BBC oo go'aan ka gaartay magaca loogu yeerayo Somaliland

0
Tuesday May 23, 2017 - 20:34:28 in Wararka by
  • Visits: 444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BBC oo go'aan ka gaartay magaca loogu yeerayo Somaliland

    Madaxda idaacadda iyo telefeshinka BBC-da ayaa go'aan ku gaaray in maamulka Somaliland ugu yeeraan "Jamahuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday", arrinkaas oo ka careysiiyay shacabka iyo maamuka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda idaacadda iyo telefeshinka BBC-da ayaa go'aan ku gaaray in maamulka Somaliland ugu yeeraan "Jamahuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday", arrinkaas oo ka careysiiyay shacabka iyo maamuka Somaliland.

Dhaqan galka era-bixintan ayaa waxaa lagu soo beegay maalinta gooni isu taagga Somaliland ee 18-ka May.

Arrintan ayaa imaanaya, iyadoo BBC-da iyo Somaliland ay gaareen is fahan ku saabsan arrimo soo kale dhex gelay oo hakad geliyay howlaha BBCda ee xafiiska Hargeysa,

Balse khilaafkan cusub ee dhaliyay eray-bixintaan ayaa keeni kara in mar kale ay xiisaddu iska isku shareerto.

Xeerka cusub ee tifaftirka BBC-da ayaa bisha May lagu kordhiyay erey-bixinta cusub ee "self-declared republic of Somaliland” oo lagu turjumay afafka ay BBC-da ku hadasho, iyada oo la hergeliyay isla bishaas markii la faafiyay.

Bishii March ee sanadkan ayay aheyd markii wafdi ka socda BBC-da oo ay hoggaamineysay Caroline Karubi ay tageen Hargeysa, iyagoo Maamulka Somaliland ka qanciyay cabasho ay u soo jeedisay BBC-da.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Caddaani ayaa dhowaan ku eedeeyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da in aysan dhex dhexaad ka aheyn arrimha Somaliland, isla markaana doodaha ay qabato ka qeyb geliyaan dad ka soo horjeeda Somaliland.

BBC-da ayaa dhageystayaal iyo daawadayaal badan ku leh gobollada waqooyi ee Soomaaliya ee uu Ingiriisku gumeystay, balse 1991-kii iskood ugu dhawaaqay in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip