Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle (Sawirro)

0
Tuesday May 23, 2017 - 20:52:16 in Wararka by
  • Visits: 520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle (Sawirro)

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho rasmi uga bilaabatay dalka Jabuuti ayaa galabta la kulmay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho rasmi uga bilaabatay dalka Jabuuti ayaa galabta la kulmay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Geelle ayaa Madaxweyne Farmaajo ku soo dhoweeyay qasriga Madaxtooyada, halkaasoo salaan sharaf uga qaatay Ciidanka jamhuuriga.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ee labada dal u dhaxeeya iyo danaha labada dal, waxaa ay isla soo qaadeen arrimaha siyaasada, amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyay Jabuuti, doorka ay ka qaadaneyso nabad ku soo dabaalida Soomaaliya, iyadoo kumanaan askari u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasoo qeyb k ah howl galka nabad ilaalinta AMISOM.

Labada Madaxweyne ayaa markii uu soo dhamaaday kulan ay qaateen waxay qabteen shir jaraa’id oo wada jir ah oo ay ugu hadleen arrimo kala duwan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb geli doona furitaanka deked cusub oo dhowaan xariga laga jari doono, sidoo kale waxaa uu khudbad ka jeedin doonaa Xarunta Baarlamaanka Jabuuti.

Booqashadan ayaa ah tii 3aad ee Madaxweyne Farmaajo ku tago dalalka deriska, waxaa uu horay u booqday dalalka Itoobiya iyo Kenya oo ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip