Kulanka Finalka Koobka Champions League oo Caawa ay ciyaarayaan Real Madrid iyo Juventus

0
Saturday June 03, 2017 - 20:51:43 in Sports News by
  • Visits: 735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulanka Finalka Koobka Champions League oo Caawa ay ciyaarayaan Real Madrid iyo Juventus

    Ciyaar aad loo dharararay toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa caawa marka ay saacada geeska Afrika soo gaarto 09;45 ku wada ciyaari doona magaalada Cardiff kooxaha Real Madrid iyo Juventus oo ka kala dhisan wadamada Spain iyo Talyaaniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaar aad loo dharararay toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa caawa marka ay saacada geeska Afrika soo gaarto 09;45 ku wada ciyaari doona magaalada Cardiff kooxaha Real Madrid iyo Juventus oo ka kala dhisan wadamada Spain iyo Talyaaniga.

Labadan koox ee xilli ciyaareedkan ku guuleystay tartanka horyaalka wadamadooda ayaa waxaa ay ku ciyaari doonaan garoonka Millennium Stadium/ National Stadium oee dalka Wales, iyadoo uu garsoori doono Mark Borsch oo u dhashay dalka Jarmalka.

Kooxda Juventus ayay u tahay kulankan caawa markii 9aad ee ay iskeento finalka Champion League balse 2 jeer oo kaliya ayay ku guuleysatay halka kooxda Real Madrid ay u tahay markeedii 15aad oo ay timaado finalka tartanka Champion League waxayna ku guuleysatay 11 jeer koobkan.

Labadan koox ayaa ciyaar final ahayd ku kulmay xilli ciyaareedkii 1997 waxaana 1-0 ku badisay kooxda Real Madrid iyadoo ciyaartoydii kulankaa u safnayd kooxda Juventus uu ka mid ahaa tababaraha haatan horkacaya Real Madrid ee Zinadine Zidane.

SHAXDA MACQUULKA AH EE JUVENTUS: Buffon; Alves, Barzagli, Bonucci, Chiellini, Alex Sandro; Khedira, Pjanic, Mandzukic, Dybala and Higuain.T

Tababare Massimiliano Allegri ayaa uu soo xulan doono shaxdiisa ugu muhiimsan ee uu xili ciyaareedkan guulaha waawayn ku soo gaaray. Shaxdan ayaa ah tan ugu macquulsan ee uu la soo shir tegi doono Allegri.

Massimiliano Allegri ayaa shabaqa ilaaliye uga dhigi doona Buffon waxaana saddexda difaaca ah buuxin doona Barzagli, Bonucci iyo Chiellini oo iyagana loo yaqaan BBC.

Dani Alves iyo Alex Sandro ayaa sidoo looga bartay isku qaban doona shaqada baalaha difaaca iyo caawinta khadka dhexe waxaana khadka dhexe buuxin doona Khedira iyo Pjanic halka weerarka ay ka ciyaari doonaan Mandzukic, Dybala iyo Higuain, waana shaxdii uu Allegri ku soo reebay Barcelona.

SHAXDA MACQUULKA AH EE REAL MADRID: Keylor; Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Casemiro, Kroos, Modric, Isco; Cristiano Ronaldo and Benzema.

Sidoo kale Zinedine Zidane ayay u badan tahay inuu shaxdan ku ciyaaro caawa waxana labada bir dhexdooda joogi doona goolhaye Keylor Navas halka difaaca dhexe ay buuxin doonaan Sergio Ramos iyo Raphael Varane, Marcelo uu booskiisa difaaca bidix xiran doono waxaana difaaca midig ku soo bilaaban doona Dani Carvajal oo dhaawac uu ku maqnaa si buuxda ugu soo kabsaday.

Khadka dhexe waxaa suurtogal ah inuu dheelsiiyo Carlos Casemiro, Toni Kroos iyo Luka Modric waxaana weerarka ku soo wada bilaaban doona Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema oo caawin ka heli doona Isco. Gareth Bale ayaa la filayaa in uu kursiga kaydka ku jiri doono. Waana shaxdan shaxda uu Zidane u arko in ay Juventus ugaga guuleysan karo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip