Kenya oo shacabka ku amartay inay ka guuraan Deegaanka Boni

0
Sunday September 06, 2015 - 11:21:00 in Wararka by
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo shacabka ku amartay inay ka guuraan Deegaanka Boni

    Dowladda Kenya, ayaa ku amartay dadka shacabka ah ee degan dhulka Keymaha ee Boni inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga guuraan, deegaankaasi waxaana sababta ay ku sheegtay Dowladda Kenya inay tahay arimo ammaan awgeed. Dhulkaan Keymaha ah ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya, ayaa ku amartay dadka shacabka ah ee degan dhulka Keymaha ee Boni inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga guuraan, deegaankaasi waxaana sababta ay ku sheegtay Dowladda Kenya inay tahay arimo ammaan awgeed. Dhulkaan Keymaha ah ee Boni, waxaa la aaminsan yahay ugu yaraan 300 ciidan kana tirsan Ururka Al Shabaab inay fariisimo ka sameysteen si ay u qaadaan weerarada ka dhanka ah Dowladda Kenya.                 Laamaha ammaanka Kenya, ayaa sheegay si loola dagaalamo Shabaabka deeganadan fariisimada ku leh inay muhiim tahay dadka shacabka ah ee halkaasi degan inay ka guuraan si aysan waxyeelo uga soo gaarin dagaalada lala galaayo Shabaab.

       Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya oo lagu magacaabo Joseph Boinnet ayaa u sheegay dadka deegaanka in ay hubka ay heystaan sharci ama sharci darro ay soo wareejiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan deegaankaasi si ay ciidamada howlgal ka dhan ah Al-shabaab uga fuliyaan.

              Deegaanka Boni, waxaa degan dad badan oo Xoolo dhaqato ah oo Xoolahooda ay daaqaan, hadalkaan kasoo baxay Dowladda Kenya waxa uu saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelanayaa Bulshada deegaanka.

               Xoogaga Shabaab ayaa weeraro ka dhan ah dalka Kenya ka abaabula deeganada howdka ah ee ay ku dhuumaleystaan, xilli Dowladda Kenya ay qaati ka taagan tahay dagaalka Shabaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip