Puntland oo difaacday xukunada dilalka ay fuliso

0
Tuesday May 23, 2017 - 21:09:36 in Wararka by
  • Visits: 435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo difaacday xukunada dilalka ay fuliso

    Kadib markii Hay'adda Amnesty International dhawaan ay ku eedeysay Maamulka Puntland fulinta xukuno aanan sharciga waafaqsaneyn, sidoo kalena lagu rido dhalinyaro yar yar, ayaa Puntland waxa ay difaacday Xukunadda ay qaado maxkamadda ciidamada P

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii Hay'adda Amnesty International dhawaan ay ku eedeysay Maamulka Puntland fulinta xukuno aanan sharciga waafaqsaneyn, sidoo kalena lagu rido dhalinyaro yar yar, ayaa Puntland waxa ay difaacday Xukunadda ay qaado maxkamadda ciidamada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa u sheegay Warbaahinta in xukunada ay fuliyaan uu yahay mid sharci ah.

Wuxuu sheegay xeerka maxkamada Puntland inuu dhigaayo ruuxii isku ekeysiiya Militari oo qaata hub dagaalkana gala inuu mudan yahay xukun in lagu fuliyo.

"Maxkamada Militariga marka ay dad qabato iyo xukunkeeda, qofka haddii uu Militariga isku ekeysiiyo hubna qaato, waa sharciga Puntland wuxuu saamaxayaa in qofka maxkamad Militari la saaro.” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Maxkamada ciidamada Puntland ayaa dhawaan fulisay xukun dil ah oo lagu riday Shan ruux oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab. Hay’adaha xuquuqda Insaanka u dooda ayaa dhawr mar ku cel celiyay inay ka xun yihiin xukunada kala duwan ee ay qaadaan maxkamadaha ciidamada Somaliya.

Inta badan dadka xukunada dilalka ah ee lagu fuliyo ayaa ah kuwa ka tirsan Ururka Al Shabaab iyo ciidamo gaysta falal dilal ah oo dad rayid ah u gaysta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip