DHAGEYSO: R.W Khayre "Way bilaabatay in Qoryaha waa weyn la aruuriyo"

0
Tuesday May 23, 2017 - 21:13:57 in Wararka by
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO: R.W Khayre "Way bilaabatay in Qoryaha waa weyn la aruuriyo"

    Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile) ayaa maanta ka qeyb galay kulanisaga iyo xukuumadiisa lagu taageerayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile) ayaa maanta ka qeyb galay kulanisaga iyo xukuumadiisa lagu taageerayay.

Xasan Cali Khayre oo khudbad ka jeediyay goobta ayaa ka hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin Ammaanka, sidii Dowladda loola shaqeyn lahaa, Dhalinyarada in shaqo abuur loo sameeyo iyo arrimo kale.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maanta in ay bilaabatay in Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya laga aruuriyo Qoryaha waa weyn, si ammaanka loo xaqiijiyo, shacabkana aysan u dareemin qalqal.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sheegayQof walba oo Dowladda u shaqeeya bishii Janaayo ilaa April in uu helay mushaarkii uu xaqa u lahaa, hadii uusan helina ay hada u soo socoto.

Xasan Cali Khayre (Xasan Bile)Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhanka kale sheegay Dowlada in ay soo xirtay Rag si sharci daro ah canshuur uga qaadayay Ganacsatada suuqa Bakaaraha.

Mudane Khayre ayaa sheegay maalinta berri ah in uu booqasho ku tagi doono Degaanka Bali-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, si uu dhiiragelin ugu sameeyo Ciidamada halkaasi ku sugan.

Audio Player



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip