Nin "Cunsuri" ah oo Weeraray Haweeney Soomaali ah oo Uur Leh
Ninka weeraraka geystay ayaa qirtay in uu geystey jir dil iyo aflagaado. Xaakimka xukumay David waxaa uu ku tilmaamey in uu ninkani uu yahay "Cunsuri Xun".
Maxkamada Aylesbury ayaa dhageysatey dacwada ka dhanka ah ninkani, waxaana la sheegay in uu aflagaadeeyay gabadaha oo uu ku yiri "dharkaaga khariban ayaad halkan la timid” .
Seyga marwo Samsam oo lagu magacaaabo Cabdullahi Suleemaan oo isku dayay in uu dejiyo xaalada ayaa waxaa madaxa dhalo khamri ah iyo baraf uu gacanta ku sitay kaga dhuftay David Gallacher, waxaana uu sidoo kale beerka ka laaday Samsam oo uur laheyd.
Xaakimka lagu magacaabo Francis Sheridan oo dhageystay kiiskan aya waxaa uu sheegay in Samsam ay u sheegtey David Gallacher in ay uur tahay, balse waa uu iska indha tiray, laadkii ayuu na kusii waday, waxaana uu ka tagay iyada oo dhulka garguuraneysa, kaddib waxay dareentey dhiig ka yimid kahor inta aaney dareemin in ilmihii uu ka soo dhacay oo ay dilantay.
Xaakim Sheridan waxaa kale oo uu sheegey in uu ilmuhu caafimaad qabay kahor inta aanan la weerarin hooyadiis, waxaana uu intaa ku daray in laadka lagu dhuftay gabadha ay sabab tahay in uu ilmaha uu ka soo dhaca hooyada.
"Eedeysanahani waa cunsuri, luuqada uu isticmaalayeyna waxay ahayd cunsurinimo,” waxaa sidaasi yiri xaakimka.
Waxaana uu u sheegay in dembiga geystay in la gaaray "xilligii aad baran laheyd cunsurinimada iyo dhaqanka xun inay yihiin waxyaabo laga soo gudbey”.
Garsoorihii maxkamada ayaa David Gallacher ku xukumay xabsi dhan seddex sanno iyo toddoba bilood.
Nin "Cunsuri" ah oo Weeraray Haweeney Soomaali ah oo Uur Leh
David Gallacher oo 37 jir ah ayaa bishii Agost ee sannadkii hore weeraray gabar Soomaaliyeed oo la yiraahdo Samsam Xaji Cali oo ku sugnaa degmada Bletchley oo ku taala Buckinghamshire ee dalka Britain.