Ra'iisul Wasaaraha Somaliya "135 Oday ayaan ka gudbaynaa, mana dhaceyso doorasho qof iyo cod"

0
Sunday September 06, 2015 - 11:09:05 in Wararka by
  • Visits: 996
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha Somaliya "135 Oday ayaan ka gudbaynaa, mana dhaceyso doorasho qof iyo cod"

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa sheegay inay doonayaan ka gudubka marxaladii Odayaasha 135 ay ku soo xuleen Xildhibaanada hada shaqeeya, si loo gaaro marxalad cusub oo lagu hanto doorasho dal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa sheegay inay doonayaan ka gudubka marxaladii Odayaasha 135 ay ku soo xuleen Xildhibaanada hada shaqeeya, si loo gaaro marxalad cusub oo lagu hanto doorasho dalka ka dhacda. Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Somaliya, ayaa sheegay qorshaha hada socda inuu yahay mid salka ku haayo wadatashi dhexmara Dowladda Dhexe ee dalka iyo Maamul Goboleedyada, iyadoo aysan meesha ka marneyn qaybaha Bulshada, waxaana laga tashanayaa sida ay noqon doonto doorashada dalka ka dhaceysa. Cumar C/rashiid wuxuu sheegay fekerka isbedelka ku keenaya doorashada inuu ka imaan doono, wadatashiga dhex mari doona Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay inaysan suuragal aheyn dalka inay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, balse muhiim ay tahay inay doorasho dhacdo, laakiin nooca doorashada aanan laga hordhici karin.




"In la sameeyo wadatashi habka looga baxaayo doorashada hadii ay noqoto iyo hadii wax kale ay noqoto ee 2016-ka wadatashigaasi Guddi ayaa loo xil saaraya oo daadaheeya, wadatashiga wuxuu ka dhacaya Dowlad Goboleedyada Magaalo madaxyadooda, waxaana lagu soo gunaanadayaa Magaalada Muqdisho, waxaan rajeynayaa dadka oo dhan inay tallo ku yeeshaan waxaan ka dhaqaaqeynaa 135 Oday, welina ma aynaan gaarin doorasho qof iyo cod.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharmaake oo la hadlay Idaacada Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, waxa kale uu sheegay ciidamada Dowladda inay guulo badan ka gaareen dagaalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab oo wuxuu sheegay ciidamada inay qabsadeen Magaalooyin ay ka mid tahay Diinsoor iyo Baardheere.

Dowladda Somaliya ayaa horay ugu dhawaaqday dalka inaysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod, laakiin laga tashanaayo doorashada dhaceysa mida ay noqonayso.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip