DEG DEG: Ismiidaamin ka dhacday Magaalada Boosaaso

0
Tuesday May 23, 2017 - 20:58:49 in Wararka by
  • Visits: 467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Ismiidaamin ka dhacday Magaalada Boosaaso

    Qarax xoogan, ayaa goor dhow ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyadoo qaraxu ahaa mid laga wada maqlay inta badan xaafadaha magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax xoogan, ayaa goor dhow ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyadoo qaraxu ahaa mid laga wada maqlay inta badan xaafadaha magaaladaasi.

Qaraxan, ayaa waxaa fuliyay nin naftii hallige ahaa, ka dib markii uu beegsaday bar kontorool oo Ciidamada Booliska Puntland ku leeyihiin Bartamaha Magaalada Boosaaso, kuna baaraan gaadiidka.

Suxufiyiinta Magaalada Boosaaso, ayaa soo sheegaya in Check Point-ga la beegsaday uu kaabiga ku hayo Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Boosaaso.

Goobjooge, ayaa sheegay in ninka is qarxiyay uu la socday gaari nooca raaxada ah, isla-markaana uu beegsaday Ciidamada Booliska, xilli ay gawaarida baarayeen. Nin kale oo dadka deegaanka ah, ayaa isna sheegay in weerarkaasi uu fuliyay nin xirnaa jaakadda walxaha qarxa ka samaysan.

Ugu yaraan afar qof, ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhimatay weerarkaasi. Dadka dhintay ayaa isugu jira askari booliska ka tirsanaa, laba rayid ah iyo ninkii is qarxiyay.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Bari, Korneyl C/xakiin Yuusuf Xuseen, ayaa sidoo kale sheegay in afar qof oo kale ay ku dhaawacantay qaraxaasi, oo middi uu askari yahay, halka saddexda kalena ay rayid yihiin.

Qaraxan, ayaa dareen baqdin leh ku dhaliyay shacabka reer Boosaaso, mana jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadiisa.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip