Dowladda Somalia oo la wareegtay Xarun hubka lagu sameeyo oo ku taalla Muqdisho+SAWIRO

0
Monday May 22, 2017 - 22:22:42 in Wararka by
  • Visits: 506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somalia oo la wareegtay Xarun hubka lagu sameeyo oo ku taalla Muqdisho+SAWIRO

    Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay hub, dareeska Ciidamada iyo waxyaabaha maanka dooriyaha kadib howlgallo qorsheysan oo saacadihii ugu dambeeyay laga sameeyay Caasimada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay hub, dareeska Ciidamada iyo waxyaabaha maanka dooriyaha kadib howlgallo qorsheysan oo saacadihii ugu dambeeyay laga sameeyay Caasimada Soomaaliya.

Howlgalladan ayaa Ciidamada isku dhafka ah oo loo xilsaaray xasilinta amaanka Caasimada Soomaaliya iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose waxey ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmooyinka Wadajir iyo Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Hubkan iyo waxyaabaha maanka dooriya, islamarkaana ay soo qabteen Ciidamada Dowladda ayaa lagu soo bandhigay gelinkii dambe ee maanta Xaruntii hore ee Xisbiga oo u dhow Garoonka Kubadda Cagta ee Istaadiyoow Muqdisho, halkaasi oo ah fariisinta cusub ee Ciidamada howlgalka xasilinta Caasimada.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya, Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa uga warbixiyay Warbaahinta waxyaabahii howlgalladaasi ay ku soo qabteen Ciidamada Dowladda, waxuuna sheegay in Ciidamada amaanka ay la wareegeen Xarun hubka sharci darrada lagu sameeyo oo ku taalla Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo isna goobta kula hadlay Saraakiishii hogaamineysay howlgalladaasi ayaa ka dalbaday in ay u dhimriyaan Shacabka inta ay wadaan howlgalladaasi, isagoona sheegay in xuquuqdooda ay ka heli doonaan Dowladda.

Dhawaan ayee aheyd markii Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Abdullaahi Maxamed (Farmaajo) ay shaacisay in la fulin doono howlgallo loogu magacdaray xasilinta amaanka Magaalada Muqisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip