Hay'adda WOCCA oo ku soo bandhigtay Jowhar buugga XEERKA BULSHADA JOWHAR (Sawiro)

0
Tuesday May 23, 2017 - 20:24:08 in Wararka by
  • Visits: 493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda WOCCA oo ku soo bandhigtay Jowhar buugga XEERKA BULSHADA JOWHAR (Sawiro)

    Hay'adda Wocca ayaa maanta ku soo bandhigay magaalada Jowhar buug la magac baxay Xeerka Bulshada Jowhar kaaso muddo siddeedii bilood ah la qorayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Wocca ayaa maanta ku soo bandhigay magaalada Jowhar buug la magac baxay Xeerka Bulshada Jowhar kaaso muddo siddeedii bilood ah la qorayay.

Munaasbadii bandhigan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay dowlad goboleedka Hirshabeele, maamulka gobolka Sh/dhexe kan degmada Jowhar,ururada haweenka,dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dr C/hi Axmed Idow oo ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adda WOCCA ayaa ka warbixiyay ujeedada laga lahaa qorida buugan ayaa waxa uu sheegay in hore bulshooyinka ku nool dowlad goboleedyada kale ay sameysteen, bulshada reer Jowharna ay haatan buugan u suurtogashay inuu soo dhamaystirmo.

"Buugan waxa uu qorayaa in duubabka dhaqanka kaliya aysan ku koobnaanin go’aaminta arrimaha bulshada balse ay qeybaha kale ee bulshada ka qeybgalaan sida dhalinyarada iyo haweenka.”ayuu yiri Dr Idow.

Guddoomiyaha degmada Jowhar C/qaadir Buurfuule oo sidoo kale ka hadlay madashan ayaa u mahadceliyay qorayaasha buuga waxana uu sheegay in uu soo dhoweynayo.

Guddoomiyaha maxkamada racfaanka gobolka Sh/dhexe Shiikh Axmed Siid ayaa sheegay in qodobada ku qoran buugan uu yahay mid aan ku xadgubeyn sharciga uuna yahay mid u wanaagsan bulshada.

Kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Muxumad Cismaan Sugaal ayaa ka hadlay taariiqdii caalamka soo martay isagoo xusay in xeerarka dadka ay ku heshiiyaan ay ahaayeen kuwo muddo dheer dunida lagu soo dhaqmayay.

"Maamulka Sh/dhexe waxa uu goobjoog ka ahaa bilowgii qoritaanka xeerkan oo haatan soo gaaray waana ku garab taaganahay sidii xeerka loo dhaqan gelin lahaa.”ayuu yiri Guddoomiye Sugaal.

Ugu dambeyntii waxaa ka hadashay madasha lagu soo bandhigay buugan Wasiirka Haweenka iyo Xuquuql Insaanka dowlad goboleedka Hirshabeele Marwo Sacdiyo Maxamed Nuur waxayna sheegtay in kan wasaarad ahaan ay soo dhoweyneyso xeerkan maadaama haweenka la siinayo in ay codkooda ku daraan go’aamada bulshada ay gaarayaan.

Marwo Sacdiyo Maxamed Nuur ayaa ugu baaqday beelo xurguf u dhexeyso gobolka Hiiraan inay joojiyaan colaad ayna khilaafka ka dhex jira wadahadal ku dhamaystaan.

Buugan loogu magac daray Xeerka Bulshada Jowhar ayaa waxaa iska kaashaday qoristiisa hay’adaha WOCCA,DDG iyo EU.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip