Maamulka Jubbaland oo sheegay inuu dhowaan weerar ku yihiin Bu'aale

0
Sunday September 06, 2015 - 11:16:40 in Wararka by
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Jubbaland oo sheegay inuu dhowaan weerar ku yihiin Bu'aale

    Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inuu dhowaan bilaaban doono wajiga labaad ee howl galka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan Gobolka Jubadda Dhexe oo ah gobolka kaliya ee Al-Shabaab si buuxda gacanta ugu hayaan. Madaxweyne Kuxigeenka Jubbal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inuu dhowaan bilaaban doono wajiga labaad ee howl galka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan Gobolka Jubadda Dhexe oo ah gobolka kaliya ee Al-Shabaab si buuxda gacanta ugu hayaan. Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in marka la caleema saaro kadib Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay qaadi doonaan howl gallo ballaaran.

              Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inuu dhowaan bilaaban doono wajiga labaad ee howl galka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan Gobolka Jubadda Dhexe oo ah gobolka kaliya ee Al-Shabaab si buuxda gacanta ugu hayaan.

Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in marka la caleema saaro kadib Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay qaadi doonaan howl gallo ballaaran.

          "Waxaa sugtaan waa marka la caleema saaro Madaxweynaha Jubbaland, waxaa bilaaban doona howl galkii Jubadda Dhexe oo dhan looga sifeynayay Cadawga”ayuu yiri C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

            Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamadii howl galka ka qeyb qaadan lahaa ay diyaarsan yihiin, isla markaana aan howl galka istaagi doonin, waxaana uu tilmaamay in qorshaha koowaad yahay in la qabto degmada Bu’aale oo ah Caasimada Maamulka Jubbaland.

              Ciidamada Maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa guluf dagaal ka wada Jubadda Hoose iyo Gedo, si ay ugu duulaan deegaanada Jubadda Dhexe oo ay Al-Shabaab guud ahaantiisa maamulaan.

              Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ay ka qeyb qaadan doonaan weerarka ku wajahan Bu’aale, waxaana ciidamadan dhaq dhaqaaqyo ka wadaan degmada Baardheere oo xuduud la leh Jubadda Dhexe.

            Inkastoo Al-Shabaab muddooyinkii u dambeeyay ay luminayeen deegaano badan oo lagala wareegay, hadana waxay qaadayeen weeraro culus oo xeryaha Ciidamada AMISOM la beegsanayeen, waxaana ugu dambeeyay weerarkii Talaadadii la soo dhaafay ku qaadeen saldhig Ciidamada AMISOM ku lahaayeen Jannaale, halkaasoo askar badan ay ku dhinteen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip