DAAWO SAWIRRADA: Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Agaasimayaasha waaxyaha

0
Tuesday May 23, 2017 - 20:20:19 in Wararka by
  • Visits: 447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO SAWIRRADA: Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Agaasimayaasha waaxyaha

    Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa saaka kulan looga hadlayo kor u qaadida tayada shaqo ee Wasaaradda layeeshay agaasimayaasha Waaxyaha, waxaana kulan ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Prof. Cabdullahi Sheikh Cali Q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa saaka kulan looga hadlayo kor u qaadida tayada shaqo ee Wasaaradda layeeshay agaasimayaasha Waaxyaha, waxaana kulan ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Prof. Cabdullahi Sheikh Cali Qaloocow iyo Xooghayaha Joogtada ah Ahmed Dayib Nuur.

ShirkA ayaa looga hadlay sidii sare looga qaadi lahaa dakhli kordhinta, iyo in dib u eegis lagu sameeyo canshuur dhaafka loo sameeyo Hay’adaha ka howlgala dalka, waxaa sidoo kale wasiirku ku booriyey shaqaalaha dekedda in shaqadooda ay laba jibaaraan islamarkaana la sameeyo qayb shaqaalaha ka mid ah oo dekedda ka howl gala habeenkii xiliyadda ay jiraan shaqooyinka dajinta badeecooyinku.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka shaqeeyaan shaqaale aad u faro badan loona baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo ku salaysan dhanka aqoontooda iyo in ay si joogta ah u yimaadaan shaqadda.

"Shaqaalaha xuquuqdooda dowladdu xil weyn ayeey iska saartay, waxaana lagama maarmaan ah in ay soo xaadiraan shaqadda xiliga lagu heshiiyey. Hadii uu jiro shaqaale fasax u baahan iyo mid arrimo kale shaqada uga maqnaanaya waxaa lagama maarmaan ah in loo eego sharci ahaan waxa u xaqa u leeyahay, waana in meesha laga saaro shaqaalahaan xiligay doonaan iska safraya” ayuu yiri Wasiir Bayle.

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa sheegay in kulankaan uu noqon doono mid joogta ah oo dhaca usbuuc kasta, loogana gol leeyahay dar dargalinta shaqada wasaaradda iyo kobcinta dakhliga u soo xarooda dowladda.

4123



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip