Xubnihii munaasabada ka hadlay aiyaa waxaa ka mid ahaa Senator Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo sheegay inay muqadas tahay in maqaamka Gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Taliyihii hore ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Generaal C/raxmaan Tuur Yare oo soo dhoweeyay munaasabada iyo in Gobolka Banaadir ay hesho matalaadeeda siyaasadeed.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku dhawaaqay inuu dhigi doono gogol lagu dhisayo maamul uu yeesho Gobolka Banaadir, taasoo qeyb ka ah matalaada siyaasadeed ee uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo dalka.
"Waxaa halkaan idin ka cadeynayaa inaan dhigi doono gogol lagu dhisayo Maamul goboleed uu yeesho Gobolka Banaadir, waxayna gogoshaas taalaaBalcad, bisha Ramadaan kaddib ayaa qabaneynaa”ayuu yiri Madaxweyne Cosoble oo dhowaan si adag uga hadlay maqaamka Gobolka Banaadir iyo cida xaqa u leh Gobolka.
Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in maamulkiisa uu soo dhoweynayo in ganacsatada dibadda ay maal gashadaan deegaanka Hirshabeelle.
Waxaa uu ku baaqay in la maal geliyo warshadaha ku yaalla Jowhar iyo Balcad oo ka mid ahaa warshadihii dalka uu lahaa, sida warshadii sonkorta Snai iyo warshadii dharka Balcad.
Dhammaan dadkii ka hadlay munaasabadda ayaa isku raacay sida ay muhiim u tahay in la taageero maamulka uu hoggaaminayo madaxweyne Cosoble iyo in la helo maqaam uul yeesho gobolka Banaadir.
Arrinta ku saabsan maqaamka Gobolka Banaadir ayaa ahaa mid aad u sii xoogeysanayay muddooyinkii u dambeeyay, waxaana Muqdisho ka dhacayay shirar looga hadlayay arrintan oo ay horboodayeen siyaasiyiin, waxgarad iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow.
Madaxweynaha Hirshabeelle oo iclaamiyaygogol lagu dhisayo maamul goboleed uu yeesho G/Banaadir
Xaflad lagu soo dhaweynayay madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble. oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda reer Hirshabelle ee Kenya, ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi.