Guddoomiye Taabid oo ku dhawaaqay olole la magac baxay Dalkaaga wax u qabo

0
Tuesday May 23, 2017 - 20:01:53 in Wararka by
  • Visits: 460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Taabid oo ku dhawaaqay olole la magac baxay Dalkaaga wax u qabo

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay olole cusub, oo la magac baxay Dalkaaga wax u qabo, kaasoo bedelaya ololihii caan baxay ee Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ee ahaa Dalkaaga ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay olole cusub, oo la magac baxay Dalkaaga wax u qabo, kaasoo bedelaya ololihii caan baxay ee Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ee ahaa Dalkaaga ku dhiso Hal Dollar.

Taabid ayaa ugu baaqay shacabka inay u istaagaan ka qeyb qaadashada ololaha dalkaaga wax u qabso, kaasi oo lagu soo celinayo bilicda magaalada.

Waxaa uu sheegay in Ololahan la sameyn doono bil walbo dhammaadkeed, ka maamul ahaanna ay keeneen qalabkii ololahaasi looga qeyb qaadan lahaa.

"Caasimadda aan mustaqbalka hiigsaneyno waa mid nadiif ah, Maanta waxaan ku dhawaaqnay olole nadaafaddeed oo aan ka wada shaqeyn doono. Fadlan ka qeybqaado ollolaha dalkaaga wax u qabo. "Xamar aan Dhaxjibaaxnee, Jidadkeeda nala Nadiifi”, "Degmo aan is Nadiifin, Dalka Way ka Hartaa” Sidaas waxaa yiri Guddoomiye Taabid qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.

Inkastoo ay dib u dhisantay Muqdisho, hadana meelaha qaar waxaa ka jirta nadaafad xumo u baahan in shacabka magaalada oo mid ah ay wax ka qabtaan.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu sheegay in maamulkiisa aanu ku filneyn wax ka qabashada khasaarihii uu geystay roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho, oo sababay dhimasho iyo dhaawac




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip