AKHRISO: Gabadh la kulantay dhacdo xannuun badan

0
Tuesday May 23, 2017 - 20:42:24 in Wararka by
  • Visits: 431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AKHRISO: Gabadh la kulantay dhacdo xannuun badan

    Dhacdo murugo badan ayaa ka dhacday degaanada Somaliland, kadib markii gabar lagu magacaabo Hoodo Muqtaar Yuusuf reerkeeda ay kala kulantay Ciqaab adag, kadib markii ay jeclaatay Wiil ah dadka la heyb sooco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhacdo murugo badan ayaa ka dhacday degaanada Somaliland, kadib markii gabar lagu magacaabo Hoodo Muqtaar Yuusuf reerkeeda ay kala kulantay Ciqaab adag, kadib markii ay jeclaatay Wiil ah dadka la heyb sooco.

Hoodo iyo inanka ay jeclaatay ayaa muddo saddex bilood ah meher qarsoodi ah isku qabay, markii arinta la ogaaday, kadibna Aabaha dhalay Wiilka Hoodo qabay ayaa wuxuu u tagay reerka Gabadha ay ka dhalatay si gabadha ugu doono Wiilkiisa, balse markii uu albaabka ka galay guriga reerka, kadibna uu la kulmay aabaha dhalay Gabadha ayaa wuxuu la kulmay dagaal adag.

Hoodo oo ah gabadha loo ciqaabay sababta ay u guursatay Wiil Gabooye ah ayaa saddex cisho waxa ay ku dal dalneyd guri, kadib markii laga xidhay qoorta gamcaha iyo lugaha, waxaana adag xitaa inay xiratay xijaabka, maadaama boogta nabarka qoorta kaga yeelay uu damqinaayo, iyadoo luagheeda iyo gacmaheeda ay ka muuqato xarigii lagu daldalay, inkastoo aysan dhiman

Somaliland ayaa waxaa caado ah in Wiilasha iyo Hablaha la heyb soo co intuba aysan guursan karin reeraha kale ee dega degaanada Somaliland.

Culimadda Magaalada Hargaysa ayaanan ahmiyad badan siinin sidii Bulshada ay uga wacyigelin lahaayeen hab dhaqankaan midab takoorka ee lagu sameeyo nooc ka mid ah Bulshada oo Islaam ah, aysana jirin sabab ka mamnuuceysa guur xalaal ah oo ay la galaan hablaha kale.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip