Soomaaliya ma waxaa la gudboon inay xiriirka u jarto Qatar, mise in Saudi Arabia ay dhagaha ka fureysato ?

0
Tuesday June 06, 2017 - 20:22:16 in Wararka by
  • Visits: 965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya ma waxaa la gudboon inay xiriirka u jarto Qatar, mise in Saudi Arabia ay dhagaha ka fureysato ?

    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah Dowlad curdun oo Kaliya Muddo Boqol Maalmood iyo Wax Yar Shaqeyneysa Waxaan Oran Karaa waa ay Ku Guuleysatay in ay Xoojiso Xiriirka Caalamka Inagala Dhexeeya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah Dowlad curdun oo Kaliya Muddo Boqol Maalmood iyo Wax Yar Shaqeyneysa Waxaan Oran Karaa waa ay Ku Guuleysatay in ay Xoojiso Xiriirka Caalamka Inagala Dhexeeya,

Safaaro Dhawr ah oo uu Madaxweynaha ku kala Bixiyay Wadamo Badan oo Caalamka ah Waxa Ay Kusoo Dhamaadeen Guul iyo is Af Garad Iyadoo Shirkii Soomaalida ee London Ka Dhacay Uu aduunku inoo cadeeyay sida ay uga goan Tahay in ay ina Siiyaan Taageero Dhan Waliba Leh.

Aan usoo dago dulucda qoraalkeyga taariikhdu markii ay ahayd 06/05/2017 waxa ay dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka Carabta Masar iyo Baxreyn shegeen in ay xiriirka I jareen dowlada dalka Qatar iyaga oo ku eedeynaya in ay taakuleyso kooxaha ar gagixsada oo ay ku bixiso qarash deganaanshiya la aana kawado gudaha wadamada Gobolka.

soomaaliya oo xiriirdhaw la leh dowladahaan ay u dhxayso xiisada ayaa aad looga wal wal qabaa saameynta siyaasadeed ee arinkaan ay ku yeelaneyso Dowladda Soomaaliya.

Guud ahaan maqaalkaan waxaan isku weydiin doonaa suaalo dhawr ah oo ay ka jawaabidooda qof waliba oo masuul soomaaliyeed ah oo ay hortaalo.

05 January ee sanadkii tagay ayay ahayd markii dowlado ay hor kacayso dowladda sacuudiga uu xiriirka u jaray dalka iiraan sababo la xiriira Dibax baxayaal caraysan oo weeraray safaarada Tehran ee sacuudiga iyagoo sacuudiga saaxiibadiis ugu baaqay in ay iiraan iyagana xiriirka u jaraan.

Kadib baaqii sacuudiga ee ahaa in wadamada xulafada la ah uu xiriirka u jaro iiraan waxaa xigay shir deg deg ah ee ay iskuugu yimaadeen taariikhdu markii ay ahayd 07/01/2016 golihii wasiirada dowladdii madaxweyne hassan sheikh Mohamoud war saxaafadeedkii kazoo baxay shirkaasi waxa uu sheegayay in soomaaliya ay xiriirka u jartay iyadoo aysan jirin sababo rasmi ah oo labada wadan ay xiriirka u kala qaataan ttiyoo lawada og soonyahay in ula jeedka ugu weyn ee aan Iiraan xiriirka ugu jarnay ay ahayd qancinta sacuudiga iyo saaxiibadiisa laakiin maxaan ka dhaxalnay?

Xiriirka caalamka inagala dhexeeya {Dulmar Guud}

Guud ahaan marka laga hadlayo xiriirka caalamiga ah waa xiriir ka dhaxeeya dalalka xorta ah xiriirkaas oo noqon kara mid dhinacyo badan leh sida Siyaasadda, Dhaqaalaha, Ganacsiga bulsho,

Dhaqan, Ammaan, Difaac iyo sidoo kale is xulufeysiga go’aannada waaweyn ee caalamka.

Soomaaliya oo hadda ah dalk soo kabanayo waxaa ahmiyadda ugu horreyso ay tahay in dowladda cusub ay ka shaqeyso sidii dib loogu soo noolayn lahaa xiriirka caalamiga ah oo ay laleedahay dowladaha horumaray ee dunida oo ay kamid tahay kuwa haatan uu khilaafku hareeyay ee wadamada bariga dhexe.

Maxay Iran Soomaaliya u qabatay intii ayu wadanka joogtay?

Dowlada iiraan waxa ay ahayd dowlada labaad ee mashaariicda ugu badan ka fuisa wadanka soomaaliya kadib abaartii dabada dheereyd ee wadanka ku dhufutay sanadkii 2011 kaas oo ay  maaliiyiin qof macluul iyo gaajo kusoo ridatay guud ahaan gayiga soomaaliya

Marka lagasoo tago dowladda Turkey ga oo iyadu dadaal dheeri ah muujisay soomalia aad ugu soo gurmatay Iiran waxa ay ahayd wadanka labaad eek u dadaalay sidii dadka soomaaliyeed ay uga bixi lahaayeen abaarta ku dul habsatay.

Kadib Xiriirka aan u jarnay Iiraan maxaa inagaga lumay?

Xiriirkii aan u jarnay wadanka iiraan wax yaabaha ugu badan ee dadka soomaaliyeed xasuustaan waxaa kamid ah in ku dhawaad 300 muwaadiniin soomali ah ay soo food saartay shaqa la aan baahsan dowladii xiligaa jirtay na aysan shaqo u abuurin muwaadiniintaa kadib xeritaankii safaarada iiraan ee Mogadishu

Waxaa kale oo albaabada loo laabay in kabadan 40 Xarumood oo ay ugu weyntahay xaruntii nbisha cas ee Iran kuwaa oo bixin jiray adeegyo caafimaad oo ay siin jireen kumanaan soomali ah oo ku barakacay daafaha wadanka haba ugu badnaatee magaalada Mogadishu.

Maxay dowladda dalka Qatar muhiim ugu tahay wadanka soomaaliya iyo guud ahaan gobolka bariga afrika?

Dowlada dalka Qatar oo ah dowlad ay maamulaan qoyska boqortooyada reer Al Thani maamulkeeduna uu yahay waxa afkla qalaad lagu yiraahdo (Absolute Monarchy) Nimaad ku dhisan goaanka hal shakhsi kaas oo naqan kara Boqor ama Boqorada kaas oo goan ka kasoo baxa gudaha wadankaa ama dibadiisa lagula macaamilo.

Wadanka Qatar wa wadan aad u fur furan siyaasad ahaan xiriir fiicana la leh wadamada bariga dhexe iyo kuwa caalamka guud ahaan.

Marka aan usoo dago muhiimada ay Dowladda Qatar u leedahay dalalka bariga afrika gaar ahaan soomaalia waa mid faaida badani ugu jirto maxaa yeelay Qatar waxa ay dhax dhaxaadin ka sameysay khilaafkii u dhexeeyay dowladda kuufurta sudan iyo jabhadaha ku kacsan dadaalkaas oo maraya meel sare.

Dhanka kale sida aan wada ogsoonahay dowlada Qatar waxa ay aad iskuugu taxaluujisay in lasoo afjaro wixii dhexmaraya Ethiopia iyo Eritrea.

Soaamliya waxa ay tahay wadanka ugu muhiimsan oo ay barnaamij yo gar gaar bini aadanimo ka fuliyaan oo ku yaala bariga afrika waxaana wadanka soomaaliya ka howl gala hay adda gar gaar ee Qatar Charity taas oo barnaamij yo horumarineed iyo mid bini aadanimo ka fulisa soomalia waana muhiim in ay sii joogteeyaan howlaha ay wadanka Somalia ka wadaan si loo bad baadiyo kumaanka kun ee ay maalin waliba ay u fidiyaan gaar gaarka iyo howlaha horumarineed ee ay hayaan.

Gababadii Maxaa dowladda Soomaaliya la gudboon?

Dowladda soomaaliya maadaama ay tahay wadan kamid ah ururka islaamka iyo kan jaamicada carabta waxaa inala gudboon in aan arinkan cusub ee khilaafka ah ka istaagno meel dhax dhaxaad ah oo danaheena aan ka dhax fiirsanaa kaliya si aanan ugu lug yeelan hadii xaaladan diplomacy ay isku bedesho mid dagaal.

Dowladda Soomaaliya waxaan usoo jeedin lahaa in ay qaadato go aan lamid ah kii wadanka Kuwait ee ahaa in ay dhax dhaxaadinayaan wadaman walaalaha ah ee khilaafku ka dhgexeeyo halkii ay mid kamid ah la safan lahayd.

Dhamaad:

W/Q Ahmed Ali Mohamed

Email: amb.ahmedali@gmail.com

Cilmi Baare Sare oo ku takhasusay xiriirka caalamiga iyo Diblomaasiyadda




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip