Wasiirka Maaliyada oo ka war bixiyey waxii u qabsoomay

0
Wednesday June 07, 2017 - 11:35:04 in Maqaallo by
  • Visits: 896
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyada oo ka war bixiyey waxii u qabsoomay

    MA 3 BIL OO KELIYA? Markii aan akhriyay warbixintan ee Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxaa iga timid illin, jirkoo dhan iyo xaaddaa i dhaqaaqday. Warbixintan wuxuu ugaga hadlayaa wixii u qabsoomay wasaaraddiisa muddadii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MA 3 BIL OO KELIYA? Markii aan akhriyay warbixintan ee Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxaa iga timid illin, jirkoo dhan iyo xaaddaa i dhaqaaqday. Warbixintan wuxuu ugaga hadlayaa wixii u qabsoomay wasaaraddiisa muddadii saddexda bilood ahayd ee la soo dhaafay, waxaanse aad ul ayaabay xukuumadihii la soo dhaafay ee waqtiga badan innaga qaaday maxay dalkan iyo dadkan u reebteen, mase is tiri intaas in loogaga haro maahee waa in maxkamad la soo taagaa.

Warbixintu waxay sheegeysaa:

✔In la Xaqiijiyay Ciribtirka Musuqmaasuqa kaasoo la yareeyay 75%


✔Daqliga Dekada laga soo saaro oo la gaarsiiyay $300,000 ayadoo awal laga soo saari jiray $150,000

✔✔Daqliga Airportka oo la gaarsiiyay $75,000 halkii markii hore laga soo saari jiray $20,000 ilaa $30,000 kadib markii la bilaabay daba gal adag iyo la dagaalanka musuqa
Waxaa la baxshay Dhamaan mushaaradii Ciidanka iyo shaqaalaha iyo sidoo kale Cuntada iyo saadka kale ee Ciidanka.

✔Waxaa la xaqiijiyay in wasaarad walba la siiyo wax yaabaha yaryarka ah aay ubaahantahay (Running Cost) si shaqadeeda u hirgasho ayadoo awal eesan jirin in wasaaradaha iska warqabaan ama ee heelaan Running cost gaaas.
✔waxaa lala kulmay dhamaan kooxaha kala duwan ee deemaha kuleh Somaliya oo aay kala yihiin Paris group, Non Paris group iyo International Banks ayakoo balan qaaday in hadii 10 ka billood ee soo socoto saan loo shaqeeyo ee cafin doonaan deemahaas oo dhan 5 billion.

✔wasiirka ayaa sheegay in 10 ka bilood ee soo socoto Somaliya isku filnaan doonto iskana bixin doonto dhamaan deemaha lagu leeyahay asagoo sidoo kale balan qaaday inaan deen dambe lagu yeelan soomaliya ineey deeq hesho mooyee.

✔sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in 10 ka bilood ee soo socda uu rajeenayo in la dhiso Schoolada, Jaamacadaha, Wadooyinka iyo dhamaan xafiisyada Dowlada ayadoo aan lasugeenin gacan shisheeye lana isticmaalayo dhaqaalaha Dowlada heesato

✔Wasiirka ayaa sidoo kale Sheegay markii Caalamka uu arkay sida fiican aay ushaqeenayaan in uruurka yurub ugu deeqay $50 milyan sidoo kale wadanka Germany uu ugu deeqay Somaliya $70 milyan oo Euro ah lagu caawin doono abaaraha iyo musiibooyinka.

✔Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in mardhaw aay rajeenayan ineey bilaabaan Canshuuraha bariga iyo isku xirka canashuuraha maamul Giboleedyada




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip