay rajeynaysay dhuumaha Gaas ee siin lahaa dalka Jaban ilaa Yurub in dowlada Qatar ka suurto galiso Ardul Shaam,laakiin dalka Suuriya oo muhiimada ugu weyn shaxdaasi ahaa ayaa ka hor yimid. Madaxweynaha Suuriya Bashar al Assad ayaa ka hor yimid shaxdaasi islamarkaana diiday inay fasax bixiyaan oo dhuumahaasi ay tagaan sooh-dinihii loogu talagalay. Xeel dheerayaasha falanqeeya siyaasada ayaa waxay aaminsan yihiin dowlada Ruushka in cadaadis ku saartay madaxweynaha Suuriya in uu ka hor yimaado dhuumaha Gaaska si loo ilaaliyo labada wadan Ruushka iyo Suuriya ganacsiga iyo siyaasada u gaar ah.

Dhanka kale Dowlada Iran oo ku leh, qeeb yar gaaska Faaris, waxeey go’aansadeen in iyaguna isku dayaan qorshe gaar ah $ 10 bilyan oo dhuumo Gaas ah in Yurub ay gaarsiiso islamarkaana isticmaasho via Ciraaq iyo Suuriya, ka dibna hoos Badda Mediterranean-ka la marsiiyo.

Qorshayaashaasi Iran la timid wuxuu u ekaa mid macquul noqon karay in dowlada Ruushka aqbali laheyd, sabobtuna ay tahay in Qatar ay marti galiso saldhiga ugu weyn ciidanka cirka ee dowlada Mreykanka.

Dalka Turkiga oo ah isbaheysiga ugu weyn ee dowlada Qatar, ayaa dagaalkaasi Suuriya ka lahaa ujeedooyin ku saleysan mid siyaasadeed iyo mid dhaqaalle. Wajiga siyaasadeed oo ahaa taageerida mucaaradka dowlada Suuriya, oo dowlada Turkiga mar waliba ka qeylo-dhaamin jirtay taageerada Madaxweynaha Suuriya Assad uu siinayay kurdish ka soo hor jeeda dowlada Turkiga iyo mida dhaqaale oo ah in Turkiga ku yaal cirifka Asia iyo Yurub oo ah muhiimada dhuumaha Gaaska bariga dhexe halka ugu fiican islamarkaana fududayn karaya dhaqdhaqaaqa sahayda gaaska Bariga Dhexe larabo in loo iibgeeyo Asia iyo Yurub.

Dagaalka Yemen

Ciidamada cirka Boqortooyada Saudi Arabia ayaa si ku talo-gal ah u duqeeyay kaabayaasha rayidka ee dalka Yemen islamarkaana xadgudub cad oo sharciga islaamka ee bani’aadamnimada ka baxsan. Dadka rayidka ah oo ku jiraa xeryaha barakacayaasha ah iyo qaxootiga, oo ay ku jiraan aroosyada, baabuur rayid ah, oo ay ku jiraan basaska, meelaha la deggan yahay oo rayidka ah, xarumaha caafimaadka, dugsiyada, masaajidda, suuqyada, warshado iyo bakhaaro, kaydinta cuntada, iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah dadka rayidka ah, sida garoonka diyaaradaha ee Sanca, dekedda iyo wadooyinka gaadiidka gudaha. ”

Waxaa si weyn loo aqoonsaday in dagaalka Yemen ka jira uu ku saleysan yahay siyaasadaha mandaqadda Oil, iyo dhaqdhaqaaqa xarako diimeed ee Sunni iyo Shiica oo safaf ballaadhan looga dareemi karayo labada dhinac. Sucuudiga ayaa ka cabsi qaba Xuutiyiinta Yemen saamaynta sii kordhaysa ee Iran ku leedahay Yemen.


Iyadoo dowlada Iran firfircoonida ay ku leedahay Suuriya, Ciraaq, iyo Lubnaan ayaa u muuqato, dowlada Saudi Arabia ciidamada Xuuthiyiinta Yemen ee shiicada ah awood istiraatiijiyeesan ay dowlada Iran u isticmaaleys.

WQ Maxamed Ali Noor



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip